Home 

Fulayahow nin kaa adag

                                                                                 Sayid Maxamed Cabdille Xasan

 
 

Nin la yidhaahdo Ducaale Cali Fagaase oo Reer Hagar, Hagar Aadan, Aadan Axmed, (Ararsame) Dhulbahante, ah ayaa Sayid Maxamed iyo Daraawiish gabay digasho ah usoo diray gabaygaas oo uu lee yahay car haddii aad rag tihiin geelanaga foofay agtiisa qori ka jabiya.  Sayid Maxmed oo lagu caraystay bal adigu si dheh!  Guuto hubaysan oo wada duub cad ayuu kusoo bixiyey Reer Hagar oo fallaago Ingiriiska xulufo la ah ahaa.  Geel wixii gacantooda ku jiray ayey Daraawiishi soo hantiday, rag badanna gudirada ayey Daraawiishi u loogtay.  Markaa ayuu Sayidku geeraar kaga jawaabay kii Fagaase.  Fagaase gabaygiisii iyo Geeraarkii Sayidka ayaan is daba dhigaynaa.

Wuxuu yidhi Fagaase:

  • Sayidkuba ka fiig geelayaga inuu faduushaaye

  • Fagaase iyo summaddaa nafluhu kaga fogaadaaye

  • Waa fiil nin lihi foofsadoon feleg ka yaabayne

  • Hadba mesha loo filo dal buu farow ka laacaaye

  • Farowga iyo baruurtiisu way kaa fajicisaaye

  • Faalaha iyo dhalankuu yahaa gobi ku faydaaye

  • Fiidkiyo aroortuu durduro ganafka fiiqaaye

  • Ma facaysta laangaabka iyo tuugga fiirsada e

  • Nimaan fuulin guutada hadhkii faal ka bixi waaye

  • Faataxa wadaad iyo burduhu fanax ma beerane

  • Faras xoog leh baa lagu dhaqay iyo geesi fool adage

  • Fulayada Daraawiish ah iyo Maxamed faankiisa

  • Hadduu faral jahaad iyo Islaam faro ku doonaayo

  • Ararsamaha faaray ee arlada culus ku soo foofshay

  • Muu foos la xulay iyo dagaal foore kaga qaado

  • Fiqiyada ku lumay xarunta muu fiixa ka hibaadsho

  • Oo foodhi laasimo sidii Ferenji Reer Loora.

Sayid Maxamedna markii Daraawiishi dagaalkii kasoo noqotay ee ay xaruntii yimaadeen ayuu wuxuu yidhi:

  • Ararsame futo argeeg,            feleg baas ma ku dhacay

  • Fishtii ina gumeednimo,          faydo maad ka qaadeen

  • Ma fallayd kolkaad tidhi,        car ee foos usoo dira

  • Sow Fagaase nama odhan,          foofshaye car weerara

  • Anna faraska inaan qaban,        soo layma filahayn

  • Fulayahow nin kaa adag,          ma wax laysku fiiqaa

  • Adigoo farraadho leh,            futo xume ma dhacan tahay

  • Geelii farowga weynaa,           soo kaama fara bixin

  • Fululleyda gaalaad,              yaa kaa firfiirsaday

  • Faalkiyo ayuubkii,               farrihii ma eeddeen

  • Fuxshigaad ku faanteen,          ma anaaba kuu furay

  • Ileen Ferenji nimuu kuday,       waa faasuq dooro leh. 

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.