Home

Geela: Raage Ugaas

                                                                            

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Waa mar kale iyo taxenihii ahaa "Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi."  Waxaan maanta soo qaadanaynaa Raage Ugaas iyo geeraar uu ka tiriyey geela gaar ahaan hasha iyo caanaheeda iyo ritiga iyo waxtarkiisa.   

 

Geela oo ah lafdhabarta ummadda Soomaaliyeed, ayey in badan  abwaanadu gabay ama geeraar ku muujiyeen qiimaha uu leeyahay iyo sida uu lama huraan ugu yahay noloshooda.  Quruxda, qaanbax-mageedda, quwadda iyo qaadka aan wax culaysiyaa jirin, iyo qatinka uusan bil ku dhawaad biyo u baahan,  intuba waxay kamid yihiin qiimaha gaarka ah ee uu geelu kaga mudhbaxay xoolaha kale, kuna mutaystay hadal haynta faraha badan. Geeraarkan hoose ee Raage ayaa inoo ifinaya qaar ka mid ah sababaha uu geelu uga mudnaaday giiryarta iyo geesoolaydaba. 

 

Waxaa darsiga usbuuca inoo soo diyaariyey Xadiis Axmed Caabi.

 

Wuxuu yidhi Raage:  

 

     Gugucdeeda arooryiyo

     Isku gaagixinteeda

     Away gooha wanaajaay

     Gurxankii habilaad?!

 

     Haddii giirku dareero

     Barqin loo ganbaraasho

     Adhina bowdka ku gaabto

     Guduudkeeda arooryo

     Indhaha waa gashinkoodee

     Away reera gobeeyaay

     Xeryihii ginginnaa?!

 

     Cirka oo geddawaamay

     Dayaxoo galka diidey

     Dhulka oo gasariiray

     Dhirta oo gabalkeed iyo

     Garaskiiba hadh waayay

     Caanahii gaasir noqdeen

     Iyadaa la gumriyoon

     Qareenkeeda gabayne

     Away geedaha laacaay

     Xunbadii gedfaneyd?!

 

     Gabxo daalalliyaad oo

     Gaasaar looga hayaamay

     Kolka waagu guduuto

     Koronkeeda la gaato

     Haddaan soo garbadduboo

     Ganka loo kabadeeyo

     Anbaalkii gudbanaa iyo

     Gantaalow udubkii

     Xadhko loogu guntaayoo

     In gaadanliyo dhiil iyo

     Garaddii waxartii iyo

     Gurboodkii yaryaraa iyo

     Gardhaalay nirigtii iyo

     Midka gaadha tolaayiyo

     Kan gamuunka duleeshiyo

     Gaallefay mindidii iyo

     Intaasaan guradiisa

     Gaarba gaar u dhigaa;

     Dhigihii godgodnaa iyo

     Lammadii gedfanayd,

     Haddii aan geb ku siiyoo,

     Xadhkihiisa u giijo

     Asaan heegga ka gooyo

     Galow buu u kacaayo

     Haddii wiilku gadh qaado

     Gurguurtow lama gaadhee,

     Away gaatamahii?!

 

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.