Home 

Xasanow Hubqaadaye

                                                                             Sayid Maxamed Cabdille Xasan

 
 

Xukuumaddii Mililik ee Itoobiya ka tilinaysay xilligii Daraawiishtu gaylanka ku jirtay ayaa col kusoo bixisay Abraahiin si colkaasi canshuur uga soo uruuriyo degaanka nimankaasi ku dhaqnaayeen, qofkii canshuurta bixin waayana uu u ciqaabo.  Xogtii colkaa kusoo aaddan ayuu Abraahiin helay kolkaa ayey tabaabusho iyo talo galeen.    

Waxay waxgaradkii tolkaasi isla soo qaadeen in aanay gaal iyo Islaam midna nabad fiicani dhex oolin.  Rayad oo Ingiriis iyo wixii raacsanaa ah, Dhabayaco oo Talyaani iyo kuwii raacsanaa ah, Huwan oo Amxaaro iyo wixii la halmaala ah; dhinac walba colaad xiiraxiira ah ayaa kaga gudban.  Daraawiish oo qudheedu xoog fiican lahayd col iyo nabad midna ma aysan ahayn.  Nin odayaasha la qaddariyo kamid ah oo la odhan jiray Tuurtuur ayaa Saaxil iyo Ingiriis aaday oo heshiis lasoo galay si uu uga helo cudud uu Xabashida kaga hortago. 

Nimankaa iyo jawiga colaadeed ee lasoo darsay iyo Tuurtuur socdaalkii uu ku gaadhay Saaxil warkiisii ayuu Sayid Maxamed maqlay.  Siyaasi xiribo dheer ayuu ahaaye, go’aanbuu wuxuu ku gaadhay inuu arintaa ka faa’iidayso, Abraahiinna xagga xarunta usoo dumo oo uu Daraawiihseeyo, Ingiriisna uga hormaro. 

Haddaba si uu kaartadaa siyaasadeed u fuliyo, Sayidku wuuxuu soo diray wafti baaladhan oo uu hoggaaminayo Xasan-gaaruf Qaloonbi Cabdi oo isla Abraahiinkaa ahaa.  Xasan-gaaruf wuxuu ka mid ahaa Golaha Qusuusiga, wuxuuna ahaa nin-karmeed hasha lagu maalo.  Waxaa kale oo wafdiga ka mid ahaa Abshir Dhoore, ammaanduulihii koowaad ee Daraawiishta.  Wuxuu Sayidku wafdiga ka dalbay inay Doollo iyo Haro Xagarreey gaadhaan lana soo xaajoodaan odayaasha Abraahiin, gaashaanbuursi siyaasadeed iyo mid ciidanna ay ka dalbaan.    

Gabay cajiib ah oo dood nin weyn, garnaqsi, hogotus iyo canaanba isugu jira ayuu Sayidku soo faray oo uu Xasan-gaaruf usoo dhiibay.  Wuxuu yidhi Sayidku: 

     Xasanow hubqaaddaye haddaad, naga hagaageyso
     Hiyigaad ka sarejoogsatey, hibatay laabtiiye
     Haddaad hiirta waaberi sengaha, halabsatoo fuusho

     Habaas idinku duula iyo boodh, hiriba mooyaane
     Hilinkaad ku dhici waa midaan, laga habaabayne
     Waa tuu haloosiga ahaa, tan iyo Hiiraane

     Hayeeshee wax Hawd lagu yaqaan, hawkar iyo oone
     Hadda aynu joognaana waa,  hoga kaliileede
     Allihiii harada noo buuxin jiray, kuma harraadsiiyo

     Hinni awdan xagar huuraloo, hirif ka soo duulo
     Hanfigiyo kulaylkoo sidii, halac ku leefaaya
     Hagoog laydh ah hadhac kaa astura, lagugu hoosaasye

     Hurgun gocondho hiil qodax lehiyo,  hiije iyo qaare
     Huurmood gubada dogob huuroloo, hadowgu naafeeyey
     Hirrigaad mareysiyo jirduhu, kuma halaakeeyo

