Home

Shirweynihii Xoolaha Soomaaliyeed (I)

                                                                              Axmed Sheekh Jaamac

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

(Boggan gabi ahaantii waxaan si toos uga soo guurinay cajaladihii labada ahaa ee uu duubay Abwaan Axmed Sheekh Jaamac: gabayada iyo sheekooyinka weheliyaba)  Akhris wanaagsan.

 

Sheekada dhamaadkeedu waa sidatan.  Xoolihii waxay samaysteen Jamhuuriyada Federaaliga ee Xoolaha Soomaaliyeed.  Oo ka kooban shan raysimo.  Raysimo walba waxay leedahay xukun hoosaad  madax banaan.  Calanku waa midka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliyeed oo dhexda ku leh shan xidigood oo cad cad.  Waxay samaysteen xoolihii oo ku kala biireen lix xisbi oo kala ah:

 

 1) Xisbiga Dudo, Dar, iyo Daaq Wanaag.  Waa xisbi Shuuci ah.  Gudoomiye waxaa ka noqday dameerkii caanka ahaa Xoghaye Guudna awrkii Madoobe Uugaan oo Reer Obokh ah

 

2) Xeer iyo Xeel, waa xisbi Hanti goosi ah.  Gudoomiye waxaa ka noqday wankii Ladane oo ah Reer Aadan Yabaal.  Xoghaye Guudna waxaa ka noqday awr Reer Qabridahare ah

 

3) Xisbiga Nabad iyo Nagaansho, waa xisbi ah "Social Democratic."  Gudoomiye waxaa ka noqday geenyo Reer Taleex ah, Xoghaye Guudna sabeentii Dhexyar Dhuubo oo ah Reer Marka

 

4) Xisbiga Daraawiishta Cusub ee Xoolaha Soomaliyeed.  Waxaa gudoomiye ka noqday dibi Hereri ah, Xoghaye Guudna waxaa ka noqday laxdii Gacalo Nasteexo oo ah Reer Iimeey

 

5) Xisbiga Diir iyo Dunsami, waa xisbi ku dhisan isir-xul iyo abtirsiinyo koolkoolin.  Gudoomiye waxaa ka noqday hal Reer Burco ah, Xoghaye guudna waxaa ka noqday orgigii Reer Mudug

 

6) Xisbiga Siigo iyo Sawaxan Diidka.  Waa xisbi isku taxalujiya ilaanlinta Bii'adda iyo qurxanaanta sabada iyo deegaanka.  Gudoomiye waxaa ka noqday ceesaan Reer Ceel Waaq ah, Xoghaye Guudna qaalin lo'ah oo Reer Cabduq Waaq ah.

 

Jamhuuriyada Federaaliga ee Xoolaha Soomaaliyeed madaxweyne waxaa ka noqday orgigii Hiiraan oo shan sano inuu madaxweyne ka noqdo loo doortay.   Xooluhu waxay samaysteen xukuumad ka kooban Ra'iisul Wasaare, iyo shan wasiir.  Ra'iisul Wasaare waxaa noqday oo loo doortay dibi ah Reer Badhan.  Waxaa la sameeyay wasiirada: Wasiirka dareenka iyo didmada, wasiirka sahanka iyo odoroska, wasiirka garnaqa iyo masaalaxada, wasiirka codka iyo ci dheerida, iyo wasiirka dhaqan iyo hiddo korinta.  Caasimad waxaa loosoo jeediyey meelaha kala ah:  Ceel Buur, Caynabo, Ceeri Gaabo, Cadaadleey, Bulaale, Baydhabo, Baraawe, Mudug, Qalaafo, Diin Soor, Garawe, Maxaas, Mandheera, Masago Waa, iyo meelo kale. 

 

Arintaas iyo samaynta dastuurka dawlada Jamhuuriyada Federaaliga ee Xoolaha Soomaaliyeed waxaa loo saaray guddi, caasimad ku meel gaadh ahna waxaa loo doortay Caynabo.  Xukuumadda la sameeyay waa xukuumad dhexe oo ka dhaxaysa Jamhuuriyadda Federaaliga ah, raysin walibana wuxuu lee yahay xukun hoosaadkiisa madaxa banaan.  Xoolaha shirkoodii saasuuku xidhmay, wayna uugaansadeen iyagoo shirkii khatimaya oo ku heesya:

 

  •  Urur kaliyi kheyr ma leh

  • Axsaab badani kheeyr ma leh

  • Albaab kaliyi kheyr m aleh

  • Irdo badani kheyr m aleh

  • Anaa idhidu kheyr maleh

  • Dood abidi kheyr ma leh

  • Kheyrul umuuri awsadhuhaa

  • Kheyrul umuuri awsadhuhaa

Shirkiina saasuu ku xidhmay.  Dhamaadka Shirweynaha Xoolaha Soomaaliyeed waa sidaas, bilowgii sheekaduna waa kan soo socda oo waa sidatan.

