Home

 Yuusuf Dheere Maxamed Sugaal

 
Ba'yee Dalkaygoow
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabayo dhagaysi ah: Guji cinwaanka gabayga

Gabayada hoose waxaa noo soo gudbiyey Maxamed Yuusuf Maxamed Sugaal.  Mahadsanid saaxiib.

Utummo Sheeg

Sax u Bishaaraysta

Fidaa'iga Galbeed

Kas iyo Maag

Warkii Xero Malayko

War Gubtaanyo

Dhambaalkii Illaahay

 

Taariikh uun inagoo uga jeedna bal gabaygan iyo siduu ku yimid aan wax yar dul marro.   Inkasta oo aanaan macluumaad dhamaystirin ka haynin, haddana gabaygan abwaanku wuxuu ugu jawaabayey nin sidda la wariyey Mareexaan ah oo af-lagaadeeyay abwaanku cidduu ka dhashay oo ah Absame.*   Wuxuu Yuusuf Dheere sheegay intii uusan gabayga bilaabin inuu Cabdi Sheekh Biixi, Allaha u naxariistee, ka codsaday inuu ku daro baydka ah "Ninna gabay ayeey kama dhaxlee odayo maw sheegay."  Ninka Marexaan ayaa waxaa la wariyey in ayeydii Ogaadeen tahay, sidaa daraadeed ayaa nin ay is xigaan qariibsaday gabaygiisa oo is weydiiyey halka uu gabayga ka keenay.  Mid kale oo isla qoyskooda ah ayaa dabadeed ugu jawaabay:  "Ba'a, oo mawaadan maqlinin, ayeydii Suuban Gabay baa gabyi jidhay."

Halkaa ayuu Cabdi Sheekh Biixi ka codsaday abwaanka inuu tixraaco oo uu xusuusiyo afareeylaha soo gabyey in aan nina ayey waxba ka dhexlin, gabayguna uu ab iyo isir lee yahay.  Abwaanku haddaba siddaa abwaanka kale ka codsaday ayuu yeelay oo tixdaa gabaygii mariyey, isla xarafkaana ku qotamiyey.  Wuxuu Yuusuf ku bilaabayaa gabayga amaan aad u qurux badan oo uu amaanayo Cabdi Sheekh Biixi, ka dibna gudagalayaa ujeedadiisa oo ah inuu si cilmiyeysan oon caytan iyo qadaf midna ahayn uu abaalkii uga waraabinayo ninkii halalka u soo tiriyey. 

Abwaan Yuusuf Dheere waa nin hal-abuuridda Alle u dhibyareeyay oo sidda gabayganba ka muuqata bad ah.  Wuxuu xubin sare oo aad u muuqata firfircoonna ka ahaa halgankii Western Somali Liberation Front (WSLF.)  Waa ninkuu ku hal-qabsaday Macallin Dhoodaan markii uu lahaa gabaygiisii Daba'ala dhexdiidsa "Maansada dhulkii daraf ka daraf Yuusuf kaga daalay"  Haddii aad aragto gabayo kale oo abwaanku lee yahay noo soo dalwi, magacaaga ayaan hoos ku xusi doonaa inaad adigu ku deeqdaye.

Gabaygu guud ahaan wuu dhamays tiran yahay, laakiin cajalada aan ka qoray oo tayadeedu aad u liidatay awgeed erayo iyo beydad badan baan si wanaagsan u maqli waayey.  Gabayga qiimihiisa gaarka ah ayaan ku maagnay oon wixii aan maqli karro uun soo qornay.  Waxaa dhici karta in cid haysaa aan ka xanaajinno ooy noo saxaan, amaba abwaanka naftiisuba uu soo booqda halkan, London, UK baan ku maqlay, oo uu markaa inta uusan na dacwaynin bal inuu noo saxo isku dayo.  Haddii aad erayna Allaha ka dhigee wax khaldan sixi karto yeel sidaa, kheyr baad helaysaaye. 

Wuxuu yidhi:

  • Aqoon badanoo Aadannoow Cabdow, ina adeer heedhe

  • Aqligiyo waxaan kugu jeclahay, aragti dheeraad e

  • .................

  • Sumadaha il taabashada arin tagaabaynta

  • Aano dhugadka ilin eexashada gacal u hiiloodka

  • Ficil orodka nacab aarsashada, amar ku taaglaynta

  • Beel islaax ah sama oofintiyo, nabad u aayeynta

  • Shilaabaynta oonbixin martida, xidid asluubaynta

  • Abaal celin isxaan qaadashada, idin ajuuraynta

  • Awood male....