     Wiyil hadafa aar soo handadi, hiijoqabe reemi
     Hardi madax hankoobsiga ciddida, mici haliilaysa
     Hurduf geri haraatida lugeed,  qalanje heeraaya

     Hunnufaa dhurwaa iyo dugaag, so’ u halaaqaaya
     Shabeel horor ah haariban dawaco, haramcad guuxaaya
     Dhidir halable halowyaalo weer, haalufada yey ah

     Bahal hoose halaq baas intii, had iyo waabaay leh
     Haaweyda meertiyo colkiyo, haayirkiyo tuugga
     Galow hiririfleeyiyo jugley, wadane hawhaw leh

     Weliyada hanuunaan beryiyo, hodanka Yaasiine
     Habheebaha jidaashiyo daal, hanaqyadii dawga
     Habeen iyo dharaar Eebbahay, hadimmo kaa baaji

     Hor iyo gees hareer iyo gadaal, halal nabaadiino
     Hoygaagu heeraar Watiin, hoyosho Li’iilaaf dheh
     Hayaakiil ducaan kuu akhriyee, hibada aamiinso

     Afartaasi waa heega roob, hababacdeesiiye
     Sidii hogol daruur hiifabaan, hibitiqaayaaye
     Harawaatigii igama iman, hoorista ahaaye

     Waxaan sana hamuuraba adaan, kuu hawalayaaye
     Haddaan kugu hanqadho mowjadaad, ku hafan doontaaye
     Hillaacaa indhaha kaala tegi, halalacdiisiiye

     Hungurigiyo hoygaa qalbigu, kaa hadfahayaane

     Hawadaa waxay kula ahaan, hirar madow weyne
     Hinfidhka iga soo bixi naftaad, kala harbeysaaye

 

     Heli meysid gabaygaan hayiyo, hooyo-waalaha e

     Xuseen baan haguug ugu dhintiyo, haq iyo looyaane[1]
     Isaguba higgaadaan u qoray, heli aqoon waaye

 

     Hal yar iiga gee reer tolkaa, hagidii aad gaadho
     Hebelkii walbeetaba u sheeg, hagari waa ceebe
     Haweenka iyo carruurtiyo nin weyn, harawada u naadi
 

     Abraahiinku haybtaannu nahay, wuusan hadihayne
     Waa wada qaraabiyo hilbiyo, habar-wadaaggeeye
     Jinnaa igu hudbeeyee malaha, ima halleeyeene

     Hannaankiyo wanaagaan u galay, haa ku odhan waaye
     Hafriin been ah ceeb igu habdaran, iguma hoorsheene
     Goortay habluhu boodayaa, iguma heeseene
[2]

     Hiddaayada ma diideen intay, Nebiga hiifaane
     Uma hiilliyeen gaaladaan, heerga ahayne
     Haawiyadda naareed jannada, kagama hoobteene

     Iima soo humeen guutadii, haayirka ahayde
     Goortaan hambooriyey kufriga, iguma hiileene
     Hardi iguma toogteen intuu,  hiisha ii galo e

     Habaryoonis iyo Ciidagale, lama hableeyeene

     Hiraab naago kama guursadeen, Habar-magaadleye
     Intay hii yiraahdaan af baas, kuma hadaaqeene

     Herar
[3] kuma fureen reer intay, Haro[4] ka guuraane

     Ninkii halala beesaa tabcaday, ma hungureeyeene
     Ma hadaadumeen wiilashii, heel ka buuxsamaye

     Halqigii arlaa’iga fadhiyey, ma hargawaaxeene

     Hayaag iyo Hulqiyo Khaalidyadu, ma hungureeyeene
     Sidii halal ugaadhoo fakaday, lama horeeyeene

     Haaruun ma laayeen raggii, ugu han weynaaye

     Waatuu waraabuhu harqaday, hanaddadoodiiye

     Horintii lahayd Faaqidbay, haniyo gooyeene[5]

     Hindise aan jirin waa wixii, hoday Makaahiile
     Hog wuxuu ku dhacay kolkuu, huray Daraawiishe
     Haddii aanay haad faranji gelin, lama halaajeene

