Home 

Dhurwaa Adhiga Eebbaa leh

Xuseen-dhiqle iyo Sayid Maxamed
 
 

Maalku wuxuu ka mid ahaa salabku ay Daraawiishtu adeegsato si ay gumaysiga uga kiciso geyiga Soomaaliyeed.  Mar gaadiid ayuu u ahaa oo meesha diyaaradaha iyo dabaabaadka dagaalku Ingiriis iyo Talyaaniga ugu jireen ayey fardaha iyo awrtu Daraawiishta ugu jireen.  Mar miisaaniyad iyo saad ciidanka Daraawiishtu ku nool yahay ayuu ahaa.  Mar guno siyaasadeed ayuu Sayidku u bixin jiray oo qofkii uu doonayo inuu sasabto ayuu xeryaha u buuxin jiray.

 

Xilli kasta waxaa xarunta Daraawiishta buuxay xoollo badan oo nooc walba leh.  Run ahaantii tabta dagaalka ee Daraawiishta waxaa laga garan karaa inay mar walba xeerinayaan oo degaansanayaan meelaha xooluhu ku tanaadaan.  Degaanada aan carro-sanka ahayn, qaniinka leh ama xooluhu ku ba’aan oo dhan way iska ilaalin jireen. 

 

Doollo markii ay Daraawiishtu ku dhaqnayd geel aad u tiro badan ayaa gacantooda ku jiray.  Xilligii ay Nugaal deganaydna waxay dhaqdeen fardo iyo adhi aad u badan.  Labadaa degaanba waxay caan ku kala yihiin saddexdaa nooc ee xoolaha ka midka ah. 

 

Haddaba Daraawiish oo degan meesha la yidhaahdo Galingaalle oo degaanka Ayl hoostaga ku jirta, adhi badanna haysata, ayaa waxaa adhigii sutida u qabtay dhurwaa.  Maalinba dhawr ayuu cunaa.  Gabadh gabdhihii adhiga raacayey ka mid ah ayaa is tidhi sidan laguma jiri karo ee odayaasha Daraawiishta waa in arinta loo gudbiyaa si talo loo helo.  Waxay u tagtay Xuseen Maxmuud Faarax, Xuseen-dhiqle, oo madaxda Daraawiishta ku jiray, waxayna ku tidhi adeerow adhigii waraabe ayaa nag ka dhigay ee maxaan yeelaa? 

 

Isagoo is leh fariinta gabadhu yeysan adiga uun kugu koobnaanin ee Daraawiish iyo waxgaradkeedaba ha gaadho ayuu Xuseen-dhiqle gabadhii wuxuu ku yidhi, oo adeer dhurwaaga maxaad ugu odhan wayday:

 

Dhurwaa adhiga Eebbaa leh

Eebbiyo Ustaadkaa leh

Oo niman dableyaa leh

Oo niman ku dili baa leh

 

Waa niman Daraawiisha

Gaaciye Mataan baa leh[1]

Geeraarshihii baa leh[2]

Laba Ilma Garaadaa leh[3]

 

Cabdalle Suldaan baa leh[4]

Carab galacya dheerbaa leh

Cumar Daba-gabooyaa leh

Joofey Jiriidhbaa leh[5]

Inantii caddayd baa leh

Cawrala Dabey baa leh

Suubanoon samrayn baa leh[6]

Samawadoo ka daranbaa leh

Yaan gamas laguu qarine

Gablamow isaga leexo.

 

Geeraarkaa Xuseen-dhiqle ayaa xaruntii ku faafay.  Aad baa loo jeclaystay oo waliba loogu majaajilaystay.  Sayidku wuxuu ahaa nin fursadda gabayga iyo maansada oo dhan sida looga faa'iidaysto aad u yaqaana.  Wuxuu is yidhi majaajiladaa iyo sheekadaa saaqday xarunta iyo dareenka dariiqada ee uu geeraarka Xuseen-dhiqle kasbaday ka faa'iidayso, wuxuuna tiriyey mid kaa kore  jawaab u ah.

