Home 

Holoq Dameer baa leh

                                                                             Sayid Maxamed Cabdille Xasan

 
 
Dhaqdhaqaaq kasta oo xorriyad doon ahi ma waayo dad la midab iyo afba ah oo cadowga usoo raaca iskuna daya inay gumaysiga iyo tabihiisa xunba afhayeen u noqdaa.  Daraawiishi xilligii ay Ingiriiska la dagaalamaysay waxaa soo baxay rag badan oo Soomaaliyeed oo noocaa ah.  Raggaa khilaaf iyaga iyo Sayidka dhexmaray ama mid qabiil ku dhisan ayaa aafeeyey oo ay hadafkii saxda ahaa ee Sayidka iyo Daraawiishtiisiiba indhaha uga laabteen.

Ragga Daraawiishta kasoo horjeedsaday waxaa ka mid ahaa dhawr nin oo gabyi jiray sida Cali-dhuux Aadan Goroyo iyo Cali Jaamac Habiil.  Ninkaa dambe oo reer Berberaad ahaa ayaa dhawr jeer gabayo uu wax kaga sheegayo Sayidka iyo dariiqadaba soo diray.  Mar waqtiyadaa ka mid ah ayuu Sayidku gabaygan ugu jawaabay. 

Soomaali badan ayuu gabayga mariyey Sayidku, cid Alla ciddiii uu anafo u qabayna waxbuu ka sheegay laakiin ujeedka iyo sababtuba waa inuu Cali Jaamac Haabiil dhaliilo.  Wuxuu yidhi Sayidku:  

  • Hanfi iyo hunguri soo dhiciyo, hinif dabayl baa leh
  • Hanqadh iyo hillaac bililigliyo, halalac roob baa leh
  • Cir habqamay xareed laga harqaday, Haradigeed baa leh
  • Xiin hawle iyo heega curan, hogol daruuraa leh
  • Hir doogliyo caleen hamasha iyo, habatac Ciid baa leh
  • Maal hooray ciir laga hanfaqay, seben hagaagaa leh
  • Caanaa had iyo jeera iyo heeshi, ramag baa leh
  • Qumba lala hagoogtiyo hilbiyo, hawl yar adhi baa leh
  • Hayinnimo wax lagu qaato iyo, ku hinji awr baa leh
  • Habaqliyo harraad iyo kulayl, hilin abaaraa leh
  • Hadii hadowga geedood engego, horasho ceel baa leh
  • Hagahagi hunguri duulayiyo, hogo kaliil baa leh
  • Hadhac iyo qabow lala herjado, hadh iyo raaxaa leh
  • Hawo iyo hilow gacalo iyo, hurud nabdoon baa leh
  • Hanfariir in loo kala ordiyo, hunuf dareen baa leh
  • Lugi waa higiishee himmiyo, halabsi neef baa leh
  • Haad iyo haldhaa roori iyo, huguf gammaan baa leh
  • Gorgor samada heehaabi iyo, huguguf Dhooddaa leh
  • Hanaf booddo iyo xoog sengiyo, hadafa buubaa leh
  • Himbiriirsi meel foga magaan, higigifleeya leh
  • Hadii nadigu haaraha ku dhigo, haawis xamar baa leh
  • Aar soo hingoodiyo bad iyo, hugun rasaas baa leh
  • Habaas kacay halaakiga dhacsiga, halowna geesaa leh
  • Haliilyaale aan dhiirran iyo, haadiis fuley baa leh
  • Hankakoobsi iyo booto iyo, hoobsi guluf baa leh
  • Hamham iyo humsiga reenka iyo, higilla guutaa leh
  • Hannas weerar iyo qaylo iyo, hirif colaad baa leh
  • Heeraa in laysula bixiyo, heeggan dirir baa leh
  • Hirey iyo wirey maalintey, humuro joogtaa leh
  • Haadaa qabiilnimo nimaan, lagu holeyn baa leh
  • Hawa beena Soomalidaa, hadafka raacdaa leh
  • Hadal ruma Daraawiishta iyo, weli hanuunaa leh
  • Ragga diinta hooyga u noqdiyo, hanad Shirshooraa leh
  • Hulqihii dad bari soo baxshiyo, hoogay dumar baa leh
  • Wixii habar Majeerteen iyo, halamash naagaa leh
  • Xaar laysku heylaamiyiyo, halalac Mooraa leh
  • Hammuunaan damayn iyo hunguri, lala hadaqaayo
  • Handadka iyo heemada markuu, hadawga leefayo
  • Warsengaligu haybtuu yihiyo, horor dugaag baa leh
  • Hoobaaq laguu qodahayiyo, hagar shisheeyaa leh
  • Hundhur iyo caloolxumo ninkii, cadawgi heeraa leh
  • Hankuugyo uurgulguluc ninkii, hiijo qabay baa leh
  • Inaad luqunta hoogaamisiyo, hogosho ciil baa leh
  • Meeshiyo habeen aakhiraad, hibasho maag ba leh
  • Haakaalle Eebbow ninkii, libin hoyaadshaa leh
  • Hoh iyo caku iyo hiif ninkii, hawkar galay baa leh
  • Halaaka iyo laandeyr ninkii, marin habaabaa leh
  • Hinji iyo habaar waaq ninkii, huray ustaadkaa leh
  • Heeggaa in loo maro arlada, habi la'aan baa leh
  • Hor Ilaah in loo jeedsadiyo, haajir culimaa leh
  • Haawiyada naareed ninkii, Ferenji haystaa leh
  • Iidoorka hoosada Berbera, ka hawisaa hey! leh
  • Harag uraya Muusa-Carrihii hoodhi jirey baa leh
  • Hadduu niriggu heeryada ka rido, hoogey Arab baa leh
  • Xaal hadura Habaryonis iyo Herer nin joogaa leh
  • Ciisaha baqtiga hiigayiyo, haqay midgaan baa leh
  • Huurale Cali Jamaac iyo, huluq dameer baa leh
  • Xididnimo habboonkeed ninkii, lagu hirtaabaa leh
  • Hargaamooyin iyo ceeb ninkii, gun u hoydaa leh
  • Hidda xumo gobey heerle iyo, horinta Cawl baa leh
  • Hub wanaagsan heensiyo fardiyo, haybad iyo luuli
  • Hodya deeqa hoo iyo waxsiin, hor Alla geystaa leh,
  • Hannaan qurux san haashaar gobeed, hodon Dariiqaa leh
  • Horweynkiyo haleelada nirgaha, loo hitiqinaayo
  • Haamaha karuurkee la shuban, holaca jiilaalka
  • Heel xoola laga buuxiyiyo, hibana Eebbaa leh
  • Hal madow higgaad iyo Quraan, Ha iyo Wow reebban
  • Harannimiyo hooyaale gabay, heello iyo maanso
  • Nin kaleba naftiisa ha hafree, hoodo anigow leh

 

Dhagayso gabayga

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.