Waa geeraar uu abwaanku ku amaanay faraskiisii caanka ahaa ee la magac baxay Walhad. Wuxuu yidhi:
-
Gamaan waa kala waare
-
Weehadow orodkiisu
-
Wadhaf dayn lagaxooriyo
-
Taarka layska warqaadiyo
-
Ma wayeenka shukaantoo
-
Wanaag loogu qabtaa?
-
Werisow midabkiisuna
-
Cirka oo wadhanaayoo
-
Wahabkii laga qaadiyo
-
Wirriilaa aan caddaaniyo
-
Ma waagoo sagliyaa?
-
Wajigiisa arsaaqduna
-
Wax haddaan ku eryaayo
-
Ma wadooyinka ceelkoo
-
Roobku aad u warmeeyiyo
-
Waadigoo rogmadaa?
-
Hadaan heega ku weedhan
-
Ka wareeji idhaahdana
-
Wajaquu ambadaaye
-
Madaxuu kor u waaliyo
-
Indhuhuu ka wig siiyey
-
Wiyic waayac curaaf iyo
-
Ma wax sheeg sixiraa?
-
Dadka oo wada seexday
-
Hadaan ooda ka weecshana
-
Waddankaan ku shakaalo
-
Ma waydaaran yaqaanee
-
Ma wanaagsan gabdheedoo
-
Waalli kuu gogoshoo
-
Wareegaysa dushaadoo
-
Wacdigaad ku lahayd iyo
-
Waanadii aqbashaa?
Waxaa ku deeqay Cabdi Xiis. Mahadsanid saaxiib.
|