Xuseen wuxuu gabaygan tirintiisa
gocdey horraantii 2008, wuuse ka wahsaday inuu dhammaystiro. Laakiin
billowgii bisha November 2008, ka dib markii la weydiiyey maxay dawlad
Soomaaliyeed u cago-dhigan la’dahay ayuu ebyey. Wuxuu abwaanku joogay
magaalo madaxda Suudaan ee Khartoum, wuxuuna ku halqabsaday Axmed-jaalle oo ah
nin Soomaalinimadu aad ula weyn tahay saaxiibona ay yihiin. Wuxuu yidhi:
·
Axmedow da’duba waa aqoon,
naga dahsooneyde
·
Dawaaraha dabayshiyo xilliga,
falagga duuflaalsha
·
Cimilada isdoordoorisiyo,
bii’adiyo daaqa
·
Dirirkiyo daruuraha cirkaa,
loo da’tirinaayo
·
Ma deggana duruufaha naflaha,
doojiyee haga’e
·
Diraac iyo abaar kugu duntuu,
doog bedelayaaye
·
Nin dagaag ahaan jirey hadduu,
duunyo buux yahaye
·
Didmadiyo colaadaha adoo,
shalayto daw jiidhey
·
Dariskiyo degaankoo nabdaa,
daaqan kuu xigiye
·
Waa duruus adduunyadan degdegi,
laga dabqaataaye
·
Dalmareen waxaa badan
daalacdiyo, duq iyo waayeelka
·
Kama durugto dulucdii murtida,
dood markay tahay
·
Wax badanoo durduradii yaraan,
iga dabayl raacey
·
Dib-u-qoomamayskii haddaan, dibinta
ruugaaye
·
Haddii aan qof iga doojiyiyo,
helo cid dooneysa
·
Maantey da’deydiyo khibradu,
daawo dhalayaane
·
Maantuu wixii iga dadnaa,
daahir ii yahaye
·
Maandhow dad badanoo murtida,
dihanayoo buuxa
·
Waxaan ooga soo dudey waxaan,
adiga kuu doortey
·
Dagaalyahan dadaal
badan inaad, tahay nimaan daalin
·
Dabcigiyo anoo garan
dadnimo, waxaad ku daaweyso
·
Dudadiyo deegaankiyo
dhalyaha, daris wadaageenna
·
Anigoo docdaa kama
madhnee, xeerin danaheeda??
·
Inaad tahay nin
dulucdooda garan, ereyadaan duubo
·
Oo gabayga daalacan
karaan, kuu danniyaaye
·
Duuduubka
Soomaaliyeed, ceebta nagu daahan
·
Dacda iyo waxaa
digada dhigay, dawladnimadeena
·
Dulmarkeeda duugtii
murtida, maanso dulucdeeda
·
U duuflaali Doolliyo
ciddii, gabay daneynaysa
·
Cid u diirnaxaysaa
shacbigan, diiftu ku abaadey
·
Cid damqani haddaad
garan, cid uun xumaha diideysa
·
Dawiyoo u gee
maansadaa, ha isku duubmeene
·
Dawlad li’ Soomaalidu intay,
dala dhacyeyneysey
·
Inta ay dagaag iyo qax iyo,
dacati luufluuftay
·
Waa labaatan deyrood intuu,
dhiig ka da’yaaye
·
Allahayow
dahaadh aakhariyo, dunida guudkeeda
·
Mid inaad
ku deysey ahayd, labada daaroode
·
Dulalaati
dhexe waayadaa, daw ka lulataaye
·
Haddii adan inay dabar go’aan,
looxa ugu duugin
·
Mar uun baad ka sii deyn lahayd,
dabinka haystaaye
·
Danbi ay galeen baa mindhaa,
loo daldalayaaye
·
Dunidiyo dadaalkii wax badan,
uunku nagu daalay
·
Marna xoog xitaa lagu dayee,
daawo dhalin waayey
·
Wixii shirar naloo dumey wixii,
darisku noo yeedhay
·
Wixii xeer dib loo qorey wixii,
doodda lagu xiiqey
·
Dawlad been ah iyo duul
shacbigu, diidan yahay xooggi
·
Wixii loo durbaan tumay wixii,
duubka lagu gaarey
·
Isma doorsho kii laga dajiyo,
kii darraad yimide
·
Kooxdii la doortaba bulshada ,
wawga darayeene
·
Halkii bay durraaqdaa hashii,
dacasha weyneyde
·
Iyadoo daldalan oo miskaha,
doogi kaga taallo
·
Iyadoo waraabihi dabxaday,
qaarba dacal haysto
·
Ma dirgane dulkii bay cillaan,
dagal dhabaysaaye
·
Xalaan daawo loo haynin iyo,
dulucdu waa quuse
·
Ka dareer dadyowgii kaloo,
deyrshe aadmiguye
·
Iyaguna ma doorsoomayaan, waa
dadkaa rogane
·
