Home 

Heer inay leeyihiin

                                                              Sayid Maxamed Cabdille Xasan

 

 

 
 
Gabaygan Sayidku wuxuu kaga jawaabayey gabay uu soo tiriyey Cali Jaamac Haabiil oo uu dad badan oo Darood ah ku af-lagaadeeyay.  Beyd ka mid ah haddii aan kusoo qaado wuxuu yidhi Cali:

        Dameerkaa hariiryaha leh iyo, heer Dhulbahantaa leh

 Sayidku wuxuu kaga jawaabay gabay dheer oo aan eega ka hayno: 

  • .....
  • Daroodku waa wada halyey, kalase hayb roone
  • Dadka kalana waa wada hulqiyo, huuba doora lehe
  • Waxse heer leh haad Farenji iyo, harabka Iidoore
 
  • Kuwa fuudka heeminahayoo, himishku duulaayo
  • Aan tan iyo Haabiil dheryaha, lagula howshoonin
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
 
  • Nimankii hablaha soorta guri, ku hargawaaxaayey
  • Ee tii wax hoomeey tidhaa, kula haliilaayey
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
 
  • Nimankii hawaaree siddii, habas u kowdiidey
  • Oo aan futada haawinayn, hogobka aad moodo
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
 
  • Nimankii siddii awr hayina, hilayga qaadaayey
  • Hinjigu culayskii kuwuu, hoolay dhabarkooda
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
 
  • Ragga hiirta waaberi dillaal, halaladuu roori
  • Oo aan hunguri maalineed, soo hadhgalinaynin
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
 
  • Nimankii habeedley umula, huga u maydhaayey
  • Nimankii habeen iyo dharaar, hiribka qooshaayey
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
 
  • Ragga udaha hoorsanahayoo, saxaradda u heegan
  • Iyo nimanka hooyadood ku odhan, habartu waa dhuustay
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
 
  • Axmed Nuuxa nirig haaruf badan, kabadh u heeryeeyey
  • Ee hilinka meeshiyo Hiraab, habaqluhu u qaaday
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
 
  • Muusacarraha haraga iyo, hoorka xidhanaaya
  • Oo qudhunka ay huursadeen, lagu hunqaacaayo
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
 
  • Ciisaha bakhtiga hiigayoo, haadka qalanaaya
  • Oo calaha haabuurka badan, hagida meeraaya
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
 
  • Habar Yoonis iyo Reer Jugliyo, Habar Magaadloo dhan
  • Iyo Caliga hoosada Berbera, huluqa jiidaaya
  • Iyana heer inay lee yihiin, hubantideey weeye
 
  • Intii heer lahayd ma aan dhamayn, hebeladoodiiye
  • Hayska hoobiyeen nimanka aan, heeray boqontiiye
  • Inta aan hunduudaa ka badan, hiisha geedaha e
  • Niman baan hullaabee ma odhan, hiijo iyo ceebe
  • Waxse aan hubinayaa waa inay, hadiyad keenaane
  • Ha yeeshee intaasaan hojoo, hor Allahay geystay
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.