Home 

Shiddiyo Hoog

                                                                    Sayid Maxamed Cabdille Xasan

 
 

Masafadan hoose wuxuu Sayidku u mariyey Cali Dhuux Aadan oo uu ku sheegayaa calaamado badan oo aad u liita oo ay ka mid yihiin, diin daro, been, fulaynimo, gaal-la-joognimo, abaal dhac, iyo kuwa kale oo badan.  Wuxuu kaloo Sayidku Cali Dhuux ku sheegay inuusan gabayga aad maahir ugu ahayn ee uu afka uun ka sheegto inuu bad yahay oo laabtiisa xikmad badani jiifto.  Wuxuu yidhi:

  • Nimaan sharaxa diimeed,

  • Sheynaba ka suurayn

  • Hadii aad u sheegtana

  • Shaqfadloo aan gararayn

  • Adiguna aad sheekh tahay,

  • Isaguna sharmuud yahay

  • Oo kula shikaayoon,

  • Illeen waa shiddiyo hoog

  • Nimaad gabadh la shaaximay,

  • Shuqduf ilaxidh ugu gelin

  • Oo shuqul gobaadeed,

  • Shararraaxin ugu dari

  • Oo sheemadii geel,

  • Boqol xerada ugu shubi

  • Oo shaharka jiilaal,

  • Shabcanaaya caanaha

  • Oo sheelka gurigaa,

  • Shirka talada loo wici

  • Oo kuu shisheeyaa,

  • Isna waa shiddiyo hoog

  • Bal nin adiga kuu shara,

  • Adna adan shaxeexayn

  • Shuqulkii yimaadana,

  • Shiqiyoo aan yeelayn

  • Oo aan shaqaaqiyo,

  • Shuushuuda deyneyn

  • Oo shiranka madashaa,

  • Sheeddoo isaga bixi

  • Oo shalay wuxuu dhigay,

  • Maanta kuu shirtirinayn

  • Shareecadiyo khayrkana,

  • Shifta aan ka dhiganayn

  • Shaata haddaad ka baridana,

  • Shanshada kuugu dhigahayn

  • Oo shuuqiyoo kari,

  • Ibleys baa shidaayee

  • Shanfac oday Alluu-naar,

  • Isna waa shidiyo hoog

  • Bal nimuu shakaashoo,

  • U shaqeeya Ferenjiga

  • Oo shan iyo toban beri,

  • Shaabuuga lala dhici

  • Shafshafana la siinayn,

  • Kolay shaata mida tahay

  • Oo shaaca waaberi Cadan,

  • Shacabka ugu kici

  • Aan shuuna oranayn,

  • Isna waa shiddiyo hoog

  • Bal nin gaal la shaarugay,

  • Shaabbaddiina lagu dhigay

  • Oo shurugga fuudoo,

  • Shaarubbada aan xiirayn

  • Oo ama shukaan wada,

  • Ama shuqul kaluu qaban

  • Muslinkana shabbihid kule,

  • Isna waa shiddiyo hoog

  • Bakhayl shaacug weynloo,

  • Shiila duxa aan lagu qorin

  • Oo kuu shumbucullayn,

  • Intuu maro shullaha dhigo

  • Oo sheegiyoo been,

  • Shaadir barale kugu wadhi

  • Oo kuu shafeecayn,

  • Isna waa shiddiyo hoog

  • Nin shaaficidu reebtee,

  • Ku shuhroobay fulannimo

  • Shimbirahana aan hubin,

  • Hadday shababaxleeyaan

  • Oo aan shahiidkiyo,

  • Shiishkiyo xarbada tegin

  • Sharaarna aan deyneyn,

  • Isna waa shiddiyo hoog

  • Gabay niman shib ka ahayn,

  • Misna shaacir ku ahayn

  • Aan shaqalka ugu dhigin,

  • Madka iyo khifiyo shalaq

  • Oo xarafka sheegiyo,

  • Xuduuddana shirrabihayn

  • Oo shooliyoo odhan,

  • Shafkaygaa wax jiifaan

  • Sheegaye midkaasuna,

  • Isna waa shiddiyo hoog

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.