Bishii April 1983, iyadoo la qabanqaabinayo oo uu soo dhaw yahay shirweynihii Xidhiidhka Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed, gudoomiyihii xidhiidhka guud ee wakhtigaas oo uu xarunta Muqdihsu inta uu barqadii soo baxay raba inuu magaalada kormeer u aado ayaa waxaa isla soo taagay dameer xiiqsan oo wata warqad dacwa ah, oo ay ku qoran tahay:

 

  • Cirka oo xidigoley culays nagu xamaalaane

  • Xadhig dacay ah bay qowlalada nagu xanuujaane

  • Xuquuq waxaanu lee nahay cishaha nama xisaabshaane

  • Xadaafiir bacaadiyo cagtaan xanan ku jiidnaaye

  • Xaarxaaro kulul bay sartaba nagaga xuubshaane

  • Xakamiyo waxay nala dhacaan xaabo dhumuc weyne

  • Xakamahoona na sudhan baa...........................................

  • Iyagoo xashiimo buuxsaday na xujuraayaane

  • Marka dani na xagataa wadada nalagu xooraaye

  • Anagu xoogsataan nahay haddaan lays xistiyi hayne

  • Xayawaanku urur buu rabaa laan xidhiidh ka ahe

  • Shirweynaha xagaaga ah Miroow xaalkayaga eega

Gudoomiyuhu dacwadii wuxuu u wareejiyey Maxkamada Guud ee ku shaqo lahayd waaxda shuruucda iyo caddaalada.  Wuxuu yidhi:

 

  • Jabayoow xafiiskani dacwuu soo xawilayaaye??

  • Ma xamilayso saacadu inay sii xayirantaaye

  • Ruuxii garsoor loo xulaa waa xil qaro weyne

  • Nafna lama xaqiro Eebaheey xay kasoo dhigaye

  • Qudhaanjada xakiim ka ah Alla ku xusay aayaade

  • Adigiyo Xuseen daya sharciga xubinta qeexaysa

 

Gudigii waa kusoo warceliyeen gudoomiyihii oo waxay yidhaahdeen xeerka xidhiidhka guud kuma jiraan xoolaha shaqaalaha ahi ee waxaa ku jira dadka shaqaalaha ah kaliya.  Gudoomiyihii arintaa isagoo ka xun buu dameerkii gaadhsiiyey oo wuxuu yidhi:

 

  • Ninkiiyoow warkaan helay qalbigu way xantanayaaye

  • Xisigaa i sare joogsadiyo xaadda oogada e

  • Niyadaa i wada xoomaysiyo xuubka feedhaha e

  • In kastood dadaal xiiqdo oo dhab ugu xuurtooto

  • In kastood xaglaha daalisiyo xididaa maanka

  • Xag unbaa qabya ah goor walbaba xaal aduunyaade

  • Xoogsata sidaad uga mid tahay xeerkii laga waaye

  • Xayawaan shaqaala ah markii lama xusuusnayne

  • Wasaarada Xanaanada bal aad Xoolihiyo daaqa

Dameerkii halkaasuu ka faranfardeeyoo wuxuu sii dhigtay ilaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa.  Masuulkii halkaa ku qaabilay markii uu dhagaystay dacwadii dameerka uma garaabin dameerkii ee waa gawriyey oo wuxuu ku yidhi:

 

  • Xadhig dacayi wuxuu idin sudhnaa tan iyo xaataaye

  • Xadaaradaha yaa wada ogaa inaad xamaashaane

  • Xukunkii bulshada weeye iyo xaalkii soo jiraye

  • Xanaaqaaga yaan dumin karayn xeerkii gaamuraye

  • Xoogbaa hidihu leeyihiyo xidido dhaadheere

  • Xaqa laguma liiliijin karo xan iyo been sheege

  • Xoolaha kuwii kheyr qabaa xeraday joogaane

  • Waxa aad xaraar la ordaysaa duul xasaradeeye

  • Xusul-duubka waxa kuugu wacan xeelad la....