 

Sayidku ugu horraynba wuxuu bidhaansaday meesha ugu dhibka yar ee geeraarka Xuseen laga dhaliili karo ama laga naqdin karo.  Wuxuu tusay inuu  ka xumaaday labada meeris ee geeraarka Xuseen-dhiqle ugu horreeya ee ah: Dhurwaa adhiga Eebbaa leh, Eebbiyo Ustaadkaa leh.  Alle sideed qof wax ula wadaajin kartaa, weeye gundhaca cadhadiisu. Haddaba halkaa ayuu ka duulay wuxuuna iska dhigay sidii nin afhayeen u ah dhurwaa dhuruq dhaylo dhallaanka cabsiiye.   

 

Caadiyan, gabayga iyo geeraarka Sayidku mar walba siyaasad kama madhnaan jirin, midkana arimo siyaasadeed ayaa tif ka ah oo uu ku muujinayaa.  Wuxuu yidhi Sayidku isagoo fariintii waraabaha soo gudbinaya:

 

Xeseenow aqoon xume               eraybaan ku leeyahy

Awal horre haddaad tidhi          Eebbaa adduunka leh

Eegana maxow tidhi                annagaa adhyowga leh

 

Inaad laba aflaysaa               ma anfici karaysaa

Ma Alloo kalaad tahay             mise waad ka adag tahay

War ma adaa ardaalyahow           arsuqayga celin kara

 

Adba wuu ku uumaye                ma anaan abuurrayn

Mise aniyo adigaa                 Eebbe weyne kala xiga

Ayaantaan afuro helo              maxaad uga umlaysaa

 

Illeen waa Abraahiin[7]           aaqibo ku diinkiis

Mise waa Ogaadeen[8]              aflagaadadiisii

Mise waa Il-jeexiyo[9]            umuurtuu ku kici jiray

 

Gaaciyoo aboodiya                 ma aabaan ka leeyahay

Haddii uu Islaan yahay            Ingiriis ma aadeen

Oo inamadiisii                    agoon uguma taliyeen

 

Cumar waa abootee                 miyuu ii olmomayaa

Joofeyga odayga ah                miyuu orod holaayaa

Cabdul eebo kollay tahay          miyuu aalad leeyahay

 

Inta kaloo aad sheegtayna         waa oryo naaga ah

Adigana urruufyahow               anigaaba kaa adag

Aw iyo Majeerteen                 waa ina adeerkay

Tan iyo aamanuudii                Ilig baan fadhiyi jiray

Abtirsiinyahayguna                waa Reer Ugaadh Cumar

Adigana adoogaa                   Uubataaluu[10] lahaan jiray

Haddaad aamin doon tahay          orodoo aayar iga guur

Haddii kale ha ooyine             adkaysaan ku leeyahay. 

 

 

                   Dhagayso labada geeraarba

 

 

Waxaan dhugtay Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee uu qoray Aw Jaamac Cumar Ciise si aan meelaha qaarkood u saxo.


 


[1] Gaaciye Mataan Faarax wuxuu ahaa farsamo yaqaankii Daraawiishta

[2] Xuseen-dhiqle naftiisa weeye

[3] Ilma Garaad Cali, Dhulbahante, oo dariiqada ka mid ahaa ayuu u jeedaa

[4] Cabdul Suldaan Cilmi Xaasey.  Suldaan caan ahaa oo waliba wadani ahaa oo ka dhashay tol tololka Doollo dega ka mid ah oo uu Ingiriis ku dilay Ceeldheer sanadkii 1919kii

[5] Joofey Cali Jidhiidh, Darwiish qudhiisu Doollo kasoo jeeda ayuu ahaa

[6] Joofey haweenaydii u dhaxday inay ahayd ayaa lagu sheegay

[7] Abraahiin, Makaahiil, Ogaadeen.  Waa lafta Xuseen-dhiqle yahay

[8] Ogaadeen tolka kore ee Sayidka iyo Xuseen-dhiqleba ku arooraan

[9] Il-jeex:  Xuseen Yuusuf Xirsi Dalal, Ogaadeen, Reer Cabdille, Reer Warfaa.  Sayidka iyo Xuseen colbay ahaayeen, Sayidkuna aad ayuu ugu halqabsan jiray

[10] Waa ceel todobadda Doollood ka mid ah oo u dhexeeya Wardheer iyo Waafdhuug

 

 

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.