Home

Dhurwaale

                                                 Xarbi Ismaaciil Samatar              

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygan taariikhdiisa oo dhan iyo gabayo kale oo laga tiriyey dagaalkii Dhurwaale halkan ka eeg:  Taatiikh iyo Gabayo

 

  • Maansada Cabdiyo Nuurba way, igu canaanteene

  • Ciroolahaa i waydiiyay iyo, culimadaan diidaye

  • Cismaan iyo adaan Jaamacaw, kuu camirayaaye

 

  • Ka cudhaadha cawaan sidii, ceel idiin shubiye

  • Carab iyo Gurey waatii uu, cunay waraabuhuye

  • Cabdilaahi Nuux iyo Salaan, ciida lagu aasye

 

  • Cawil Eebbe mooyee Khaliif, ka cifan maysaane

  • Cadaab ma arke Aw Yuusuf baan, ciilkii duubnahaye

  • Ceeblaawihii layga qaad, caalinka ahaaye

 

  • Nin Cadaawe riixaa ka madhay, cuurka Reer Dalale

  • Iyagu soo ceshaa iyo innagu, kula carrawnaaba

  • Jeeroo col kale soo baxoo, qolo la ciiryoonto

 

  • Ama ay wax kala caad baxaan, sida cirkoo hooray

  • Intay Baho cadceed iga xigaan, caafimaad dhimaye

  • Afaan Ciidagale ugu gabyaa, iima caad bixine

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.