|
Muxumed wuxuu u bartay in dadku yar iyo
weyn, sokeeye iyo shisheeyaba warkiisa qadariyo wax Alla wuxuu qof kale ka
mutana horay loogu fuliyo. Kolkii uu gaboobay ayuu wuxuu dareemay in xaalku is bedelay
oo ixtiraamkii hore ee loo hayey wax iska dhimay. Nin xarago iyo is
dhawr badan, socodka iyo
reerka oo meel shishe degan u dheelmadkiisu nin uusan dhibin, nin
dhiilo iyo colaad u tooghaya oo marwalba hubaysan ayuu ahaaye wuxuu haatan arkay isagoo laf dhabartu
liicday, inuu dhexda dhawr jeer ku nasto oo lug-danbeediyo mooyee wuxuu arkay inuusan sidii hore u faranfardayn karin, wuxuu
kaloo arkay isagoo ul miciinsaday salabkii kale oo dhanna tiiriyey.
Kolkaa ayuu xusuus dib ugu noqday adduun suu ahaan jiray iyo xaal maanta sida uu
yahay. Wuxuu tiriyey gabay ay naga soo gaadhay intan yar ee hoose oo wuxuu
yidhi:
-
Intaan
khayli dhuugyaha cas iyo, dheeg wiyil ah qaatay
-
Ee
dhalaanka aadmigu u baxo, sidatan lay dhawray
-
Kolkii
horeba dhererkii miyaa, dhabarkii soo gaabtay
-
Ma
ka dhaxay dhawaaq uubatiyo, dheelmitaan gibin ah
-
Dhabbe
reero qaadeen miyaa, laygu wada dhaafay
-
Ushaan
dhaabin mooyee hubkii, mayska wada dhiibay
-
Raggaan
dhalay ragguu dhalay miyaa, dharabo ii diiday
-
Kuwii
aniga ii dhaxay miyaa, dhimashaday dooni
-
Dhuuniga
i siiyaay miyaan, sida dhalaan ooyey
-
Waxaan
dhawrsanaan jiray ceeb miyaa, igu dharaarowday
|
|
|