  • Mar hadaad xulquun haysatiyo xaabka iyo cawska

  • Asaanay xad dhaaf noqon wixii lagu xambaarsiiyey

  • Xirfadaada lama tuuro ee ku xasil oodaada

Dameerkii dadbuu waraystoo wuxuu yidhi halay tilmaamo xageen kale oon u dacwoodaa, waxaa la yidhi Rugta Ganacsiga tag iyaguna waxay ku shaqo leeyihiin shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha, shirar caalami ahna waa ka qeyb galaan sida shirka ILO - International Labour Organization- iyo kuwo kale.   Dameerkii wuxuu yimid Rugtii Ganacsiga.  Wuxuu la hadlay madaxdii, wuxuu yidhi:

 

  • Madaxyahay isu egeey garbaa loo Islaan yahaye

  • Anigoon afurin saaka waan soo aroor kacaye

  • Arintaydu waa hawlahaad u idmanaydeene

  • Waydinkaa shirkii ILO aadi sida taale

  • Arjigaygan qaadoo golaha idil dareensiiya

  • Ogeysiisna waa kanee ku rida meel abxadihiina

  • Amiir dawlad iyo maal badan oo laga amaah qaato

  • Iyo dhoodi u abaan  ahoo iibsha muruqiisa

  • Eebaba ma simin baad kolay uurka ka qabtaane

  • Sagaaradu astaan muuqatay awday leedahaye

  • Idinkuna xaqaan arkaynaad naga igdhaysaane

  • Aashiina hoosaasadiyo eexashada buuxda

Nin ka mid ah madaxdii goobtaas ayaa dameerkii u jawaabay oo yidhi:

  • Atoorkiyo arbaha geedamaa, kala awood roone

  • Ma asaasan karo aaro dibi, aarankan soo ciyeye

  • Orgi adhiga leeleeliyaa, awr ma tiigsado e

  • Iska daa umado baahay oo, ooda kala dheere

  • Uluuf wada ilma-adeer ah oo, aabir wada jooga

  • Ayaan ruux ruux uga ekayn, oogo iyo jaahe

  • Caqligana ku kala soocaniyo, madal odhaahdeede

  • Mataanaa aloos kala badshiyo, reer agaasimide

  • Ulo geed ka baxay baa midiba, ayni noqotaaye

  • Allahii abuuraa ka dhigay, uunka kala nooce

  • Isna wadajir baa aayo guud, ugu islaaxaaye

  • Waxba uma ebyoobaan qofkii, gaar u awdalane

  • Waa eeri buux dhiman waqii, aadmi danihiise

  • Waxa qaarba agab loogu diray, hays adeegsado e

  • Inba howl asbaabteeda yaa, lagu ilhaanshaaye

  • Isdaaweysigaa uga dan roon, kala irdhayntaase

  • Eraygii sinaantaad macnaha, ka anbinaysaane

  • Iinbaad qabtaaye war baas, uma asoosheene

  • Shirka ILO waxaa horyaal, amaro waaweyne

  • Ajo lagama gayo xaalkan, aad ooga leedahaye

  • Aarkii midayntaan xataa, la ogolaanayne

  • Afrikana dadkiibaa ku nool, dhaqankii aygiiye

  • Iidi iyo Bukaasaa raqdii, wali uraysaaye

  • Lama aasin Reer Jaad kuwii loo ajalay qooqe (Chad)

  • Waxaa Samore iibsaday dorraad, eheladiisiiye

  • Ancoma wuxuu soo halgamay oon la dalandoolye (Joshuua Nkomo)

  • Wiil magaca idil doorshay, baan ri u irmaanayne

  • Latin America dulmaa, laysku aayiraye

  • Dadka Reer Albania cadhuu, oofa buuxsamaye

  • Ireland ba laga waa xaqaad, adigu yaahdayne

  • Ingiriis Jidbaaliyo Gunburo, eedi lagu dhaafye

  • Af-Bakayle godobtuu ku galay, way abaajidaye

  • La ilowyey Beerdhiga ragguu, aabiga u dilaye

  • Aanadaa kuwii gudan lahaa, aarkii duudsiya e

  • Waa wada agoontii kuwaa, kaa dhibka orshaaye

  • Idiinbariyo waxay qaayibeen, beesha Oxford e (Edinburgh)

  • Sabarada Afghan iyo Mangol, Ifan ku caweeye

  • Aadmigii la kala qeybsayoo, lagu afduub xooge

  • Kurdigii axdhaha weyn lahaa, loxos ku aynfaadye

  • Sloofaaga iyo waa la tolay, Reer Uspakistan e (Slovakia, Uspakistan)

  • Arxan gacalkii samir kuwaa, elaladkoodiiye??

