In kasta oo uu dadka qaarkii ka eedsheegto xukunkii Daraawiishta,
ayna ku tilmaamaan inuu ahaa xukun adag oo nacab ahaa, haddana waxaa
xaqiiqo ah inaan Daraawiishtu ku xadgudbin cid aan iyada marka hore
ku xadgudbin ama aan gardaraysanin. Xarunta Daraawiishtu waxay
lahayd nidaam iyo maamul hab dawli ah u dhisan. Qaybaha maamulkaa
waxaa ka mid ahaa hay’ad u qaabilsanayd sharciga, caddaaladda iyo
kala-dambeynta guud. Hay’adaasi waxay lahayd garsoorayaal diinta
aqoon fiican u leh waxayna garsoorayaalkaasi sharciga la tiigsan
jireen qofkii eedayn loo soo jeediyo.
Qofkii denbiga lagu soo oogay lagu helo ayaa la qisaasi jiray,
halkaa ayeyna dadka qaarkii ka cawdaan iyagoo ku doodaya in
Daraawiishi gacan bir ah ku qabatay qabaa’ilkii ka hor yimid.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa madax meel ka koraysa oo la salaaxo
ma jirto, sidaa awgeed Sayidku isagoo Daraawiish difaacaya waa
kii reebay odhaahda caanka ah ee odhanaysa “car yaa Soomaali xukuma
oo aan laynin.”
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la yidhi, Darwiishkii caanka ahaa,
gabayaagana ahaa ee la odhan Buraale Cali Seexde ayaa maalin
maalmaha ka mid ah dareemay in la xujeeyey. Dareenkaasi haddii uu
galay Buraale wuxuu isku dayey inuu is xujofuro oo uu caddeeyo
inaanu wax denbi ah gelin. Gabayaa af maal ah ayuu ahaa sidaa
daraadeed wuxuu tiriyey gabay uu 10 qodob oo uu isku difaacayo kusoo
bandhigay. Wuxuu gabayga dhexdiisa ku sheegayaa raganimadiisa
dhammaystiran ee haddii la dilo ama uu Daraawiish ka baxsado la tebi
doono, wuxuuna ku kalsoon yahay inaan Daraawiishi ka maarmin sidaa
awgeed ay tahay inaan la xujaynin.
Wuxuu Daraawiish oo dhan dareensiiyey in odaytinimadiisa, wanaagiisa,
deeqsinimadiisa iyo aftahanimadiisa la tebi doono. Haddii dhiilo
timaado oo beesha col ku dhexdhaco wacdarihii xagga dagaalka ahaa ee
uu muujin jiray ina la tebi doono ayuu ku xijiyey. Wuu sii waday oo
wuxuu ku baanay in loo darsan doono gacan-furnaantiisii iyo
waxbixintiisii.
Haddii tolkii iyo tol kale ay dagaalamaan in tabtii dagaalka,
ciidho-dirirkii iyo rogaal-celintii uu caanka ku ahaa la tebi doono
ayuu isku xujofuray. Meerisyadan iyo kuwo kaleba waxaa ku cad in
gabayaagu uu Bahgeri iyo Daraawiish mid u arko sidaa la adligeedna
ma uusan kala soocin. Daraawiish qofkii kusoo duula Bahgeri ayuu
kusoo duulay, kii Bahgeri kusoo duulana Daraawiish ayuu kusoo duulay
weeye ujeedkiisu.
Kolkii ay barwaaqo iyo nabad tahay in quruxdii, tamashlihii iyo
habsamidii uu dadka kaga tilmaanaa loo darsan doono ayuu raaciyey.
Tixgelinta guud ee ay Ogaadeen iyo Daarood oo dhammi u hayaan isaga
shaqsi ahaan iyo magaca uu Soomaali dhexdeed ku leeyahay inaanay
Bahgeri ama Daraawiishi ka maarmin, cid kale oo badashana aan la
helaynin ayuu ku daray.
Taladu markii ay gawriirsato, nin doorka mooye marka ragga kale oo
dhan ka maagto, marka cid arinta u cirbixisa la waayo, xaajadu
kolkii ay dhanaanaato in geesinimadii, garashadii iyo geed-adaygnimadiisii
la waayi doono haddii uu Daraawiish ka baxsado ayuu ku faanay.
Haddii uu Daraawiish iyo dhulka ay ka taliso ka tago kaligii
tagimaayo oo wuxuu la dhaqaaqi doona tolkii oo dhan. Haddii uu
sidaa yeelo kolkaa uu dagaal dhexmaro Daraawiish ama Bahgeri iyo
qabaa’ilka kale ee ay dariska yihiin wuxuu u arkaa in booskiisii bannaan
yahay oo aan cid buuxisa la helayn.
