Home

Saahid iyo Feetin

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Waa suugaan googoos ah oo ku saabsan Saahid Qamaan Cali oo inan-la-yaal u ahaa Feetin Maxamuud Shirwac iyo reerkooda oo saluugsanaa gabadha lagu daray.  Tixdan shax dusheed ayuu ugu mariyey Feetin isagoo u danno sheeganaya.  Wuxuu yidhi: 

  • Gamaankiina badan Feetinoow, gabalba waa cayne
  • Qaarbaan garmaamada la barin, gaalibna aqoone
  • Qaarbaan kagoor iyo kagoor, godalka daynayne
  • Gabxa lagu shakaalyoow sanguhu, gaabi oradkiiye
  • Gacalnimo haddaad naga rabtaan, go'aha noo doorsha

Feetin oo gabadha difaacaya Saahidna u qarinaya in uu isagu garan la'a yahay xaalka gabadha ayaa ku jawaabay:

  • Hal garawsho leey Saahidoow, gobi la yeedhaaye
  • Waa gu' iyo laba deyr jiroo, neefku waa gibinee
  • Nin gamaan yaqaanaa dhal waa, gaaso bixiyaaye
  • Haddii nadigu gubo neef yar, waa jaro gariiraaye
  • Maxaad nagu galaysaa haddaad, fuulmo garan weydey?

Intaasi markay sidaa u dhex maratay Saahid iyo Feetin, ayaa waxaa gadaal ka cadaatay in gabadhii uu Saahid dhaliilsanaa ay tahay gabadh qiimo badan u saaxiib ah oo dumar lagala bax ah.  Saahid ayaa haddaba amaan ku mariimay gabadhii waano dheerna u soo jeediyey.  Gabaygani wuxuu u muuqdaa in Saahid maslaxaynayo xaaskiisa oo uu ka xaal marinayo wixii qadaf u ekaan kara ee kasoo gaadhay maansadii dhex martay isaga iyo Feetin:  Wuxuu yidhi Saahid:

  • Afka Adari reer Ugunji iyo, nimanka Eedoole
  • Isahaaq irdaha Maalinguur, Edega Ceel Dhiinle
  • Ilig iyo Awaare iyo Jeed, aradka Buuhoodle
  • Oodweyne reeraha ku jira, nimanka Iidoor ah
  • Afarta beynujaho uumiyaha yaal, odayga Daarood ah
  • Intaasaan ilaalo u dhexmaray, dumarna eegaayey
  • Asli midabkii leeyeey haddaan, adiga kaa doortay
  • Oon wada anfiyey naago kale, odayna kuuraacay
  • Arday iyo siddii macallin baan, kuu af-barayaaye
  • Naahooy aan eray kuu dhigee, qaado odhaahdayda
  • Ma udgoona naag ina-gumeed, uudna shidan mayne
  • Kol haddii ay ubad yeelatana, lagaba aanyuus ye
  • Afka iyo ilkaha cadayga mari, oo indha kuulo
  • Usgag naag leh waan necebnahaye, yuusan kugu oolin
  • Haddii aro la guursado tolkay, waw  abtiriyaaye
  • Abjad iyo waxay kuula iman, agabo naagoode
  • Afarta inqadood iyo murriyad, aqalka kuu taala
  • Aradbaxa asliga kuusha iyo, xidho alaabtaada
  • Adigoon ilwaad quruxsanayn, yaanay kuu imanin
  • Amin galab ah aaskoo dam' yidhi, niman aguugaaya
  • Adduunyadu halkay soo martiyo, adhiga raadkiisa
  • Arwaaxooda way uga ba'aan, Reer Ugaas Magane
  • U tag oo il garo inay yihiin, awrta Bah Xawaadle
  • Dadka uma ekee yaan la odhan, lama aqoonaynin
  • Anoo maqan islaan idin martiyey, niman i aanaystay
  • Ha ku odhan Ilaah baa jiroo, aabahood ma hayo
  • Anigoon ogayn yey anfaco, igaga eed sheegan
  • Ul haddii aan kula dhaco adigoo, meelo ka ilduufay
  • Hana ooyin aaboow ha odhan, hana ugaadhoobin
  • Adoo uubatayn reero kale, yaanay ku ogaanin
  • Haddii Eebaheey kugu anfici, waa kitaab idile
  • Haddii aadan aqbalin waanadaa, lagu ogaysiiyey
  • Midkaloo Ilaah kuu idmaba, kalaba eedoownay
  

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.