-
Irdhaa
galay raggii Weerarow, idinku oodnaaye
-
Afartaa
garyahan bay qabteen, sida ugaadheede
-
Abtirsiinyadii geedka iyo, anafadii joogtey
-
U
adkeysan meynaa la yidhi, aabbe yuu dhalaye
-
-
Laba
Muuse ubaxii cuntoo, aaran baa hadhaye
-
Haddaan abaar lagu salidin, kama imaadeene
-
Udubkayga kama soo rareen, Eexo iyo Cayne
-
Agoonta
ooma keeneen raggii, aabbahood dilaye
-
-
Isaxaaq
wuxuu ununufaa, uur-ku-taallade
-
Bal
eegoo afmeer bay galbeed, uga arooraane
-
Markay
idin arkaan geelashaa, uubka loo ridiye
-
-
-
Awal
raace MuuseCabdallana, odayadoodiiye
-
Waa
aawadiin waxa ku furey, Awdal iyo Sheekhe
-
Hadduu
gu’gu Aboorrey ka da’o, ma arki doontaane
-
Bah-dhulbahante
ubaxaa ka badan, eedda loo dhimaye
-
Inta
ooryahoodi laga qaaday baan, la ashqaraaraaye
-
Maxaa
inan adhxaha lagaga jabay, aabi lagu toogtay
-
Waxay
Ededan ugu meerayaan, amase Oodweyne
-
Allaa
igu oge kuma aaminsana, laba ayaamoode
-
-
Ayaan
kaliya waa tii Gunbuur, oodda loo rogaye
-
Axmaarana sidaa Reer Cigaal, uma ataakteene
-
Nimankii
ajalay baad tihiin, Aw-Cabdiyo Nuure
-
Illaa ay
dhawaan urursadeen, awr ma soo tu’ine
-
-
Afgubato
sidii Reer Xuseen, loogu wada aasay
-
Indhahay
ka meermeeriyaan, urur aad joogtaane
-
Hadduu
inan ka hadho iga walleyn, idin illaaweyne
-
-
Ugaadh
Cumar sidey uga qaxeen, awrta Reer Sugulle
-
Ergo
laguma siin geelashaad wada afuufteene
-
Waxay
unufka ugu meerayaan, uur ku taallada e
-
-
Iddaraysna waa kuwaa, sikaday ugubadoodiiye
-
Abokor
iyo Rooble waad, ku adyadooteene
-
Bal
maxay u aaneynayeen, odaygi Ceel Beyle
-
Afka
Boqorle iyo Tuuyo iyo, idhamadaa Baarcad
-
Sidi
adhi tadcaareed raggii, laguu idleynaayey
-
Iman
meyso Habar-yoonistaad, u alwaneysaane
-
-
Ooho
kuma xasilo geel haddii, aar u soo dhaco e
-
Arrinkaad waddaan Reer Xirsow, aayatiin ma lehe
-
Eebada
shisheeyuhuba, way idin asqaysiine
-
Iman
mayso Habar-Yoonistaad, u alwanaysaane
-
Ammaana
Alla waydiin bannaan, labada oofoode