Xirsiyow dadkii waxaan ku nacay ,waa
damiinnimo e
Wuxuuba waan dufulo waalan aan, doocna garanayne
Dawadooda meeshay ka heli, deyiba maayaane
Doqonniina keliyey u lumi, nimanka Daaroode
Waa niman ibleys duufsadee, dow ka dhaadhiciye
Waa niman Ilaahay ka dedey, labada Daaroode
Waa niman dariiqada Alliyo, diinta
caasiyaye
Waa niman shareecada dulmiyey, iyo Daraawiishe
Waa niman digniin aan ka qabin, dabaqi naareede
Waa niman darxumo kaaga iman, deeqii loo
galo e
Waa niman dalaadaha ku qubi, derejadoodiiye
Waa niman dad kale raacayoo, deyr ka dhaadhiciye
Waa niman dibadduu bexee, sii dabayshadaye
Waa niman canjeelkii dorraad, daawadii furaye
Waa niman qalbigu diiq yehee, doorsanoo falane
Waa niman dubaaqoodu yahay, inay
dareeraane
Waa niman dagaalkii kufriga, iigu duurxuliye
Waa niman aan lala doonahayn, dux iyo liibaane
Waa niman habaar loo dujee, duco ka
beydhaaye
Waa daallimiin lagu hurshaa, dab iyo baaruudee
Waa niman dad iyo maal Ilaah, dumug ka siiyaaye
Waa nimanka dacaygii ku jiray, daaldhaha
ahaaye
Waa nimanka Deylkii hormaray, dabada dhuubnaaye
Waa niman sidii dumar haween, muranka
daynayne
Waa nimanka doobbiga noqdeen, duud xammaalka ahe
Waa nimanka doofarka qalan, doog iyo abaare
Waa niman digniin aan ka qabo, duq iyo
waayeele
Waa niman dareen iga galaan, deyrka meersadaye
Waa nimanka daacuun jaryow, diley Ikhwaankiiye
Waa niman aan dib u fiirinayn, duug waxay
noqone
Waa niman danbaabaan waqood, daahir noqonayne
Waa niman dafiray oo ka tegey, daacadda Illaahe
Waa niman dillaalkay cuneen, deyn ka
buuxsadaye
Dibindaabyo waa niman wax badan, ila dul jeerraaye
Waa niman dakanadaydii qabaan, duudsi noqonayne
Maandhoow nin ciil dilahayoo,duuban baan
ahaye
Dadabtii la ii dhigay ma galo, toban diraacoode
Waxa diifta ii yeelay waa, cadho daraaddeede
Haddii doobka caano ah iyo karuur, dacalka
lay saaro
Haddii darib la ii soo dhigiyo, duqus la geedeeyey
Dibnahayga soor uma furoo, waa diqaysnahaye
Soomalidii baan u dudi, daadufka ahayde
Waxaan daabacuu rabinayaa, dabadkii Iidoore
Dul-ku-neefle oo idilu way, daalibahayaane
Ha yeeshee dubbaha waxaan la sugi, Doofil iyo Giibe
Waxaan duullaanka u bixinyaa, duulka Reer
Dalale
Daa'ira san baan sugahayaa, dayrtan dabadeede
|