Inay doc isku raacaan la waa,
beel isdiidaniye
·
Dirkey tahayba Soomaalidii,
dabargo’weeyaane
·
Markay daacaddii dhimatay bay,
dagantay maandeeqe
·
Anna maasha lay daday halkay,
daarran tahay iintu
·
Aan dillaacsho
duulkii wax garan, ha ila duubteene
·
Nabad-doon da’dii
talin jirtiyo, duubcad iyo caaqil
·
Duqaydii dabkaa
ololayaa, damin lahaa maanta
·
Raggii boogta daaweyn
jiriyo, madhay nin doorkiiye
·
Doqon iyo dilaa baa
dhulkii, loogu dawgalaye
·
Waa dayday nimankaa
xukuma, dawladahan baase
·
Dawarsiga wasiirkaa baryada,
dibadda meereysta
·
Ee galin Hoteeluu degiyo,
daafida u ooman
·
Ee aan damiir kale
lahayn, qaranna dooneynin
·
Inta uu danjiraheeda
yahay, daawo laga dhawri
·
Durugtaye sidey dawladnimo,
dib ugu soo laaban
·
Dal aqoonta loo deyriyoo,
laysku dacareeyey
·
In ditoor hoggaanshiyo dalkaa,
Khubaro loo diidey
·
Warlord damiiniyo dalkaa,
daadufku horjoogo
·
Dabadhilif Axmaariyo wataa,
mudatay daaduune
·
Dabaqoodhi weeyaan raggaa, diiradow
side e
·
Dibbataye sidey dawladnimo,
dib ugu soo laaban
·
Da’yartaa dagaalada ku korey,
duullankiyo boobka
·
Ee aan dugsina maalin
tagin, deelna garanaynin
·
Dooxatada da’daa naga
ba’diyo, diiratada waalan
·
Ee aan dalkoo nabada
arag, dirirtan mooyeene
·
Dabka iyo intay wali
sidaan, danabka baaruudda
·
Dibbataye sidey dawladnimo,
dib ugu soo laaban
·
Dibjirkaa dekedihii qabsaday,
daarihiyo fooqa
·
Dad la dhaco intaa uu dulmiga,
moodi danahiisa
·
Inta uu sharciga diidan yahay,
doorashiyo maamul
·
Ee uu dareen culus ka qabo,
dib-u-heshiisiinta
·
Intaan daawo loo hayn intaan,
danihii loo oofin
·
Isna uu dabbaabbaad-midfaca,
dariska guulaayo
·
Durugtaye sidey dawladnimo,
dib ugu soo laaban
·
Digarogasho daa iyo inay,
dul u hayaamaane
·
Maantey libaax labadi daan,
dalaq ku siiyeene
·
Maantey wedkii dili lahaa,
daawo bidayaane
·
Dulliguu gumeystuhu na baday,
dacatiguu reebay
·
Dawladaha dalkeenaa qoqoban,
qaarba daraf haysta
·
Ee wali digtoonaan ka qaba,
aaya dirirkeena
·
Kala daadsanaanteenu waa,
guusha danahoode
·
Dibindaabyo iyo waad ka fili,
dalaw ka sii tuure
·
Inay doog ku gaadhsiinayaan,
damac ku xiisoodka
·
Doqonkiyo dammanahaa ayiday,
xeesha dabargoynta
·
Intay qaranka daafida
ku gadan, damac yaraantooda
·
Dibbataye sidey
dawladnimo, dib ugu soo laaban.
·
Markii balo dalkii
wada camima, na lagu soo daayo
·
Nabaddoo dibawdiyo
markii, darisku eedoobo
·
Diintiyo Islaam buu
ahaa, deyrka noo hadhaye
·
Shuyuukhdii u
duubneyd maslaxo, damisa aafaadka
·
Deegaankii ka suul
culummadii, daahirka ahayde
·
Daalibaan gadh
daafula leh iyo, daaduf baa yimide
·
Duul waalan kureydaa
dardaran, ee jinnigu duufshay
·
Dabagaab wadaadkaa
didmada, shaadhka kor u duubtay
·
Oo daabka qoriguu
hayiyo, dirir u soo xaytay
·
Oon diir naxaa lagu ogeyn,
waran-daf mooyeene
·
Dad wadaaddo lagu sheegayoo,
dili masaakiinta
·
Oo dhiigga ay daadiyaan,
kaba diqooneynin
·
Inayn docina noo cayman
bay, tahay daliilkeede
·
Qof isdiley danbiyo naar ku
mudey, diintu say tidhiye
·
Cunug miino lagu duubay,
oo dumiyey suuq buuxa
·
Duq ma werin dalkana
sooma marin, duulkan ka horow e
·
Dakaniyo dilkii ruux
muslima, nimanka diin moodi
·
Da’da soo koreysiyo
intay, dumarka aafeyni
·
Durugtaye sidey dawladnimo,
dib ugu soo laaban
|