Home

Xaaji Jamaal Baynax Qadiid

                                                                                  Gallad Eebe             

Maslaxad Qaran
Talo Abwaan
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Isagoo roobdoonaya Rabbina uga dacwoonaya abaar baahday oo ku habsatay degaanka Soomaaliyeed oo dhan ayuu abwaanku tiriyey gabaygan:  Wuxuu yidhi:

  • Guga da'aya iyo roobabkaa, galabta soo hooray

  • Onkod gow leh hanqadh soo gurxamay, reen gariir bixiyey

  • Guulaamada nasoo fuushay iyo mayayga, soo gaadhan

  • Saxansaxo gufaacootay iyo udug, nasoo gaadhay

  • Xareed galalaclayn iyo hillaac, geestaba muuqda

  • Waa gallad Macbuudku uu baxshiyo, guul wanaag badane

  • Ganka iyo jidhkaygaa farxiyo, guudka oogada e

  • Xamdi aan go'ayn baan nafaran, goor iyo ayaane

  •  

  • Gobolada warkii nooga yimid, ama nasoo gaadhay

  • Inkastooy abaaruhu gubeen, godanka ciideena

  • Inkastoo kullayl gaar ah iyo, gaajo lagu sheegay

  • Ooy giiryartii madhatay iyo, gaabanow adhigu

  • Geeliina halis yahay siddii, goobtan laga sheegay

  • Inuu gaaga hadhay caymiyaan, Guulle barinaaye

  •  

  • Gobol kasta markii laga waramay, dhibabka soo gaadhay

  • Dhawr usbuuc galgalad baan ahaa, diiday gama'iiye

  • Murugadii qalbiga iga gasheen, gobol madoobaaday

  • Gacmahaan sare u taagay oon, galay khalaaweyne

  •  

  • Muddo gibin ah inkastoo Rabbigay, roobkii naga gooyey

  • Gurmad buu haddana soo qahriyo gaalo saad bixine

  • Geyigaba caddaan aan aqoon, yaa Godey tagaye

  • Gedduu Eebahay yidhi qofkii, garan qur'aankiisa

  • Raxmad goor kasta ah iyo fadlibuu, nagu gargaaraaye

  •  

  • Ganaaxiyo abaaraha dhiciyo go'ayda yeedhaysa

  • Rabbiyoow waxaan geysanaad, naga gudaysaaye

  • Gardaro qoomna kuma maagtid aan, godob samaynayne

  • Caasiyaal gef falay baan nahoo, galay dunuub weyne

  • Xaqa haddaan la garab marin dhibkani, namuusan gaadheene

  •  

  • Dadka qaarki geerida heshiyo, xoolahaa go'aya

  • Waxaan galabsaneen dhaaftay baa, taa ka gudaweyne

  • Adduunkaba haddaadan nagu geddiyin, mahadi kuu gaare

  •  

  • Adigaa gargaar bixin karoo, aad u gacan weyne

  • Gu hagaaga geyigana camima, oo beero lagu goosto

  • Ood shacabkan gaajada ku jira, dhereg ku gaadhsiiso

  • Oon gadaafo iyo cudur lahayn, gebi nusqaan oo dhan

  • Oon gofone iyo shillin-cas iyo, wadan gammaareeyda

  •  Inaad barako gaariyo nimcada, ciidda noo galiso

  • Geyiga roob barwaaqeeya oo, gaanka wada buuxsha

  • Malaa'igo smada noo godla' oo gurmada soo dir

  • Deetana cirkoon gaagaxayn, goorkasta ha hooro

  • Ummaddana garaadka u sifee, nabad ha gaadheene  

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.