Home

 

Dardaaran

                                                    Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

 
 

Dardaaran wuxuu ka mid yahay gabayada Sayidka kuwii ugu dambeeyey.  Waa dhiirigalin iyo dardaaran isku jira.  Daraawiish oo Ingiriis diyaarado ku rusheeyey oo kasoo baxday dhulkii ay ka talin jirtay oo dhan, aadna u niyad jabsan ayuu Sayidku ku dagaalgelinayey.  Wali xoogbaan leenahay gaalkana waynu iska dhicin karaa ee dagaalama oo yaan la isu dhiibin gumaysiga ayey dulucdiisu tahay.

 

Sidoo kale, niman Ingiriiska dabadhilif u ahaa oo ku diirsaday jabka Daraawiish gaadhay gabayana ka mariyey ayuu sayidku si gaar ah u xujeeyey.  Wuxuu gabayga ku qeexay inaan gumaysigu kala jeclayn Soomaali, Sayidka dagaalkooda heeganka u ah iyo kuwa u adeegana ay isugu mid yihiin, ujeedadiisuna ay tahay inuu dalka iyo dadkaba qabsado oo gumeeyo.

 

Sayidku wuxuu ku dacwiyey in maalinta isaga la waayo Soomaalina la waayi doono sidii dameerihiina afar tanag gumaysi ka dhookayn doono.  Dhagarta iyo khayaanada gumaysiga ayuu si guud iyo si gaar ahba uga digay. 

 

Wuxuu qeexay in uu isagu u xishay inuu gumaysiga dalka ka saaro, haddii uu maal iyo maamuus kale oo adduunyaad doonayana Ingiriis wax walba inuu diyaar ula ahaa ayuu xusuusiyey kuwii hadalka macno daradda ah usoo dhiibay.  Wuxuu sheegay inuu ku dhiman doono jahaadka, diinta iyo koryeelidda kalimadda Alla. 

 

Meerisyo gabaygan ka mid ah oo si kala duwan loo wariyey ayaa jira.  Sidan aan halkan ugu soo gudbinay waxaa isugu dubariday Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamed iyo Xaaji Muuse Galaal.  Meelaha qaarna meerisyo ayna nimankaasi helin ayaan soo raacinay.  Wuxuu yidhi Sayidku: 

 

·         Min dalaysan doocaan irmaan, deero labankeeda

·         Darmo iyo furaash la isu dhigay, daalan iyo googgo’

·         Anigoo waxaan doono iyo, darajaday haysta

 

·         Dingaraaradii nagu dhacdiyo, diiftii nala taartay

·         Dayuurado gaawan iyo wixii, nala dul gawriirshay

·         Waagii dillaacaba wixii, naga dul meeraayey

 

·         Inkastoonu qaar daadinoo, deli ka tuuryeynay

·         War deexdii baddii Daalo iyo, dalalyadii xeebta

·         Dulkii aanu joognaba wixii, nagu duqaynaayey

 

·         Dumbuq summuca degalkaan ka kacay, dahab wixii jiifay

·         Dallaadii bannaanayd wixii, dad iyo maal joogay

·         Dagal jabay wixii daar burburay, ama bakaar duugmay

 

·         Duurka iyo hawdkii wixii, duunyo lagu dhaafay

·         Lo durdura wixii nalaga dhacay, dalawidii geela

·         Adhi daad masaalkii ah wixii, nalaga sii daayey

 

·         Nin dooriyo wixii sheikh la dilay, culumadii diinka

·         Wixii duubcaddii ay wadhnayd, Bixin duleedkeeda

·         Dooxada Garoowe ah wuxuu haadku, dul u faagay

 

·         Dirirtii Nugaaleed wixii, nalagu dooxaayey

·         Wixii diricyadaydii kufrigu, daabaca u qaaday

·         Duqow iyo dhallaan iyo waxaan, dumar na loo reebin

 

·         Maxajabad daboollayd wuxuu, gaal dukhuulaayey

·         War caadhkii dahaadhnaa wuxuu, dubuq ku siinaayey[1]

·         Gabdhahay dillaacsheen wuxuu, dhiigu dibiq leeyey

 

·         Dan la’aan waxay nagu faleen, darab nijaaskeedku

·         Dubuhii ikhwaankii ku dhacay, dacatigii gaadhay

·         Dariiqii Rasuulkiyo wixii, diinta laga jiitay

 

·         Dabradii waraabe iyo furuq waxa, dadkii xaaqay

·         Iimey degteedii waxay, duumo nagu laysay

·         U duuflaalideedii waxaan, Doollo uga guuray

 

