Home

Cabdullaahi Suldaan Tima-cadde

                                                   Dugsi ma leh Qabyaaladi Waxay Dumiso Mooyaane

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

 
1.      Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye
2.      Dubaaqayga waataan ka jaray    waa fog dabadeede
3.      Inkastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso
4.      Dibnahaagu shaygay bartaan waad ku dayataaye
 
5.      Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin
6.      Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo
7.      Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo
8.      Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo
9.      Uu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisa
10.  Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye
 
11.  Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin
12.  Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade
13.  Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago
14.  Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiraye
 
15.  Waxaan gabayga deelkiyo laftiyo diirka uga qaaday
16.  Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye
17.  Soomaaliyey dayaya wanaag idinka doorsoonye
 
18.  Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
19.  Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa
20.  Degmadeena oo idil haddaan dayey abwaankeeda
21.  Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye
 
22.  Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dix dhagaxeede 
23.  Anuunbaa danqanayee dhaguhu uma daloolaane
24.  Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
25.  Bal inay dafoof tahay caqliga      dooni laga saaray
26.  Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye
 
27.  Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
28.  Ooy duul walaala  ah tahay ooy duunka ka heshiiso
29.  Dadka kama yaraateene ways    dabar jaraysaaye
30.  Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa'in abidkiise
31.  Goortay is wada dooxatay baa   daad u soo geliye
 
 
32.  Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene
33.  Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
34.  Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa dadaye 
35.  Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
36.  Ninka duday distoorkiyo waxyiga diinta ka carrowye
37.  Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
 
38.  Hadaynaan xumaantiyo dilkiyo daynin kala qaadka
39.  Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
40.  Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede
41.  Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
 
42.  Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
43.  Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey 
44.  Dabac-yaa lahaayay intaynu isu dooxayno
45.  Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna
46.  Kollaba doogsan maysaan intaad dunida joogtaane
47.  Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.