Boqor Cismaan ayaa Daraawiish ciidan kusoo
bixiyey si ay usoo laayaan wixii ay maal gacanta kusoo dhigi karaana usoo
qaadaan. Ciidankaa waxaa hogaaminayey nin la odhan jiray Bile Samatar
Cismaan oo gacanta midig ee boqor Cismaan ahaa. Sayid Maxamed wuxuu ahaa geesi aan tabcada iyo tirtirsiga dagaalka lagaga
horayne, ilaalo uu banaanka u diray ayaa kasoo digtay ciidanka duulaanka ah ee
Majeerteen ka yimid. Ka dib, Daraawiishi way u diyaargarowday.
Ciidankii Majeerteen oo weerar ah iyo Daraawiishtii Sayidka oo difaac ah ayaa
rasaas ooda isaga qaaday. Dagaalkii haddii uu wax yar socday, ciidankii
Boqor Cismaan ooda ayey jabiyeen waxaana laga dhigay in dhuntay iyo in dhaan
raacday.
Bile, hogaamiyihii
ciidaqnkii Majeerteen Daraawiishi way qabatay, Sayidka ayeyna isagoo keenaysan u
geeyeen. Sayidku in Bile la xidho ayuu amar ku bixiyey. Haddaba halkaa
wuxuu Sayidku kamariyey gabay ay naga soo gaadhay:
-
Inaan Bile tagoogada ka xidhay, tebiya oo
geeya
-
Inuu xaarka taallada ka dhigay, tebiya oo
geeya
-
Inaad gaalo taag daran tihiin, tebiya oo geeya
-
Labamaare inuu tiirsan yahay, tebiya oo geeya
-
Shanle-dheere inuusan wax tarin, tebiya oo
geeya
-
Cabdiraxiin inuusan tol helin, tebiya oo geeya
-
Daraawiishi inaysan tureyn, tebiya oo geeya
-
In Ustaadku tiir-dhaadan yahay, tebiya oo
geeya
Soo dhammaystir saaxiib....
|