Arimahaa uu taxay haddii lagu tixgelin waayo, haddii dareen gelinta
iyo cagajuglaynta ay Daraawiishi ka dayn waydo inuu habeen madow
dhaqaaqi doono, il dambena aan la saarayn ayuu ku afjaray. Wuxuu
yidhi:
-
Aadkay haddaan tago rag waa, kala tolobaaye
-
Tartiib iyo wanaag iyo waxdhiib, toobbad iyo xaajo
-
Toban xaalo oo aan yeeli jiray, sow la tebi maayo?
-
Tolla’ayeyda qaylada haddii, Togga la xaydaamo
-
Tubihii haddii lagu dhacoo, torog la heenseeyo
-
Raacdada kobtaan tegi ogaa, sow la tebi maayo?
-
Toban reero oo tabarro lehiyo, taawo iyo caano
-
Waxaan gaadhka soo tubay diraac, uunku kala tiicay
-
Martidii tolkay qaadan jirey, sow la tebi maayo?
-
Haddaan Dhoobo Weyn tabcano, tubo bannaankeeda
-
Bakaaraha haddaan tuunshoo, tu’iyo awrkayga
-
Arintaan tashiilaba lahayn, sow la tebi maayo?
-
Tub shisheeye niman kaaga yimid, tolal kaloo gaara
-
Hadduu fuluhu kaa tago intuu, tooggo bixin waayo
-
Tartiibtiyo waxdhiibkaan lahaa, sow la tebi maayo?
-
Tolkay iyo tol kale maalintii, la isu soo tuurto
-
Baqihii haddii nalaga tago, tu Alla weeyaane
-
Rogaalkana kobtaan tiirin jirey, sow la tebi maayo?
-
Dhallinyaradu tooraha hadday, tubaha qaadayso
-
Kobdhoodkaa hadday wada tagtoo, tamashle loo joogo
-
Tilmaantiyo habsamidaan lahaa, sow la tebi maayo?
-
Togga webiga reeraha fadhiya, Adari taaggeeda
-
Intaas oo la wada tiirsan yahay oo, lays tummaatiyayo
-
Ogaadeenku suu ii tixgelin, sow la tebi maayo?
-
Dadku haatan way wada tamadin, Timaha Daaroode
-
….
-
Haddaan webiga tuurtaa ka maro, sow la tebi maayo?
-
Haddii uunku kala tiico oo, tubiba meel aaddo
-
Oo taliye soo wada ceshiyo, toobbad laga waayo
-
Kobtaan tiirka ugu aasi jiray, sow la tebi maayo
-
Tolka Reer Saleebaan iyo, tubaha Reer Yuusuf
-
Mareexaanka wada taagan oo, tubaha seegaynin
-
Jabraa’iil haddii aan la tago, sow la tebi mayo
-
Tabahaas anoo qaba haddii, lay tixgelin waayo
-
Tuhunkiyo haddaan layga deyn, toogashiyo ceebta
-
Wallee anigu waan tegi haddaan, tuurin lay geline
Gabaygaa ka dib Buraale xaruntii Daraawiishta wuu ka baxsaday oo
webiga Shabeele ayuu ka gudbay. Colaad iyo dal-tabyo badan
ayuu kala kulmay dhulkii uu tagay, muddo ka dibna degaankiisii iyo
Daraawiish ayuu kusoo noqday oo waaka tirinaya gabaygii ay ku
jirtay:
Inkaartii Sayidku inay ku dhacday ayuu u arkaa.
Buraale waxay saaxiib ahaayeen isuna hal celin jireen Qamaan Bulxan.
Qamaan oo Sayid Maxamed col la ahaa, jecelna inuu Buraale iyo
Sayidka iska hor keeno ayaa gabay diredire ah tiriyey. Isagoo
ku halqabsanaya laba nin oo sida la wariyey Reer Xamar laga dilay
ayuu Qamaan wuxuu yidhi:
-
Awal horre dhurwaagey habeen, uga dhawaayeene
-
Dhalashooy ba'ey Reer Xamar miyaa, dhabarka loo jeedshay
-
Wadaadkii dharbaaxada caddaa, dhaw ma kaga siiyey
-
Dhammow Tube iyo Keynaanba sow, foolka dhacay ma aha
Sheekooyin khatar ah oo dhinacyo badan ayuu Buraale Cali Seexde
leeyahay. Soo raadi sheekooyinkaa iyo gabayada la
xidhiidhaba oo na soo gaadhsii:
mail@doollo.com.