Home

 

Garaad Xirsi Faarax Xirsi (Wiilwaal)

                                                             

Qoraalo Wiilwaal ku saabsan
Cadka Rag Walaaleeya
Lugo Gorroyo
 
 

Garaad Xirsi Faarax Xirsi oo ku magacdheeraa Wiilwaal wuxuu ahaa boqor Soomaalidu ku dhaadato,  geesinimo iyo gabayaanimona isku darsaday.  Mar uu jabiyey duulaan kaga yimid Galla oo ah qabiil beesha Oromada ee Geeska Afrika ku badan ku abtirsada uuna hoggaaminayey nin dagaalyahan ahaa oo Soomaalidu u taqaan Gaal-gurey ayuu gabaygan soo socda Garaad Wiilwaal mariyey.  Isagoo ku dhaadanaya tolkii usoo hiiliyey iyo Gaalladii jabtay kolkii uu gaar ahaan isagu ka faraxashay taliyahoodii ayuu wuxuu yidhi:   

  • Gaaladii ka gees iyo ka gees, reebi nagu goysay[1]

  • Gurey maalintaan dilay colkii, inuu go’aan sheegtay

  • Geeraarshe-dheer iyo sagaal, waran galaan sheegtay

  • Gacaniyo in geed laga hadliyo, gobonimaan sheegtay

  • Garbidaan ku tiirsaday rag inuu, garab maraan sheegay

  • Ogaadeen Galduur iyo markuu, webi kasoo gaasay

  • Meeshiyo Garlawgubay markuu, galowgu eedaamay

  • Guntadaye markaan khayligii, labada naas geeyay

  • Een wayrax nadigii gashay ees, gucumo aar yeeshay

  • Golyoy maalintaan idhi darkii, inay gashaan sheegtay.

Gabaygu inuu intan ka badnaa baa la arkaa.

 

Garaadku wuxuu ahaa nin xukun adag oo xikmadi gundhig u tahay lagu bartay.  Mar isagoo sifaynaya sida dhulka Soomaalida cadowgu ula wareegi lahaa haddii aanu isagu gaashaan u ahayn ayuu wuxuu mariyey geeraarkan hoose.  Wuxuu yidhi: 

  • War yaroo igu saabsan

  • Haddaan weedh ka caddeeyo

  • Waa inaad wadartiinba

  • Idinkoon i wagliilin

  • Waa runtaa i dhahdaan

  • Waagaan wiil yar ahaa

  • Rag anoon wax la qaybsan

  • Wacdi sheekh iyo waano

  • Waalidiinta gabowday baan

  • Waddada diinta wanaagsan

  • Wacdigay hadlayeenbaan

  • Ku weeleeyey dhagtayda

  • Anoo waansamayoo

  • Wadaad fiicanna show ah

  • Waysadiyo kitaabkiyo

  • Masale aad u wanaagsaniyo

  • Weelka daacadda qaataybaad

  • Wiilwaal ii bixiseene

  • Weerarkaad ku jirteenbaa

  • Walbahaar ficilooyin

  • Wadnahayga ku beermay

  • Haddaanan wayrax jaraysan

  • Warmihii cadcadaa iyo

  • Gaashaan wiyileed

  • Anigoo wajilaayoo

  • War kacaay idinle oo

  • Kolkuu waagu iftiimay

  • Intaan weerar ku qaado

  • Gurey waaxyaha goynin

  • Cadowbaa wadankeena

  • La wareegi lahaa.

Mar kale isagoo raggiisii dhiirigelinaya kuna adkaynaya in wadaad iyo warenleba ay dagaal u qaashaartaan, walaaloobaan, wacadkii ay wada galeenna la dhawro si ay dhulka Soomaaliyeed cadowga u dhaafiyaan ayuu mariyey gabay aanu ka helnay halhayskan yar ee hoose.  Wuxuu yidhi: 

  • Wadaad iyo ninkii waran lahow, dirir u weelqaada

  • Wiil iyo walaal wada socdoo, waano qaba yeesha

  • Wacadkaad isugu dhaarateen, waafi ha ahaado

  • Wadankeenu waa fiicanyee, cadowga weydaarsha

  • Walbahaarka dhiga geesibaan, waabasho aqoone

Isla xilliyadaa isagoo guubaabadii noocaa ahayd sii wada waa kii lahaa:

  • Galiilyada i haysee hurdada, gama'a ii diiday

  • Gullad iyo gacmaba waa qabnaa, lagu wax goostaaye

  • Gaashaanka dhiiga ah warmaha, la isla gaafaayo

  • Goormaan ku ciil bixi tashiga, yaan la gaasirine

 

Soo raadi gabayada iyo geeraarada Garaadka. 


 

[1] Gabaygan iyo geeraar ku xigaba mar horre ayey kusoo baxeen doollo.com.  Laakiin hadda meelaha qaarkood ayaanu kasoo saxnay buggii ahaa Far-Guri ee uu Xuseen Cabdi Xalane qoray.

 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 - 2009,  Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry. All rights reserved.