  • Argentina waa lagu huraa, ilaha Falkland e

  • Australia yaa badowdii tiil, la askug gooyaaye

  • Isticmaar hubaysani khalqiga, wada ugaadheeye

  • Halkii Ina Qitaal ceelalyiyo, sahanku ugaanye??

  • Ardaayadii Khaliijkiyo Basraa, olol ka qiiqaaye

  • Al-Cayn iyo Kuwait baan hurdada, aabyar loo ladine

  • Angola iyo dhawaan Mozambique, uubataa liqiye

  • Ay dalab la wada sheegto baan, laysku aaminine

  • Axdiyada la kala qaato baan, aakib noqonayne

  • Asaroorin socotaa haddana, lays odorosaaye

  • Qaanuun waxaa u soo irkada, kii itaal gaba e

  • Kuwa miciyo weyti ah wataa, ma ay ergoodaane

  • Amuur cararayaa muluca yuu, agaskii qaadaaye

  • England laaji ku ahaa sanado, idilo Diigoole (Charles de Gaulle)

  • Utuntiisii duul kale qabeen, saar Algeria e

  • Ilhaanadii la baday buu ka jaray, Obokh dadkeediiye

  • Boqorkii Amxaaradu wuxuu, anafo ceegaago

  • Asal baabul weyn iyo wuxuu, laydh ukumi sheegto

  • Eritrea wixii uu gondaha, alamsadoo ruugo

  • Ugaasyada Galbeed iyo wuxuu, Oromo qoorgooyo

  • Addis Ababa Faashiistihii, uga awaareeye

  • Anfariir didkii buurihii, alab ka seeraarye

  • Usbania jibraarbeera way, umal jaleecdaaye (Spain, Gibraltar)

  • Waa surin umuur culus leh iyo, meel ahmiyad weyne

  • Albaabkii bada cad weeye iyo, ooshinta u dhaw e

  • Abris baa bishimaha saaray, iyo aramidiisiiye

  • Uma oonsan karayaan inay, ibo salaaxdaane

  • Iyaguna Ifriiqiyada yey, ku adyadoodaane

  • Axmaqnimo markii ay dhurwaa, kaga ilmaysiisay

  • Dayo qeyro sax ah keentay oo, aragtay dawgiiye

  • Ilkaweynta qaataa la yidhi, Unada Fiitooye (UN, veto)

  • Awalkii bilowgiyo tan iyo aamanuu dunida

  • Urur uma turayn urur kaluu, aarmi dheer yahaye (army)

  • Eedaan shabeel kama naxiyo, aada xoolaha e

  • Baqalyuhu ugay daaqayuu, ubucda jeexaaye

  • Ugubidu aboodiga lalay, baqeed ka oydaaye

  • Ugxan hooyadeed maqantahaa, la anbanaayaaye

  • Cadli aan arlaa'iga dhulkaba, oolin how dudine

  • Ciddii guriga ku amaan heshaa, loo isxaan falaye

  • Iska aamus yaan lagula helin, eebo soo godane

Dameerku arintaa wuxuu u qaatay in loo dhahareeyey wuxuuna kaga jawaabay:

  • Allaa yidhi haddaan anigu idhi, waa af waa horre

  • Awowgey baruu talin jireey, eeday dunidiiye

  • Aqoon baa dajinayee xabaa, hayla aadina e

  • Iram iyo Tamuud baa ku lumay, waa islihidaase

  • Isirkooda koolkoolinbaa, rogay Israa'iile

  • Angolosaksaan kibirkii bay, eersataa Yurube (Anglo-Saxon)

