|
Xilligii uu ka talinayey
gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, wuxuu Ingiriisku caadaystayinuu
difaaco qabaa'ilada taageersan gumaysigiisa aan lana
dagaalansanayn kana diiraynin darxumada uu ku hayo geyiga
Soomaaliyeed. Qabaa'iladaa iyaga ah ee taageerada ugu weyn
ka heli jiray Ingiriiska waxaa hormuud ka ahaa Isaaq oo mar
walba ku lamaansanaa Ingiriiska collaad weyna u hayey
Daraawiista iyo Jihaadkii muqadaska ahaa ee gumaysi diidka ahaa
ee uu hor kacayey Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Haddaba xilli xilliyaddaa
ku aadan ayaa ciidan Ogaadeen ahi Isaaq geel kasoo qaaday.
Geelii ayaa waxaa raacdo ahaan uga daba yimid ciidan Isaaq iyo
Ingiriis isagu jira. Ogaadeenkii geela soo dhacay iyo
ciidankii Isaaq iyo Ingiriis ayaa is helay, dabadeed waxaa
marada loo taagay oo si xun loo jaray Isaaq iyo Ingiriiskii
watay. Intaasi markay sidaa u dhacday ayaa waxaa arintaa
ka faa'iidaystay Camanje oo ahaa abwaan ammaanduule u ahaa
Abasguul oo geel badan isna kasoo mooro-duugay Isaaq.
Haddaba wuxuu Ingiriisku eeda laba geel ee la dhacay iyo raggii
Isaaq ka lee'dayba dusha ka saaray Ogaadeen. Waxaa la
yidhi rag badan oo odayaal ahaa oo magac dheeraa ayaa ku jiray
dadkii dagaalkaa ku qudhbeelay, sidaad gabaygaba ku arki doonto.
Camanje ayaa mar kale arintaa ka faa'iidaystay oo si uu geelii
uu soo dhacayna u xalaalaysto eeda Ingiriiska iyo dhibaatada ka
dhalan doontana uu Abasguul uga badbaadiyo tiriyey gabay aan
haatan ka hayno:
- Nimanyahow Ogaadeen dhulkaad, aaho
galiseene
- Afartii Absame dhalayna, waad ugu
adkaateene
- Iidoora waa kaad jarteen, odayadiisiiye
- Askartiina waa kaad wadheen, meel awaare
ah
- Asaxaabihii iyo kolay, awliyadu maali
- Dagaal kalama ooshaan kobtaad, geel ku
aragtaane
-
......................................................................................
Soo dhamaystir haddii aad
hayso inta maqan...
Siddii uu rabay Camanje ayey noqotay oo Ingiriisku Ogaadeen ayuu ku eedeeyay
wax walba oo dhacay ilaa ugu dambayntii uu ka qabtay shirkii caanka ahaa ee la
baxay Ashahaado Weyne ee Ogaadeen iyo Isaaq lagu kala saarayey ee ka dhacay
magaalada Awaare. Shirkan waxaa kasoo qeyb galay qabiil walba oo
Soomaaliyeed oo degaanka Ingiriisku gumaysanayey ku noolaa si ay goob joogna
uga noqdaan maslaxadana uga qeyb qaataan. Abwaanidii caanka ahaa ee
shirka lagu casuumay waxaa ka mid ahaa Abwaan Maxamed Cumar Dage. Wuxuu
Maxamed goobtii shirkaa ka tiriyey gabaygii la baxay
Mashaqo Weyn. Riix ishaardan
haddii aad xiisaynayso inaad aragto gabaygaa.
Waxaa tixda gabayga ah iyo taariikhda
qaarkeed ku deeqay Deeq Sayid Kaariye. Mahadsanid saaxiib.
|