Home

Cirjiidh I (May 2003)

                                                    Xuseen Cabdi Xalane

 

 

 

Isagoo bishii May 2003 safar shaqo ku maraya magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carab ayuu abwaanku si lama filaan ah wuxuu ula kulmay nin uu aad u jeclaa, dhalasho dhawna ay wadaagaan oo ay ugu dambaysay 14 sano ka hor.  Wuxuu ku ogaa Xamar oo aan xilligaa iyo xilliyadii ka dambeeyeyba nabadgelyo iyo xasilooni midna ku caanbixin.  Faraxii uu ku farxay ninkaa aragtidiisa ayaa gabaygan keenay oo uu isla goobtii ku mariyey.  Gabaygan Cirjiidh ee Xuseen wuxuu leeyahay qayb labaad oo uu Denmark ku tiriyey mar kale kolkii uu isla ninkii halkaa kula kulmay.  Cirjiidh II.  Ninka kale naftiisu wuu gabyaa gabayadiisiina waanu soo heli doonaa, idam Alla.  Wuxuu ku billaabay  Xalane:

 

 

1. Cirjiidhow colaadihi dhacee cidiba meel aadey

2. Cishriin kama yarayn waayadaan kala cillaaleleyne

3. Inaad caafimaad wali qabtoo cudur lagaa saarey

4. Codadkaaga goortaan maqlaan cuurey faraxiiye

5. Maandhow cusboonaa cindigi caadku loolshadaye

 

6. Anse caynadaydii ma ihi caadadaad garane

7. Madaxii cirrow oo tintii waa caddaan idile

8. Cimri iyo da’ ila ciirteyoo cunaya jiidhkeyga

9. Citaalkii ma taagniye dhexdaa wax i cusleeyeene

 

10. Waxaan caday ka dhuubnaa waxaan haadda la ciyaarey

11. Cayil iyo calool baan haddeer cagaha jiidaaye

12. Cidla joogna ii dheer tolaan ciirsadaa ma lehe

 

13. Waxa aan carraabiyo katlaba cidhifydaa meeri

14. Ee aan caruuraha dad kale ugu caloolyoobi

15. Cuntadaan ka raajici lahaa yaanan ciil mudane

16. Inaan gaalo ciirsado ma rabin calafse waa meele

 

17. Kala cayn Caddaan iyo madow cidaha joogaye

18. Nina caadadii kama koriyo camal awoowgiise

19. Cawadeenu waa geel sidaan Cawl u nahay reere

 

20. Si kastoy u ciidmaan wax kale loo camiri waaye

21. Hadduu calaf Ilaah nooga dhigay caano iyo xoolo

22. Dad casrigan cabiidsada dad kale waw caqli la’aane

23. Inaan Carab xamaali u noqdaa caydh ka door bidaye

 

24. Calbabaas nafteydiyo intaan laba canleyn daayo

25. Carradeeni aad baan lahaa cirirka roobeede

26. Cirkoo da’ay dhulkoo doog camirey cimalladii hawdka

27. Hurweynkoo ciriiraha dusha cidhifyadii buuxshay

28. Oo coobo weynoo ritigu doobta ka cisiiyey

29. Cillaan iyo Cadduun baan lahaa caday ka raadgooye

30. Caanaha ka maal baan lahaa hoorka noo curane

 

31. Geedigaan cedceedsado anoon laba caloolyoobin

32. Ceelberdiyo Cadaadlaan ku furi ceynka raro e

33. Haddaan cudur i daahshaa ku iman cududada xoogayga

34. Oon caafimaad qabo ogow reerki waan celine

 

Cirjiidh II (Guji kobtantadaato)

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.