  • Iskaa wax u qabsaa dawladnimo, lagu asaasaaye

  • Abtirsiinyo ma ahee fahmaa, lagu asoolaaye

  • Ilmo-adeer waxaa kuugu roon, keni-edaygaase

  • Hitler aabo kuma tiirsanayn, eel wuxuu dhigaye

  • Ustuqraadiga Italy ee oday iyo, heyb sheegtay

  • Amlay Muusaliini sitaa, urugo leefsiiyey (Benito Mussolini)

  • Ashraaf sheegad kuma deyn Xuseen, Al-Sucuudiguye

  • Iliilaha Najdey soo marsheen, ciidan aad u hayne

  • Islaweynidii Reer Xijaas, way af-gudiyeene

  • Ayaan maherkii Iran sidii, aaranka u loogay

  • Asia ba boqortooyadii, saartay amankaaga

  • Iyadaba asgari geesiyaa, taagay udubkiiye

  • Sayidkii akhwaan ihi dadkuu, soo abaabulaye

  • Isticmaalyey aayadaha higliyo, alif diineede

  • Dabadeed markii uu il helay, niman asqaysiiye

  • Keenadiid Hobyo usoo arhumay, doono meel ugube

  • Anbar keen markii Mudug noqdiyo, ilanka Doolloodba

  • Ayaamuhu madaayaan nin ee, aakhiro u guurye

  • Waayeel ishaarooyinbaa, loo iftimiyaaye

  • Axadiyo Isniintaynu dood, furan Inshaalaaye

  • Iminkana ikhyaareey xisbigaan, aaday xaruntiisa

Nin meesha ka dhawaa oo loo qaatay inuu is maqashiinayey madaxda rugta oo af-miinshaaraynayey ayaa dameerkii af-lagaadeeyay oo ku yidhi hadalkan:

  • Asluubtiyo anshaxaa kaa xun iyo, edebta baalkeede

  • Wax asuulka aan baranin oo, oodan baa tahaye

  • In dameerku ubad xaasid yahay, sheege awyaduye

  • Nin awoowe soo talin jiriyo, aabe sare yeeshay

  • Sow adeeradii ma ay ahayn, guurti la amaano

  • Sow kuma ag korin rag aan, dirir kasoo ooyin

  • Ayeeyooyinkiisii hidiyo, sow dun la eexin

  • Sow ila-xidh lama seexinin iyo, aqalo hoos weyn leh

  • Sow aduunka wixii ay jantaan, lama adiibaynin

  • Sow yarad gamaan orod leh iyo, eyro lama dhiibin

  • Sow gobbaa xurmada oofisee, aalad lama raacin

  • Abtiyaaladii sow ma ridin, duciyo aamiinta

  • Sow Muxubo kuma soo anqaran, farax ku iidaaman

  • Aayooyinkii sow tafaha udug, ma daacaynin

  • Sow eedadii kuma ga'm ayn, uunsi iyo jaawi

  • Sow abaabintii gacalo hees, uma olkaynaynin

  • Ayaan badane sow kuma lahayn, ubaxa baarkiisa

  • Ilwaad quruxsanoow luuqda sow, ma istareexaynin

  • Midkaas dunidu may eedin, oo waa asalidiiye

  • Arad iyo midkii hooyadii, heerin ku aabaaday

  • Oo ay areebada ahayd, idifsan oo luun leh

  • Oo ooda geed muday markay, araxda raacaysay

  • Oo aan ideed bogon marnaba, doog iyo abaar san

  • Oo odaygu dakharayn jiray, eeday dunidiiye

  • Abwaaniinta aad tirisay ee, laga ashaatoobay

  • Abtirsiinyo yey hililisheen, ololohoodiiye

  • Taariikh axmaqu moog yaheey, ku intifaaceene

  • Araarahaad sabbaysaye ma aad, eegin nuxudhkiye

  • Aawiidii Nabi Luudhna sow, maad akhriyin Huude

  • Iridkaaga doob qeybin baan, kugu alhuumayne

Dameerkii baa u jawaabay ninkaa loo qaatay inuu af-miinshaaraynayey oo madaxda is maqashiinayey.  Wuxuu yidhi dameekii:

  • Suqraadkii atiin iyo naflaba ka asqaraarsiiyey (Socrates, Athens)

  • Aristo iyo Aristotle iyo, niman Aflaaduun leh (Aristotle)

  • Arday waxay dareersheen kuwii, galay iskuulkooda

  • Inishtaan Isxaaq Luudsan iyo, Oskar iyo Luuda???

