Home 

Faraskii Maadays

                                                                             Sayid Maxamed Cabdille Xasan

 
 

 

Sababta gabaygan wuxuu Xaaji Muuse Galaal ku sheegay in nin Soomaali ah oo

Ingiriiska kasoo baxsaday oo buntukhiisii wata uu xarunta Daraawiishta yimid

Sayidkana ku yidhi "yaa Sayidii, waan soo Muslimay waxaanan doonayaa inaan

jihaadka galo, qorigaygiina waa wataa ee waxaan kaa rabaa inaad i siiso faras

aan xarbada ku galo."  Sayidku faras uu aad u jeclaa oo Maadays la odhan jiray

in ninka la siiyo ayuu faray.  Ninkii ayaase Maadays saluugay.  Sayidkii ayaa

warkii la gaadhsiiyey kolkaa ayuu yihdi "ma Maadays buu diiday?"  Haa ayaa

loogu jawaabay. 

 

Kolkaa ayuu Sayidku faray in faraska la shirabo oo orodka, amarqaadashada iyo

tabca walba oo Maadays lagu yaqaanay ninkii la tuso.  Maadays wacdaro ayuu

muujiyey.  Kolkaa ayuu Sayidku gabaygan uu faraska ugu ducaynayo tiriyey. 

Maadaama uu jahaadka iyo koryeelida calanka ummadda uu u isticmaalayo ee uusan

tamashlayn iyo wax kale u haysan wuxuu Rabbi ka baryayaa in Maadays guyaal

badan sii noolaado.

 

In Sayidku gabayga faraska uun ku ammaano oo uu halkaa kaga hadho ha ka sugin.

Gabayga waxaa ka buuxa goodi, hanjabaad iyo faan uu ujeedinayo Isaaq iyo cid

kasta oo jahaadka diidan gumaysigana usoo raacda. 

 

Waxaa laysku raacay in Sayid Maxamed Cabdille Xasan uu khawaariqul-caada ahaa

marka laga hadlayo ammaanta iyo aqoonta fardaha.  Laakiin Sayidku ma wuxuusan

khawaariqul-caado ku ahayn baa jiray!  Bal gabayga eeg, bal geesinimada eeg,

bal gobonimada eeg, bal gaalo-lagadka eeg, bal gundheerida cilmigiisa diiniga

ah eeg, bal, bal....Mar soo bax ayuu ahaa!  Allow kuu naxariiso. Wuxuu yidhi:

 

 

     Waxa loo maleegtami jahaad, milaygii joogaye

     Muslin iyo Kufraa loo xarbiyi, labada meeloode

     Murtad weeye gaalada ninkaan, moosinkow tegine

   

     Ku minitida xarbiga wow qabnaa, muunyo iyo ciile

     Muramaysta dirirtiisa waad, mahadin doontaane

     Mudkuu geliyaa maarraha kufriga, waydin moog yahaye

 

     Anigana haddaan meleg i helin, soo maroorsadaye

     Waxaan mayllinkuu rabinayaa, cadho milaadkeede

     Masaafooyin kulul baannu marin, aniyo Maadeyse

 

     Majiiraha rogaalkaa wax badan, mowtigood geliye

     Korkiisaa magoolka u eg baa, dhidid madoobeyne

     Boodhkaa malleelkaa ku noqon, sida makhaayeede

 

     Mar kiciisa orodkuu kabtiga, muxubba rooraaye

     Sida mooladhaabuu carshiga, saray u moohaaye

     Gorgor samada meehaabi baa, lagu maleeyaaye

 

     Iidoorka miirida ah buu, meyra ka eryoone

     Meeshiyo magaalooyinkuu, maata doox dhigiye

     Muluq buu ka siin reerihii, may xerayn jiraye

 

     Macluum weeye oo neefku waa, mahad Ilaahaaye

     Mar haddaan maqaanaha ku xidho, maanku iga raacye

     Midigteyda Eebbow u daa, maalig baad tahaye 

 

 

 

 

Dhagayso gabayga

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright 2002 Doollo.com. All rights reserved.