Home

Ugaas Nuur Ugaas Rooble

                                                                             Nin Iidaran

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Sida nasoo gaadhay, Ugaas Nuur wuxuu dhashay badhtamihii qarnigii sagaal-iyo-tobnaad, waxayna beeshiisu boqratay isagoon qaangaadhin oo gaban yar ah.  Wuxuu geeriyooday billowgii qarnigii 20aad.  Ugaas Nuur wuxuu ahaa hoggaamiye-dhaqameed magac weyn ku leh degaanka Boorame iyo Saylac, wuxuuna dhulkaa ka arimin jiray ka hor intaan gumaysigu dhulka Soomaaliyeed qaybsan.  Ugaas Nuur wuxuu ka tagay tixo halhays iyo xusuus leh oo nolosha qofka Soomaaliga ah taabanaya. 

Tixdan hoose oo aad ka fahmi karto garashadiisa siyaasadeed ama diblomaasiyadeed waxaa la odhan karaa waa midda tixihiisa ugu caansan.  Wuxuu yidhi:   

  • Allahayow nin ii daran maxaan, daafta hore seexshay

  • Nin ii daaqsanayaana maxaan, daafidow kariyey

  • Jidhku nimaanu doonayn maxaan, hadalka deeqsiiyey

  • Ma degdege xaajada maxaan, ugu dulqaad yeeshay

  • Weji dabacsan daymaan dareen, galin dubaaqiisa

  • Debna furan dabuub una ka didin, deexashiyo muuso

  • Qosol dibadda yaal oon ka iman, dhuunta dacalkeeda

  • Kanaan degey kanaan doorka biday, kani dan baan moodey

  • Waxaan dood kaftan ah sheekada, ugu daleeyaaba

  • Dabinkaan u dhigo maalintuu, degelka soo saaro

  • Intiiyoon dawaarka u rogoon, xeeladda u daadsho

  • Isagoon dareen qabin maxaaan, kaga dayaansiiyey

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.