  • Raganimo idaylkeed intii, amin lagaa siiyey

  • Ma ogsooni wiil in ku dheer, aynigaa kacaye

  • Waa ilaaq qof aan ku habanayn, inaad amaantaaye

  • Waxaa kugu astaahil ah midaan, axadna koobayne

  • Nin intii lagama xaasidee, aydin baa tahaye

  • Alla igama qaadoow ducadu, way ajibantaaye

  • Sayid awliyaad bay dhaliyo, ehel karaameede

  • Ifka dharag aakharo janaad, helina aamiine

  • Aqbalkeedu suuroow baryadan, taan awaytimaye

  • Ujeedadayda weyn iyo intaanan, hadalka uurdooxin

  • .............

  • Islaax galin ma taaliyo baryahan, kala itaal dhowre

  • Adyad iyo xumaan iyo gafbaa, la isku aafayne

  • Sumadii Afmeer iyo Juq iyo, lagu ogaa Faafan

  • Haddaan sii iftiinshana Garbaa, adina qaarkiiye

  • Dhanka Iimeey Eyl iyo Abeel, Adhi Caruusaadka

  • Aaddiyo Burqiyo Fiiq wixii, Adari loo gaadho

  • Afaafkii Madhaaliyo Jigjiga, Xalis ticmaaleedka

  • Sugumadaha Awaariyo rastada, Uuma kala aada

  • Oosha miidaha aagamaha balidda, la ajo miirayso

  • Aaga Xoddoyo oogada Banaan, Doho ugbaadkeeda

  • Illig iyo Shilaabiyo Wardheer, ologga Doolloodba

  • Aw-dambeey Qalaafiyo Godey, karinka Eegey ah

  • Arladaan wareegaa u cayimay, geelii ololaayey

  • Sumaddii u gooni ahayd, lagu aqoon raaco

  • Sumadii ilaashiyo qanjaha, loogaga asteeyay

  • Sumaddii amaarada u ahayd lagu, eryoo dheelmo

  • Sumaddii ammaanka u ahayd, lagu ikraan dhaafo

  • Sumaddii aan tuugiyo badheedh, aashato loo qaadin

  • Ayadoon  baylihin kuwii, aradda loo foofshay

  • Ayadoow aluubayn raggii, laga ugaadhoobay

  • Ooy ina wacdood u dhiman, ama unuun goynin

  • Ayey uufanaysyo damceen, inay afduubaane

  • Waawaantaan adkeeyiyo baryahan, galkii aan tiirshay

  • Yaa lasoo ishaarsaday fartii, Agan ku jiidnayde

  • .....................

  • Utuntiyo nimankaan hadhayn, eesha godobteedu

  • Inaad doonto eediisu waa, kuu ardaalnimo e

  • Edeb baad ka qaadaa waxaan, ....... ahayne

  • Dhaaxaan aamusnaayoon hurdoo, umal la duubnaaye

  • Haddaanse umaamadi horoon, uga cisayn boodhe

  • Ninkaan aarmiga u guranhayoo, axankaa sii doono

  • Afartaa sidii igadh godloo, ibatay xooxeed dheh

  • Cid astaysan roob soo unkaday, udug xareedeed dheh

  • Cir asoolan caydh soo ekoon,, mayey arooryaad dhe

  • Shil aloosan xaajo aabtiriyo, baano odayeed dhe

  • ....................

