Home

Qubane:  Raage Ugaas

                                                                            

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Markii Raage minweyntiisii caanka ahayd libaaxu ka qaaday ayaa sidii caaddadu ahayd waxaa loogu xigsiisamay gabadh da' yar oo ay haweenaydaa hore eedo u ahayd oo la odhan jiray Xaliimo.  Minweyntii hore waxay ahayd mid aad ugu roon Raage oo xushmaysa, gaarinimo iyo marwanimana isku darsatay.  Wuxuu Raage dareemay inaan siddii hore xaalku ahayn labada qabdhoodna in kastooy qaraabo yihiin haddana ay kala duwan yihiin.  Markaa ayuu tiriyey gabay aan ka hayno tuducyadan hoose:  Wuxuu yidhi:

  • Illeyn caano way kala xidhmaan, dhayda iyo xoortu

  • Illeyn xabbagta geedaha ku taal, gabal xadhaadh weeye

  • Illeyn seeddigaa kuma xiltiro, xile haddaad weydo

  • Allahayow xadhaadhaa anfaco, xalayto la siiyey

  • Naa soo Xaliimoy Xaddiya, xaalna kama raacdid

  • Naa soo dharkaagoon xumayn, xidhan aqoon maysid

  • Naa soo tolkuba waa xurmee, kaba xishoon meysid

  • Naa soo dabkuba wuu xudhmaaye, xaabo lama saaro

  • Naa soo xalliin laguma dayo, xeedhadiyo weelka

  • Naa soo ardaageer xunka ah, waana lama xaadho

-------------------------------------------------------
Mar kale, adduun hawli kama dhamaatee, ayaa Ugaaskii walaalkii ahaa lasoo dhaawacay kolkaa ayuu isagoo go'aanka Ugaaska dhaliilsan wuxuu qafilay gabay aan ka hayno maanta tuducyadan hoose.  Wuxuu yidhi:

  • Nimaad caafimaadkiis talin, kuguna ceebeeyey

  • Miyaa loo callaacala hayaa, caamo dhimanaysa

-----------------------------------------------------
Mar uu isagu iska war bixinayey ayuu wuxuu mariyey gabay aan ka hayno tuducyadan hoose.  Wuxuu markaana yidhi:

  • Murti aniyo raggi la goor, waanu muranaaye

  • Goortey martiyi reer timaad,  waanu muranaaye

  • Mar dagaal maryaha loo xidhana, waanu muranaaye

  • Inta kale meheradey kalaan, maamushaa aniye

Mar kalana wa akii lahaa isagoo talo la gooyey dhaliilsanaa:

 

  • Askar iyo rag odayaal ah iyo, Aw-Xirsiyo Yuusuf
  • Ikhyaartii lahayd Muxumadow, adiyo Nuur Guure
  • Haddaan eexo jirin oo arrini, saatan ka ahaatay
  • Waayeel irdaha wuu gafaye, aaqilnimadoy ba

---------------------------------------------------------------------------

Deeq Sayid Kaariye ayaa wax ka diyaariyey boggan.  Deeq iyo dhamaan bahda doollo.com waxay codsanayaan in haddii aad soo dhamaystiri karto ama wax uun ku soo kordhin karto tixahan aad nala soo xidhiidho.  Mahad badan.

  

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.