The largest
online collection of Somali poetry
-
Dahabow
jacayl baa idilay, oo idaashadaye
-
Cishqigaaga duulaanka ahi, waygu soo dagaye
-
Haddii
aadan daaweyn xubbigu, wuu idilayaaye
-
Is
dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine
-
-
Dawo
waxaan lahayn iyo sunbaan, duhur cabaayaaye
-
Anigoon
dakano aadmi qabin, ways daldalayaaye
-
Dab
haddaadan ii shidin la waa, inaan dawoobaaye
-
Is
dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine
-
-
Nin
dayuurad haysta yaan odhan, diilinta i saare
-
Waxay
sii daryaantaba kolkay, dowyo sare gaadho
-
Daruuraha markay gaadho yaan, dam iska soo siine
-
Is
dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine
-
-
Markab
diririglayn iyo intaan, doonyaha raaco
-
Badda
weyn markuu ila derdero, yaankasoo degiye
-
Meel aan
dabbaal lagu karayn, Dahaboy caynkeeda
-
Iyo
daakhil kaan tagahayaa, daacadda Ilaahe
-
Haddii
aadan daaweyn xubbigu, wuu idilayaaye
-
Is
dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine
-
-
Haddaadse raro dun lagu daadiyey, oo daabac laga buuxshay
-
Oo
midabku deyldeylan yahay, dadabta gaadhsiiso
-
Diyaar
loo sameeyey iyo, dharkii deeqa aragaaga
-
Oo
damacu wuu badanyahee, deymo kaa qabato
-
Yaan
duunyo kuu siin hayaa, adi dadaalkaaye
-
Danbigaaga oo idilna waa, layga dedayaaye
-
Waan diir
xumaan maalintay, diinftu kugu taale
-
Xigaalada dugaalkeed badhbaa, la iska diidaaye
-
Dadkiinaan jeclaan iyo intaad, duray wadaagtaane
|