·         Daltabyeysigii nagu dhecee, duufka na cunsiiyey

·         Dacluulka iyo ciilkii waxaan, dibinta ruugaayey

·         Dulinkii kaneecada waxaan, duudka ka cadhownay

 

·         Dusha Go’ane waxa awgayow, nala dubaaqyeeyey

·         Daandaansigii nagu qabsaday, webiga diishiisa

·         Durqunkii Warneefkii qabsaday, dibidii noo joogtay

 

·         Diihaal wixii uu na baday, daafi cunidiisa

·         Dabaley Caruusaad waxaan, deris xigaal moodnay

·         Durufley Amxaaraad waxay, nagu dinaahyeysay

 

·         Dullihii shareeraa wixii, daal na caga gooyey

·         Iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii Ceeldheero

·         Dul-ku-neefle kaan soo ag maro, duullaan ka hor geyska

 

·         Dubbayaal wixii nagu dhacee, na lagu daaduunshay

·         Annagu diidi maynoo wadkaa, Daayin noo qoraye

·         Ninkii dunida loo deynayaa, haygu diirsado e

 

·         In kastoo daleel nala dhigoo, docna nagu cayman

·         Mar haddaan cid laga daynahayn, mowdka damaqdiisa

·         Ragga haatan soo diganhayow, dan iyo xeeshaada

 

·         Dacwaddaasi waa midaan niyada, samir ku diimeeyey

·         Waa mid damisay cadhaduu qalbigu, ila dikaamaayey

·         Dabuub kalena waa hadal yaroon, diirka ka caddeeyey

 

·         War Daarood Ismaaciil ma oga, dooxa loo qodiye

·         Waa niman dufooboon arkayn, deyr in loo dhigiye

·         Waa wada damiin aan kasayn, daalinka hoosyaale

 

·         Waa niman Illaahay dadoo, doorshay oo hodoye

·         Waa niman daboolmoo qalbiga, daabac kaga yaale

·         Dib wixii u dhici waa waxaan, dooc ka garanayne

 

·         Doqonimo darteed waa wixii, iigu diirsadaye

·         Waa wixii dabaaldegay anuu, gaal isoo dilaye

·         Waa wixii durbaansanahayeen ii, dub nixi hayne

 

·         Xadhkaheer u daadsane misana, ciidda lagu duugay

·         Oo doora weynow kufrigu, dul uga saynsaabay

·         Markaan dunida dhaafaa walee, lagu dabaayaaye

 

·         Igu diima aa ama dafarid, igula doodaaba

·         Wuxuu gaalku daayaaba waa, dayrtan maanta ahe

·         Maxay igaga digan saadambuu, siin lasoo degiye

 

·         Afartaa intaan deel ku dhigay, dow ma qabadsiiyey

·         War deelqaafku waa ba’anyahee, daacad ma u sheegay

·         Dacwad kalena Soomaali waa, hal aan dareensiiyey

 

·         Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane

·         Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe

·         Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e

 

·         Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne

·         Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale

·         Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye

 

·         Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye

·         Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye

·         Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin

 

·         Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye

·         Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine

·         Sida doxorka Iidoor anaan, duud xamaal noqone

 

·         Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine

·         Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane

·         Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine

 

·         Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye

·         Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede

·         Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne

 

·         Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine

·         Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane

·         Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan

 

·         Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene

·         Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye

·         War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e

 

·         Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene

·         Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene

·         Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene

 

·         Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele

·         Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe

·         Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene

 

·         Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey

·         Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane

·         Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene

 

·         Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene

·         Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene

·         Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye

 

·         Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey

·         Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene

·         Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene

 

·         Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye

·         Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye

·         Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e

 

·         Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene

·         Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene

·         Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene

 

·         Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye

·         Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene

·         Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e

 

·         Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane

·         Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye

·         Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane

 

·         Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey

·         Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye

·         Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne

 

·         Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge

·         Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane

·         Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye

 

·         Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e

·         Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e

·         Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine

 

·         Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye

·         Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e

·         Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene

 

·         Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye

·         Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye

·         Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye

 

·         Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye

·         Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey

·         Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo

 

 

Dhagayso gabayga


 

[1] Meeriskani sida uu halkan ugu qoran yahay ayaa ugu rajaxan.  Laakiin rag uu ka mid yahay Sheekh Jaamac Cumar Ciise waxay qabaan inuu meeriskani yahay: Dabatoobke Iidoor wuxuu, darayey caadhkiisa 

 

 

 

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.