Home 

Koofil

                                                           Sayid Maxamed Cabdille Xasan

 

 

 

Dagaal-ooge caan ahaa oo ay ciidamadii gumaysiga Ingiriisku ku dhaaran jireen oo la odhan jiray Richard Corfield, Soomaaliduse ku naanaystay Koofil oo ay Daraawiishi ku makashay dagaalkii Dulmadoobe ee 1913kii ayuu Sayidku gabaygan ka tiriyey.

Koofil wuxuu ka mid ahaa madaxda sare ee gumaysiga Ingiriiska dalka Soomaaliya wakiilada uga ah, wuxuuna gaar ahaan hoggaamin jiray col la odhan jiray (Camel Corps) Soomaaliduna u taqaanay Rakuubley.  Col afar-lugood u badan oo awrta ku duula, sidaasna Rakuubley kula baxay ayuu ciidankaasi ahaa.

Daraawiish oo hore u weerartay beel beelaha Burco iyo agagaarkeeda dega ka mid ah, xoolo badanna kasoo mooroduugtay ayey Koofil iyo ciidan uu watay jidgooyo waxay u dhigeen Dulmadoobe.  Dulmadoobe waa buur gabbaad fiican, jidgooyada dagaalkana ku habboon. 

Kolkay Daraawiishi suryada Dulmadoobe soo buuxiso dabka saara oo naf iyo maalba wax go'a, wax goosma iyo wax gacanteena soo gala ka dhiga ayuu Koofil amar ku bixiyey.

Bidhii waagaba hoos ayaa la isugu dhigay.  Judhiiba waxay ku dhagtay Koofil oo isla goobtii ku nafwaayey.  Mar haddii Koofil miimka alifka ku taagay, colkii uu watay wuu kala firdhay, Daraawiishina caymo uma galinee cagta ayey cagta u saareen ilaa ay gacanta ku dhigeen bakhtigii Koofil.  Mashaqo weyn oo aan la soo koobi karin ayaa halkaa Ingiriis iyo cawaamkiiba ka raacday, rag badan oo uu Koofil ugu horreeyo ayaana maalintaa xagga naarta u guuray.   

Si aan shakiba u galin geerida Koofil, Daraawiishi madiixiisii iyo gacantiisii midig ayey Taleex geeyeen.  Sayidku dagaalkaa iyo dilka Koofil ayuu gabaygan caanka ah ka tiriyey.  Wuxuu yidhi:

  • Adaa Koofilow jiitayoon, dunida joogeyne
  • Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la'aaneede
  • Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato
 
  • Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleeye
  • Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
  • Sida Eebbahey kuu jirrabay, mari jawaabteeda
 
  • Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
  • Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
  • Waxay noo jajuubteenna waa, jibasha diinneed dheh
 
  • Jigta weerar bay goor barqo ah, nagu jiteeyeen dheh
  • Anigana Jikrey ila heleen shalay, jihaadkii dheh
  • Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh
 
  • Jiiraayaday ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
  • Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
  • Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jeerarka u muuji
 
  • Naf jaclaysigii baan ku idhi, jaallow iga daa dheh
  • Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
  • Jeedaaladii baa indhuhu kor, ii jillaadmeen dheh
 
  • Jimic kagama helin tuugmadaan, jeriyey ruuxii dheh
  • Kolkaan juuq idhaahdaba afkay, iga jifeeyeen dheh
  • Dhaaxaan jalleecee dhagbaan, jalaq la ii siinin dheh
 
  • Goortaan jarreeraba gafoo, nolol ka jaan qaaday
  • Sida janannadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
  • Taladii jinnigu ii hor maray, jaasadeed helay dheh
 
  • Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
  • Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
  • Kolkay rubaddu jow tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh
 
  • Jiidhkaygiina bahalbaa cunoo, jiitay hilibkii dheh
  • Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
  • Jiljiladiyo seedaha tukay, igaga jaaseen dheh
 
  • haddaan lays jikraareyn tolkay, laga jidroonaa dheh
  • Weligood waxaa lagu jaraa, jilib-dhig duulaan dheh
  • Daraawiishi waa jibindhowgiyo, jowga soo bixi dheh.

Sayidku intuusan gabaygan marin waxaa gabay warbixin ah oo dagaalku siduu u dhacay iyo sidii Ingiriis iyo cawaamkiiba ay caalsaaraha uga qaateen ku saabsan tiriyey Ismaacil Mire.  Anagoo Taleex naal gabayga ka kaca weeye.

Rag Allow, Soomaali kuwo Sayid Maxamed iyo Ismaaciil Mire oo kale ah ama u dhaw inay mar dambe usoo mudhbaxaan ma dhici kartaa!  Alle Weyne waxba kuma aha.

Dhagayso gabayga

____________________________

Diiwaanka Gabayada Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee uu qoray Sheekh Jaamac Cumar Ciise ayaa taariikhda ka saxay.

 

 

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.