Home 

Maqashiiya Uunka

                                                                             Sayid Maxamed Cabdille Xasan

 
 

Waa mar kale iyo taxenihii ahaa “rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi”  Waxaan moogan soo qaadanaynaa geeraar uu mariyey Sayid Maxamed Sheekh Cabdille Xasan. 

 

Heshiiskii Illig Daldala ee dhexmaray Daraawiish iyo gumaysiga, Talyaani iyo Ingiriis, 1905tii ka dib waxay Daraawiishi goosatay inay ka shaqayso sidii Soomaalida looga dhaadhicin lahaa khatarta iyo khayaanada gumaysiga, loogana digi lahaa dhuxdhuxlayaasha u adeega gumaysiga.   Wufuud iyo culimo dadka soo wacdida ayuu Sayid Maxamed afarta baynu jahaba u diray.  Wuxuu faray inay degaan walba tagaan Soomalidana ku waaniyaan inaysan gumaysiga gacan siin, diintooda iyo dalkoodana ka difaacan gardarada aan geed loogu soo gaban ee Ferenjiga.  Culimadaa waxaa ka mid ahaa Cabdalle Shixiri iyo Xirsi Afdiir oo uu u diray degaanka qaarkii. 

 

Nimankaasi kolkii ay ambabaxayeen ayuu geeraar fariin ah Sayidku mariyey.  Wuxuu yidhi: 

 

Cabdalla maan qaboobiyo

Xirsi maakib laawow

Mid yar waxad tidhaahdaan

Murtidiinta Reer Hagar

Habar Yoonis madasheed

Mariya weedha aan idhi

Toljeclaha muraadkaygiyo

Masafadayda ula taga

Maqashiiya uunkaba

Miyir inuu ku soo galo

Mid mid waxow tidhaahdaan

Nimanka mooradii furay

 

Mawaaciidada diinkii

Ma wax laysku maagaa?

 

Jahaadka mooshinkii galay

Ma wax laga maqnaadaa?

 

Mushahaaro been ahi

Ma wax lagu magaagaa?

 

Luxudkii madoobaa

Ma lays moogadeeyaa?

 

Muufadii cadaabeed

Maw adkaysanaysaan?

 

Nin gaal u midiidimay  

Mici naar inuu geli 

Kutubtaa u maragee

Ma wax laga murmaabaa?

 

Mushrik inaad jeclaataan

Amaad mudan ku sheegtaan

Hadaydnaan mujrim ahayn

Masalo maad u haysaan?

 

Masalo-gaabyadiinaa

Meel daran idiin diray

 

Labadaa meeris ee kore wuxuu ku ridayaa wadaadadii Soomaalida ku wacdiyey inaysan haynin tabar ay gumaysiga kula diriraan, hubkiisa mid u dhigmana aanay wadanin.  Waxay yidhaahdeen nin kaa xoog badani hortaa ayuu xanaaqaa sidaa awgeed Ferenjiga haynagu carinina.  Wadaadadaa ayuu dhaliilayaa. 

 

Muftiga waanadiisii

Idinkaa ka maagtoo  

 

Macbuudkii Rabbi ahaa

Idinkaaba moogoo

 

Maxsharkiyo qiyaamaha

Idinkaa munkirayoo

 

Maqfiradii Illaahay

Idinkaa ka maarmoo

 

Macaankii Firdowsaad

Idinkaa muraystoo

 

Muminimada laabta ah

Idinkaa mantagayoo

 

Minidiina gaalowday

Idinkaa muquunshoo

 

Kufriga idin mahoobiyey

Idinkow miciinoo

 

Makaankii shareecada

Idinkaa matamiyoo

 

Muslinkiyo qusuusiga

Idinkaa makalayoo

 

Maalkii agoomeed

Idinkaa malkadayoo

 

Masxafkiyo quraankii

Idinkaa maljadayoo

 

Waxse mawtigiin galay

Ama malag idiin yimid

Kolkaad Muxamedkiinii

Malcuun uri ka raacdeen!

 

Mariyoo macneeyaye

Mid kaleeto waxay tahay

             

Waxaan maqalay Ferenjigu

Inuu miiri idiin qoray

            

Raciyad ama ‘riders’, Soomaaliduna u baddashay Rayad kuwaas oo ahaa qabaa’il Ingiriisku hubeeyey si uu isaga xijiyo gumaca Daraawiish iyo qabaa’ilka kale ee kasoo horjeeday gumaysigiisa ayuu u dan leeyahay.  Ingiriis ayaad dabadhoon u noqoteen ayuu ku canaantay.   

 

 Waxaan maqalay maalkii

 Inuu idinka meersaday

 

Waxaan maqalay ooryaha

Mitan inaad ka waydeen

 

Waxaan maqalay madaxdiina

In madiidin laga dhigay

Oon miis yar mooyee

Maydho geel la siinayn

 

Waxaan maqalay maahyahow

Magiciin inuu bay

 

Niman Soomaali ah oo gumaysiga guno ka qaadan jiray una shaqayn jiray ayuu meerisyadaa kore ku halgaadayaa.

 

Intaasoo masiiba ah

Waxaa igala maad badan

Maska iyo abeesada

Magta aad ka bixisaan

Aydaan midigta fidinayn

Aar hadduu ku micyeyn

 

Lixda meeris ee u dambeeya waxay ka hadlayaan xukun Ingiriisku kusoo rogay gobolada waqooyi kaa oo ahaa inaan dhirta la goynin, duurjoogtana la dilin.  Ninkii lagu arko ama lagu maqlo inuu laan gooyey ama duurjoogta wax ka dilay waa la xidhi ama waa la ganaaxi. Soomaalidii miyiga ku noolayd, sidii ay doonaana u isticmaali jiray ayuu xukunkaasi dhibay.  Sayidkuna xasaasiyadaa ayuu ka faa’iidaysanayey. 

 

Geeraaro iyo gabayo heshiiskan iyo geerarkan la socda ayaan soo wadnaa.  Ha u daymo la'aan. 

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.