Home

Siwaaqroon:  Raage Ugaas

                                                                            

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygan hoose wuxuu la socdaa sheekadii Raage Ugaas iyo Xirsi Boqon oo aan horebba ugu xusnay bogga ah Bi'i Waaye.   Xirsi Boqon wuxuu caado ka dhigtay inuu Raage wax ka sheego oo uu wax gabay ku sheeg ah usoo diro, golayaashana ka duro markii uu helo cid wax ka maqasha.  Maalin maalmaha ka mid ah ayaa war soo gaadhay Raage, warkaasoo sheegaya in Xirsi uu ku af-lagaadeeyey shir la isugu soo baxay.  Raage wuxuu yidhi shirkaa nin Daarood ahi ma joogay?

Waxaa loogu jawaabay niman Siwaaqroonaa meesha marayey.  Oo maxay arrintaa ka yidhaaheen?
ayuu Raage mar labaad weydiiyey.  Waxba ayaa lagu wargaliyey.  Raage haddaba Xirsi Boqon
 hadalkiisa ma xaalaynin ee wuxuu ka xumaaday in niman Daarood ahi maqleen isaga oo ninkii ugu magac
dheeraa uguna maamuus badnaa Daarood la jaa’ifaynayo, aysana arrintaa dagaal waa halkiisee wax hadal
ah iyo eray difaac ah midna ka gaysanin.  Raage ayaa sidaa daraadeed tiriyey gabaygan:  
 
 
      1.      
2.     Subxaanyaduba waa halaq hadday surin maraysaaye
4.     Senti-taano waa lacag hadday saaran tahay miise
5.     Saratoosiyuhu waa wax weyn waana haad suga e
6.     Sambab waa cad weyn oo kuyaal sarara hoostoode
7.     Sooxaari waa timir Barni yaysan saakumine
8.     Siin iyo dhareer waa candhuuf waana shay si ahe
9.	  Siwaaqroonba waa niman hadday socoto Xaafuune
	
9.     Subeer Maxamed, Siin Waaq, Bah Geri, Habar Siciid oo dhan
10.  Saddexdii Harti iyo looma tegin Sade Mareexaane
11.  Daarood silsiladiisa kore ayaan laysa soo sudhine
12.  Saaxiibkayow ma anigaa suqayar lay mooday?
13.  Mise wiilku wuu salal-anbaday Siiyahay magane?
14. ....
15. Surgin baan ku jiriqsiin lahaa sidii sagaareede
16. Sanduuqbaan ku aabudhi lahaa soomadaaye ahe
17. Samo aabahaa falay baryaad sado ku maashaaye
18. Samaanteeda Habaryoonis baan salax rogaayaaye
19. Caku reer Suldaan Diiriye iyo Sugulle Caynaashe
20. ...
 
Beydadkan dambe, sidaan taariikhda ku hayno, wuxuu ku caddaynayaa abwaanku xidhiidh ka dhaxayn
jiray Reer Sugale iyo Habar Yoonis oo dhinac ah iyo Raage Ugaas iyo qoyskiisa Reer Ugaas Warfaa
oo dhinaca kale ah.  Waxaa la wariyey in Raage Ugaas oo gaban yar ah ka habaabay reerkooda
dabadeed Reer Suldaan Diiriye oo Habar-Yoonis ah ayuu ka duldhacay.
 
Reer Suldaan Diiriye  ayaa haddaba in muddo ah Raage hayey ilaa Reer Ugaas Warfaa usoo ciidan 
diray lana soo doonay.  Sidaa ayey isku barteen Raage Ugaas Warfaa iyo Reer Suldaan Diiriye, 
saaxiibo wanaagsana ku noqdeen. Halkaa ayuu daarran yahay qowlkan dambe ee uu ka mid ka yahay: 
samo aabahaa falo baryaad sado ku maashaaye.  Macnihii waxaan ku ixtiraamayaa Habar Yoonis iyo 
Reer Suldaan Diiriye ee bari horre ayaan af-weynta kala goyn lahaa kan wax iga sheegay.

Soo dhamaystir gabaygan haddii aad awoodo ama garanayso meel laga heli karo, fadlan.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.