     Hoor wuxuu i soo dhaafay markaan, helay warkoodiiye

     Hilaaboodayey ma aan jeclayn, hadalka qaarkiise
     Waxaan la hamiyaayee raggay, haddur ka yeeleene
 

     Hanti baanu diinka u lahayn, tan iyo Haabiile

     Hoodada karaamada Allaan, igu hungeyneyne
     Goortaan habaaraa Illaah, heeray boqontiiye

     Culimada habowga ah sidii, haatuf uga jeesta

     Sharcigay hasaayaane yey, idin habowsiine

     Shaydaanka soo wada humbucan, nadi ku haylhayla

 

      Haadaan waxaa idinku guray, had iyo Tuurtuure[6]

     Hagag iyo qalleyf miidhan waa, lagu habuudaaye

     Hawd iyo inkaar waa waxaad, hore u eeddeene

 

     Ka hakada habkiinii shalaad, ka hawo raacdeene

     Hubsadaay tashiga kheyrka waad, ka hanfariitaane 

     Halmaan iyo ninkii hadur yaqaan, honono’iis diida

 

     Cadaawuhu hilaabowga wuu, kugu hodaayaaye

     Hidyuu uga danleeyahay markuu, kuu halaahaliye

     Hoygiina yuu iman iblays, idin huduudaaya[7]

 

     Hanadyahow Ogaadeenku wuu, ku hawiraayaaye

     Isagoo hog kuu qodahayuu, kuu hawaaltamiye

     Inay haybad kula doonayaan, kuma hamsaantaane

 

     Anigaa idiin huba waxaad, ku himbilyootaane

     Kuman heegma kuman haawiyoo, hadi ku dooyeeya

     Kumanyaal hanqaaraha kabtiga, samada heehaaba

 

     Kun haloosi kuman hayrafoo, dabada hoogaansha

     Kun halqooqa wada taagayoo, haadda la ciyaara
     Heensaan idiin saarayaa, xamaro heeg dheere

 

     Horweynaan kusoo shubi xeryaha, haawadee madhane

     Caanaha haleelada dhashaad, habacsan doontaane

     Haamaha karuurkaa sidii, heeshiguu dhiciye

 

     Nin raggaa hammiyee caalle, waa hogashadiisiiye

     Hiirtaanyo meeshii leh waa, laga huleelaaye

     Waa lagu hirtaa meel haddii, halabe kuu yaalle

 

     Hub iyo maal hanti iyo xoolo, hoo aan dami haynin

     Waxaad iga haweysaanba waad, iga helaysaane

     Soo haldhowdaay deeq Allaad, ka hirqan doontaane

                         

                         Dhagayso gabayga


 

[1] Wuxuu ujeedaa Xuseen Maxamuud Faarax, Xuseen-dhiqle, oo Golaha Qusuusiga ka mid ahaa, Xoghayaha Warfaafinta ee Daraawiishtana ahaa

[2] Meerisyadaa kore waxay u noqonayaa hees uu mariyey nin la odhan jiray Xasan-dhudi Maxamuud-bidhiidh Axmed Cali oo dhalinyaro ahaa oo uu aabihii ku jiray ragga Daraawiish diidan.  Ninkaasi  isagoo Sayidka wax ka sheegaya ayuu ku heesay:

 

Ma shanbaan u weynahay

Oo geelanagaa shan xero gala

Aabahay baa shirkii tagay

Hooyaday baa shabaabo ah

Ma kheylibaan shulaha dhigay

Oo sacabbaan shable u tumay

Ninkii shaashka weynaa

Ee sheekh weeye nala yidhi

Sheegatada indhaha rogan

 

Hees dheer noocaa ahayd oo aanu intaa uun ka helnay weeye halka meerisyada Sayidku u noqonayaan   

[3] Herar: waa caasimadii hore ee Soomaaliya, waxayna wali gacanta ugu jirtaa Itoobiya

[4] Haro: wuxuu ujeedaa Haro Xagarreey oo ah todoba kala ah: Daratoole, Dannood, Ilig, Masaare, Siraw, Caado iyo Dhagaxyo-caddo

[7] Iblays idin haduudaaya: wuxuu ujeedaa Tuurtuurkii Ingiriis lasoo heshiiyey

 

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.