  • Ibnu-Siinihii qoray shifada, iyo Abii-Xaamud

  • Ifka korotada inoo balbalada, Abison kii keenay

  • Galiiliyo iyo Arikoori iyo, daanti Arigeri (Galileo Galilei)

  • Aduunyada is-korisbaa wax taray, oo abaal ku lehe

  • Ablaxyahoow gunada doonayaa, ma lihid iimaane

  • Eygaba lafbaa loo dhigaa, edeg duleedkiise

  • Markaasuu ilaalada xajaa, owda badiyaaye

  • Isagaad akhlaaqdiyo dabciga, ka ashbahaysaaye

  • Adoomahakan iil sugahayee, magan Ilaahay ah

  • Alla dooriyahow goojadaad, ula amaaraysid

  • Ma anfaca doon iyo barqaa, kugu ijbaaraaya

Ninku sidii markii horreba uu ugu baanay ee uu ugu hanjabay dameerkii qaydin buu la dhacay.  Dameerkii oo xanaftii qaba yaa isagoo iridda kasii baxaya dib usoo jelleecay ninkii oo wuxuu kusoo tuuray hadalkan.  Wuxuu yidhi:

  • Ilayskaa shamsada daal u dhimay, kii inkirayaaye

  • Afar-iyo-tobanaadkaa harraad, kii anfiyayaaye

  • Badda lama asliyo moolka weyn, ee Atlantika ee

  • Afkaar laguma caabiyo budhkaad, kula abraartaane

  • Agnaan lama noqdee qodob, ra'yaa lagu asiibaaye

  • Maxaad iga alwaaxayn xaq baan, ku adimaayaaye

Dameerku xanaftii iyo baqo-cararkii wuxuu ku tagay Xarunta Xisbiga oo markaa ahayd Guriga Ummadda.  Ninkii soo dhawayn joogay ayuu dacwadiisii u qaddimay oo wuxuu yidhi:

  • Daahiroow addimo daalka, waa udulubaayaaye

  • Axadka i rartee baas warkii, diid idaacada e

  • Ashtakadaydan gaadhsii walaal, meesha ku abaaran

Daahir wuxuu telefoon u diray gudoomiyihii Hogaanka Shuruucda iyo Caddaalada ee wakhtigaas.  Wuxuu yidhi Jaalle Gudoomiye waxaa iridda kuu taagan dameer mudici ah oo cabanaya oo sheeganaya inuu dulman yahay.  Gudoomiyihii wuxuu yidhi oo kusoo jawaabay:

  • Aga Daahiroow sow tan ay, dunidu aafowday

  • Awowgii la naar howsha, waa loo abtiriyaaye

  • Eegadatan garsoorka u dir, oo ani ha ii keenin

Dameerkii markii fariintii la soo gaadhsiiyey wuxuu u dhaqaaqay oo u jahaystay meeshii loogu tilmaamay Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka.  Wuxuu hoos uga daadagay wadadaas Jamaal Cabdi Naasir.  Markii uu marayey Taalada Dhagaxtuur hareerteeda yuu il-qoodhka wuxuu ka arkay ubaxa halkaas ku yaala.  Ilaa saakuu boqoole iyo dacwad ahaayee, wuu ku leexday oo laanbuu rudhay ubax ah. 

 

Waxaa qabtay oo isku duubay asgari ka tirsan Deegaanka Muqdishu.  Wuu kaxeeyoo wuxuu geeyay xero ay ku xaraysan yihiin xoolo kale oo fara badan oo meerisyaal kala duwan ah oo iyaguna sidiisaas oo kale danbi ka galay Dawlada Hoose ee Muqdishu oo ka kooban ... riyo, ido, nooc yadii xoolaha oo dhan.  Markii dameerkii xerada lasoo galiyey, ayaa asgarigii waday waxaa isku taagay oo isku liqdaaray orgi cad oo dheer oo ka mid ah xoolihii xerada ku jiray markiisii horana laga keenay gobolka Hiiraan dhinaca Maxaas.  Asgarigii buu hadalkan kulul u jeediyoo wuxuu yidhi:

 

 

Eeg qeybta 2aad (II)

 

F.G. Magacyada ajnabigi ah inaan soo wada qorno ayaan isku dayi doonaa

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.