Home

Aabi Duulaa Maxamed

                                                              Taah Calan

More from Aabi Coming..
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Taah Calan waxaa tiriyey abwaan Aabi Duulaa Mohamed bishii Luulyo 1, 2003 oo ku beegnayd markay xoroobeen gobolada koonfureed islamarkaana ay midoobeen labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya. Waa gabay wadani ah oo damiirka qofka dhaqaajinaya.  Wuxuu yidhi: 

  • Calanyahoow tawaawacahayee, boodhka lagu tuuray
  • Ee taawilkiyo sharaftuu lahaa, lootixgalin waayey
  • Ee Tuulo tuulo loo kala jartiyo, turunturayntaada
  • Ee taahiyo xanuunadu barteen, toobinkiyo riixdu
 
  • Oo tagoogada lafdheertiyo kajabay, tiirka boowdada
  • Oo cidna aan kutabataabinayn, si aad ku sootoosto
  • Oo toban saniyo dheeraad ilmadu, tifiqlo ooyayso
  • Oo qabqabluhu ku taajiray intaad, adigu taagbeeshay
  • Oo qaxootiga Turkaaniyo Dhadhaab, taarka lagu meershay
  • Oo shacabkaagii tawsiyo xumaan, lagu tabaaleeyeey
  • Oo tumaatida dhexdoodiyo warmaha, laysu tumanaayo
  • Oo badhkoodna taageerayaan, tahar nimaan gooynin
  • Oo cudurada talaalmiyo bushigu, gacan togaalaysto
  • Oo takhtariintii lagalaayiyo, taanigiyo shiikha
  • Oo aqoonyahankii kuu talinlahaa, laga tolroonaaday
  • Oo wiiftada ku talantaalisiyo, hoobiyuhu taabto
  • Oo mooryaan tafaha xaydatiyo, weerku tamashleeyo
  • Oo tuugada heshiisiyo jiridu, kugu tawaalayso
  • Oo toban sano midaan gaadhinoo, wali tarbuush yeelan
  • Oo hooyadu tawaalkay qabtiyo, toobki laga siibin
  • Oo kufsi lagu tagseegiyo xumaha, looga turihaynin
  • Oo tafwareenka meeshuu kajiro, laga tixraacaynin
  • Oo tincadiyo ugaadhiyo dhirtii, xaaluf lagu taagay
  • Oo laga tirtiray taysaha bixiyo, tolonihii geedka
  • Oo badihiisa khayrkii tubnaa, cadawgu taabaayo
  • Oo Taywaan maraakiib katimid, tarankii xaaqayso
  • Oo tafsiirkiyo quraankuu lahaa, lootixgalin waayey
  • Oo tusaalaha Rasuulkiyo(SCW) xaqii, laga tilaabsiiyey
  • Oo gumaystuhu tabtuu doonayiyo, tanaga looyeersho
  • Oo tiihiyo dhibaatada qabiyo, tuugsigiyo ceebta
  • Oo aduunyada halkii uu katago, cidi tilmaamaynin
  • Oo tartankiyo fagaaraha kahadhay, laysku tirirnaayo
  • Oo Jamaykaan timaha soohdayoo, turuqyo kuuskuusan
  • Oo hablihiisa tii ugu wacnayd, turub ladheelayso
  • Marunbaa ilaah kuu tigtigi, taamo iyo khayre
  • Mar unbaa tabaadoo dhashiyo, teeyo kuu curane
  • Mar unbay nirgaha kuu tircini, sidigta toolmoone
  • Oo dhul xareedu taaltaaliyo, togog ku soodaacay
  • Mar unbaa tigaadiyo nimcada, talaxsan doontaaye
 
  • Afartaa tabtaan doonayiyo, tuducyadaydii dheh
  • Calankeena taahuu qabiyo, suu utabar beelay
  • Talalkiyo dhibaatada ku timid, taariikh xumadeena
  • Tiiraanyadaan lajiifiyo wixii, igu tikraarnaa dheh
  • Afarkalana waan tirinayaa, tabarbarkaygii dheh
 
  • Gobolada Togdheer iyo Sanaag, taranka Laascaano
  • Tubta Awdal toorahaas sariyo, tiigsashada Saylac
  • Taliskaa Hargaysiyo fadhiya, tunanka Oodwayne
  • Taabkii Garoowiyo Bariyo, Mudug taraarkeeda
  • Galgaduud tusmada taala iyo, tan iyo Hiiraanba
  • Jawhar tabargalkeediyo Muqdisho, toobiyaha hoose
  • Taaladii Markood iyo Jubbada, tamashlihii Waamo
  • Tartarada Bu’aaliyo goshiyo, Salagle taagiisa
  • Teeriga Gadoodiyo Bakool, Baydhabadan taahi
  • Soomaalidan kalataaganee, tobanba ceel aaday
  • Ee shisheeyuhu kala tuurayee, tu walba loodiiday
  • Allahayoow adaa taajiree, meel isugu toosi
  • Oo nabad lagu tanaadiyo nasii, Dawladnimo taam ah 

 

 
 
 
 
 
 
 
 
Email Us|Dhoodaan|Sayid Maxamed|M.C. Dage|Qamaan|M.C. Beenaleey| Raage Ugaas|Kaadheeri|Guba|Singub|Contact Us
Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.