Home

Oogan (Ina Bush 2003)

                                                    Xuseen Cabdi Xalane

 

 

 

   

  • Olalaha Bush wado weeraarkaa, loo ayaan tiriyey
  • Askar iyo waxaa aalad badan, Carab ku sii aadan
  • Abxadaha waxaan hore la arag, uuradiyo qiiqa
  • Ha unkado cirkoon roob ka iman, ololka baaruude
 
  • Wax Maraykan eebiyo gantaal, meel ku ururshay
  • Iskuulada Baqdaad iyo Basriyo, udubadaa Mousal
  • Ku afuuf dheh aayaha danbaad, eedi taladaase
  • Aqallada burburi reerahaas, kaama agalin eede
  • Eeqadoodu meeshay ku geyn, la arki dooneeye
 
  • Naga awdan umulkaad Iraaq, u ajaleysaaye
  • Saddaam iyo hadday aabahaa, eedi kala gaadhaay
  • Ood aarsi doontaa dakano, uurka miraneysa
  • Inta kale maxay eersadeen, suuqda olalaysa?
 
  • Oil iyo hadduu yahay batrool, waxaad u aanaysan
  • Iyaguba anfaco waa rabaan, aayo nololeede
  • Inay adiga oo kale yihiin, taana ma illowdey?
 
  • Ugub ma aha aadane kibroo, eerigoo maraye
  • Nin awood leh waa la ogaa, uun kale maage
  • Gardarradu dabkay oogto ay, dunida aafeyso
  • Ninkii ololshay bay aakhirkii, adhaxda gooysaaye
 
  • Hitleer eedyey kibirkii ahaa, Yurub addoomeeye
  • Ururiyo dadkiisi ayiday, aarmigiyo xoogii
  • Hadduu aashi daadihin lahaa, kama ilduufteene
  • Arki waaga uunkii kaluu, waagi eersadaye
 
  • Isticmaar haddii lagu aflixi, reera la afduubo
  • Ingiriis Imbeeyr iyo wuxuu, ood walbaba gaadhay
  • Afrikiyo waxay Eeshiyiyo, Carab ajiibaanba
  • Ololaha xornimo doonayiyo, aaya-talintooda
  • U adkeysan waa weerakii, oofta loo dhigaye
  • Ku soo ururyey dhawrkaa irdood, agabta taallaaye
 
  • Asaraarka Ina Bush wadiyo, amar ku taagleynta
  • Aflagaado ruuxaan ayidin, eed dusha u saarka
  • Ummadaha midoobiyo sharcigi, oolley ka abraarka
  • U eg dhaqankii uunkaan xusniyo, eed wadkeed galaye
  • Afraqaadka meeshuu ku intihoon, la arki dooneeye
 
  • Ummadaha rogmada qaar kaley, tahay ayaankoode
  • Markay Carabi uduluubayaan, farax Israiile
  • Shacabkaa la idhan goonayeen, ehel wadaagaane
  • Falastiinba waa tii ayaan, oodda loo rogaye
  • Mindiyaha waxaa loo afeyn, waa intii hadhaye
 
  • Dad Ilaahay rogayaan anficin, waano aw yidhi e
  • Inay ul iyo diirkeed noqdaan, odey Carbeed diidye
  • Sidii araddi lala guursadey, xin isu eegtaane
 
  • Ihaanada ma qaateen hadday, aarsan karayaane
  • Aamusnida waxaa oogu wacan, waa addoonimo e
  • Gunbay tahay abaablkeed sidaa, loo agmarayaaye
  • Balaan aragno uunkaa runduda, aaya xumidooda

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.