Home

Saahid Qamaan Cali

                                                  Sinnaan 

Saahid iyo Feetin
Ajinimaan u dhalanay.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

Gabaygii Dubbad Hiirad iyo kii Faarax Nadiif ee Silsiladda Guba furay waxaa xigay oo geedkii ugaasku fadhiyey soo joogsaday Saahid Qamaan Cali[1] oo hor kacaya fardooleey uu af-hayeen u yahay, wuxuuna tiriyey gabaygii saddexaad ee Silsiladda.  Saahid wuxuu butaacay gabayga caanka ah ee “Sinnaan” la baxay oo murti carrakawaa ah xambaarsan.  Waa gabay xilli walba munaasab ah, kali-  talisnimadana iyo macangagnimadana kasoo horjeeda. 

 

Wuxuu xusay in talo la wadaago iyo ina-adeerow raggu wuxuu ku dhaamo aanay jirin, in tolka dhib iyo dheefba qayb u tahay oo si siman oo cadli ku jiro loo wadaago, in dadku gaar ahaan raggan ay wada dhasheen ee ay is hayaan siman yihiin oo mid ka kale wax dheer aanu ku jirin, haddii ay ka tagi weydana isagu uguba sito.  Ninkii indhaha iga laliya ee iga maarma uma baahni, kii aan tolnimadayda rabin tiisa ma doono, ayuu raaciyey.  Wuxuu kusoo xidhay weerar uu ku qaaday Faarax Afeey.  Oo muxuu ku galay Faarax-Afeey?  Maalin kale iyo maqaal kale ayeynu ku lafaguraynaa arintaa.  Gabay dhaxal gal ah ayuu halkaa Saahid ka mariyey, wuxuu ku billaabay:   

 

  • Dubbadoow[2] nin maansood i yidhi, waa i moog yahaye

  • Waa iga madoobayd tan iyo, maalintii Sirow e[3]

  • Minjogooye siduu noogu dhacay, maadis bay galaye

 

  • Murti iyo adaan kugu ogaa, miigganaan gabay e

  • Ha yeeshee haddaan maago hadal, waan mitimiyaaye

  • Iga maqal hal aan xalay mir kacay, ama la muusooday

 

  • Waa kii shir laynagu makalay, madaqsigii jaane

  • Hadba waxaa mudh soo odhan adduun, mid aan la eegayne

  • Maantana maxay noqon sidii, Maxamed[4] loo yaabye

 

  • Middan kalena waa wiilashaan, maanka laga qaaday

  • Hadday sado macaan tahay ninkii, maadiyaa cune e

  • Nin mudmuday dharkayn hoosna maray, mudhuxyey shaaleeye

  • Miyir waxaad ku waydaan iswaal, kuma mihiibtaane

  • Muslim kuma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyne

  • Muggii weel ma dhaafee Alloow, mooska yaan jabinnin

 

  • Middan kalena waa aniga iyo, mid iska sheeggayga

  • Inaan malab rag kale loo shushubi, wax uga miideeyo

  • Magowshaha[5] haddaan layga siin, maax la dhuranaayo

  • Oon meesha taagnahay anoon, murudna leefaynin  

  • Oon maydhax aan igu xidhnayn, maylimo u haysto

  • Oon waliba mood iyo salaan, ugu maleegnaado

  • Saddex magac Allee[6] xaajadaa, layma maransiiyo

 

  • Haddiise doogga muruqiisu go'o, milayga jiilaalka

  • Mawiga ceel haddii loo kacoo, maalku ku arooro

  • Waw miila-qayb[7] niman hadday, magac wadaagaane

 

  • Masoow aabbahay iyo waxaan, Magan[8] kasoo gaadhay

  • Rag waxaan ku maamuli aqaan, amaan ku maamuusi

  • Masaa[9] in aanu nahay ooy tolnimo, meerto noo tahaye

  • Oon waliba kaga miil caddahay, miidhse[10] diiddaniye

 

  • Masallaha ninkaan ii dhigayn, midig ma saaraayo

  • Kii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho

  • Inuu aabihii Madar yahuu, muuno ku lahaaye

  • Muska Ina-Afeey[11] galay arlada, kama miciin moodo

  • Sidii koran xiniiyaha la muday, uma maluugnaado

 

Gabayga Saahid wuxuu aad ugu eg yahay midka Dubbad.  Bal u fiirso; hadduu doobke buuxsamo inuu, daato waw halise halka uu Dubbad ka yidhi, Saahidna wuxuu ka yidhi: muggii weel ma dhaafee Alloow, mooska yaan jabinnin.  Halka Dubbad ka yidhi; durbana wuu kibraa sedo ninkay, dacasha saartaaye, Saahid wuxuu ka yidhi; hadday sado macaan tahay ninkii, maadiyaa cune e.  Waxay labaduba dagaal aan kala hadh lahayn ku qaadeen Ugaas Xaashi sidii balantu ahayd.

 


[1] Ogaadeen, Reer Cabdille, Reer Dalal.  Gabayaa weyn oo Ciid, Doollo, Doh iyo inta la ollogga ku dhaqnaan jiray ayuu ahaa.  Gabay iyo garba nin hadalka heli og oo wuxuu ahaa markuu doono aan waxba hagoogin ee hadalku halkii uu u dhimanayo taabta.  Gabay-daacuun ayey dadka qaarkii ku naanaysi jireen sababtaa awgeed

[2] Dubbad Hiirad 

[3] Sirow waa Balli Qoriile u dhaw.  Dadka qaarbaa sheega in Gondogooye balligaa ka dhacay

[4] Maxamed:  Nebi Maxamed (NNKH) inuu ujeedo ayaa loo badiyey

[5] Magowshaha: godolka ama magowga ugu horeeya.  Lidkiisu waa dharaq

[6] Saddex magac Alle: wallaahay, billaahay, tallaahay.  Waa nooc Soomaalidu u dhaarato

[7] Miilo-qayb: ceelasha biyaha yar oo qolaba mar ama kal cabto si loo maaxiyo.  Kaltanna waa la yidhaahdaa

[8] Magan waa odayga Saahid ku arooro

[9] Masaa: eray aasalkiisu Af Carabi yahay oo macnihiisu yahay isku mid ama siman

[10] Miidhse diidaniye: quudhsi  ma oggoli oo qaadanmahayo

[11] Faarax Maxamed Madar (Faarax-Afeey)  Ogaadeen, Reer Cabdille, Baha Magan.

 
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.