  • Magaan baa ilduufee warkaa, heli ogaantay dheh

  • Isir buu gabaygu leeyihiyo, ab iyo maytaade

  • Iska hadal ma fiicniyo hadhoow, saa anaa idhiye

  • Waxaa laguu aroorshaa kobtuu, jiray awoowgiiye

  • Asalkiisa Raagaa lahaa, abaabulkiisiiye

  • Asagaa orkiisiyo la yimid, ururta luuqeede

  • Darwiishkiina arar dheer wax badan, uunka maqashiiye

  • Cali Oday iyo tii Weerarbaan, la asaraarayne

  • Hal-abuurkii Baar-xowle waa, lama iloobaane

  • Erayadii Qamaan baa haddeer, lagu afeeftaaye

  • Arboow Camanje iyo Maaxba, suge ila-xidhkiisiiye

  • Amba qaadkii Qoorleex ma lumin, aayaduu dhigaye

  • Ina Cumara kaga aarsay Cali, eeqadii Guba e

  • Ma anfadinin Maxamed Dheere jeer, hal u ekoonaaye

  • Sano nool abwaan baa murtida, laga ishaartaaye

  • Eegana waxaa laga orshaa, adiyo Dhoodaane

  • Singub waa ustaadkii fankiyo, udub-dhexaadkiiye

  • Alifaada heesaha ma jiro, axad ku haystaaye

  • Asaga iyo Kaariyaa balwada, u idmay sheegeede

  • Fakad aaladuu qorro mudaa, la iswareeyaaye

  • Idaacada wakaa Fidhin ka tabin, jiib agaasimane

  • Ku adimi Siyaad tuducyo jeer, aayatiin galahee

  • Intiinaa aan sheegiyo bahdaan, ismin kari waayey

  • Iyo kuman uluuf oo kaloo, wada asxaabtiiya

  • Yaa axkaamta hawraareed ku qaba, agabar waayeele

  • Hiddo abab adag baad u tihiin, ahabta geeraare

  • Codkii aabayaalkiin malaha, ka anban maysaane

  • Afhayeenayaaloow bulshada, ku intifaacsiiya

  • Afartaana waa iga tusmee oog, ma ka cadeeyay

  • Ilayskiyo cadceediyo siddii ololka, mow muujay

  • Ma ansixiyey beyd gaabku waa, ka anfariiraaye

  • Anbaday ku toosnayd wagladu ,ma uga ood qaaday

  • Ma aaddiyey raggii soo askumay, amase aashiisii

  • Asalkeeda lama seejiyee, abutur ma u yeelay

  • Abtirkeedu meeshuu ka yimid, adinka ma u saaray

  • Nina gabay ayey kama dhaxlee, odayo maw sheegay

  • Wixii ila akeekami lahaa, surinkii ma u awday

  • Ma aflixiyey qoom wali ardoo, abaja' loo yeelin

  • Uus-kulul amnoos duqa isbiday, ilin ma qaadsiiyey

  • Qof waliba itaalkuu lahaa, ma ogolaysiiyey

  • Anoon cid af-lagaadayn tixdani, ula kac weeyaane

  • Ninkii kaligii iishaayi waa, ku istikhyaarkiiye

  • Abaal go'ayo oo kale bal aan, ka ifafaaloodo??

  • Inkastoo la yidhi xaajo ugub, lama arkaan weeye

  • Wixii aan ku soo marin hortii, adiga cayntaada

  • Ama ay Islaam iyo Kufriba, abid ka sheekaynin

  • Ama aadan buug faafiyo, ka akhrin joornaalka

  • Asii kula kulmaa waa ileen, xaajo amakaage

  • Itimaalna wuxuu kuu noqdaa, aaran aan curane

  • Adduunyada ....................., kama idlaadaane

  • Ajashiisu ruuxay dhamaan, ku asturnaan waaye

  • Ayaantii timaadaba xujaa, lagu aguugshaaye

  • Waa u hadur adoomaha lur iyo, aaho iyo ciile

  • Ragna Aadan maantuu dhashiyo, aminkiyo haatan

  • Ka umuliya mooyee ma jiro, waxaa asaabayne

  • Cabdiyoow amuurahaan arkeed, urugo faalaysay

  • Waxaad ku ashkatayn walaal haddaan, sii indha-indheeyo

  • Alla qabay inuu yahaan ku furi, marag Ilaahaye

  • Markaad eebada u ramin lahayd, cadow asaagaaya

  • Habka ayaarka u dili hubaal, waa ku aynabaye

  • Aamin ka bax inuu yahaan ku furi, marag Ilaahaye

  • .......................................................................................

  • Arin idin dhex yiil oo kalana, u aabayeelaynin

  • Axdi qabe inuu yahaan ku furi, marag Ilaahaye

  • Asraa'iil ninkuu sugahayoo, lagu amaanaystay

  • Hooska inuu ku daa'imi qaboo, iilka laga baajin

  • Inuu mowd igdhaayaan ku furi, marag Ilaahaye

  • Baahi awadeed looma cuno, oomatada qaare

  • Usgag meel ku yaaliyo hadhkaa, mulul arsaaq mooday

  • Iimaanloow inuu yahaan ku furi, marag Ilaahaye

  • Asagoo la oofaysan nabar, adhaxda naafeeyay

  • Orta qooqa dhaansada hadhkaa, fiidka alalaasay

  • Caqli gaab inuu yahaan ku furi, marag Ilaahaye

  • Qofka uurkutaalada qabiyo, arami duugowday

  • Ee ugaadh usoo dabi rag kale, aabihii idiinta??

  • Agafaar inuu yahaan ku qiri, marag Ilaahaye

  • Anshaxiisa ruux loo bogaa, la astaxyeeyaaye

  • Ugaasnimada hooskan u sharaxan, uusta lagu duugay

  • Af-miinshaar inuu yahaan ku furi, marag Ilaahaye

  • Ha yeeshee ablay saawiriyo, madax agtaa muuqda

  • Ninkii loo adeejaa ka samir midna, odhan waaye

  • Asagana arwaadkii kudaa waa, Allay badaye

* Weyteen, Absame, Daarood.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.