The largest
online collection of Somali poetry
Nasiib darro, Aw-Yuusuf Barre waxaan ka haynaa gabaygan qiimaha badan
oo kaliya. Taariikh nololeedkiisii iyo gabayo kala oo aad u tira badan oo
uu tiriyey abwanku ayaan ku raad taaganahay filaynaana inaan ka midho dhalino.
Marka aad eegto gabaygan guur aan ka la'aado ayaad waxaad qiyaasi kartaa
xikmadaha kale ee Aw-Yuusuf afkiisa laga maali jirray xilligii uu noolaa,
laakiin ay hadda nagu adag tahay inaan si dhib yar gacanta ugu dhigno.
Waxaanse u balan qaadaynayaa akhristayaasha/dhagaystayaasha doollo.com inaan
la hadhin wax dadaal ah si'aan u helno in kasta oo suuragal ah maansada
abwaanka. Riix Cinwaanka ah Guur aan ka la'aado si aad u akhriso gabaygaas.
Gabaygii
Aw Yuusuf ee ahaa Geela Nooceliya ee ay ka midka ahayd:
-
Nin caddaaday caddaabkiiba,
waa lagala ceesaaye
-
Rag cirroobay baa nagu jiree,
geela noo celiya
Isna
kuwaad baadi doontay ku darso oo nala soo xidhiidh haddii aad hesho.
|