Home

Maxamuud Oomaar

                                                  Gabagabadii Gafuura Xume

Gabaygii M. Oomaar uu ku lahaa Silsiladdii Rayad
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Duullaankii Ingiriis kusoo kiciyey hadhaadigii Daraawiishta iyo jilibyadii Ogaadeen ee ay dhexdooda isku uruursadeen ayaa soo qaaday geel loo bixiyey Hagoogane.  Ciidamada Ingiriiska ah ee geelaa soo qaaday waxaa la socday jilbo Isaaq ah sida Habar Yoonis iyo Ciidagale iyo kuwo Dhulbahante ah sida Reer Hagar.  Duulaankaa iyo geeridii Sayidka ka dib Daraawiishi udubkeeday la hadhay.  Ogaadeenkii geela Ingiriis iyo cawaamkiisu qaaday lahaase ma samrin, duulaan culus ayeyna soo kiciyeen.  Dullaankaa waxaa loo yaqaan duulaankii Boobaay.

 

Gebogebo Gafuurra Xume loo bixiyey oo rag badani ku go'ay geel badanna lagu hantiyey ayaa ka mid ahaa adhaxjabkii uu geysteen colkii Ogaadeen ee Ingiriis, Isaaq iyo Dhulbahantihii wada socday soo weerary.  Gafuurre Xume waxaa gabaygan ka mariyey Maxamuud Oomaar oo si wanaagsan u sharxay say wax u dhaceen  iyo xaalku halkuu ku dambeeyey.  Wuxuu yidhi: 

  • Adyad uma aloolayno waa, aano gudanaaye

  • Utun nimaanu leenahay intay, anafo raadqaado

  • Ablaydii Ogaadeen kolkii, maalmo la afeeyo

  • Adhaxda iyo ooftiyo intaan, uurta kala goyno

  • Iidoor indhihii maalintuu, eedi jiray weeye

  • Ubadkii uu dhalay maalintuu, iibsan jiray weeye

  • Awawgoodii hore maalintuu, oonku dilay weeye

  • Inan baan ku siin maalintay, odhan jireen weeye

  • Abti iyo seedi aan jirin kolkuu, wada ahaa weeye

  • Iyagiyo Hartiba maalintaan, aayo tiray weeye

  • Labada Ey-Qalaa maalintay, eber noqdeen weeye

  • Raggii eedda xaabsaday markay, idhan go’een weeye

  • Amaahday gurteen maalintaan, oofsan jiray weeye

  • Agoonkayga kaca maalintuu, aarsan jiray weeye

  • Is adaafuleeyee markay, alax noqdeen weeye

  • Siddii gaban anbaday maalintuu, ooyi jiray weeye

  • Awaaraha xaglaha maalintuu, aasan jiray weeye

  • Abeerkooda dhalay maalintaan, oodan jiray weeye

  • Cayuun igadha ugub laajin iyo, aaran iyo goolal

  • Afar kunoo irmaan aydin cadda, ama agooraysa

  • Ayaankay ee maalintaan, oohow nidhi weeye

  • Aqal lama gufaadhoo iyagu, adhi bay qaadeene

  • Agab lama gurtee maalintaan, awrna bixin weeye

  • Qabiilkii ab yari maalintay, uduruceen weeye

  • Birtaa laga aslee malintaan, loo arxamin weeye

  • Gaalkii adeegsaday markuu, ayda xulay weeye

  • Eeqadii xumayd maalintay, duul oskogan weeye

  • Aflagaadadoodii markaan, aamus baday weeye

  • Askar Ferenji oo idil markuu, diiday amar weeye

  • Agabkay qubeen maalintaan, aad u helay weeye

  • Oogada cad gaalkii markuu, uus marsaday weeye

  • Hadduu ururrsanaa maalinatay, kala ordeen weeye

  • Intay ooda jiidheen markaan, sii eryaday weeye

  • Ajaaf waliba maalintuu ah’ iyo, eersi galay weeye

  • Ogolaantii Yurub maalintay, aafo timid weeye

  • Odhaahdiisii Cali maalintii uu, inkiray weeye

  • Albaabkay fureen maalintaan, awdnay subax weeye

  • Ingiriis aroor qaxay markuu, ay dardaray weeye

  • Rag ablay wataa maalintuu, aarmi guray weeye

  • Maajoor af cadi maalintuu, oon bakhtiyey weeye

  • Talyan Dhabayac eegaa markay, udulubeen weeye

  • Inaan la arkin awgeed markuu, uur isagu yeelay

  • Unuunkii Hartiga maalintii, awlax jaray weeye

  • Ehel iyo tol li’i maalintii, loo anbaday weeye

  • Or iyo oohin ways raaciyaa, uufanays jabaye

  • Ilma gaal ursade maalintaan, aamus nidhi weeye

  • Intuu aabo lahaa oo dhan iyo, abab xunkii doontay

  • Dalka oolin waatuu ka dhigay, saancad urayaaye

  • Dix abuukhiya ah iyo ma jiro, Ay dambooy shidiyi

  • Eegaa ugbaad iyo arliga, loo malayn egane

  • Dhulku waa udgoon iyo hortii, suu ahaan jiraye

  • Ummaddii aqligu fiican yahay, ama awood dheer leh

  • Wixii gaalku soo aga bartay, dib u uleeyaane

  • Ululida sidaas oo kalay, uga adkaadaane

  • Cid waliba dan bay ula iman, abuudirteediiye

  • Orobadu abuurtii Rabbigay, aasi mahayaane

  • Astaantaadii garo reer kastooy, lagu ogaysiiye

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.