Home

Ashahaado Weyne

                                                  Camanje

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gumaysigii Ingiriisku wuxuu abuuray qabaa'il Soomaaliyeed oo naasix u ah oo uu u bixiyey Britsih Somaliland Tribes kuwaas oo uu ka heli jiray cudud ciidan iyo mid siyaasadeedba.  Ogolaanshaha qabaa'iladaasi ay ogollaayeen in Ingiriis dhulka Soomaaliyeed joogo waxay u muuqatay mid uu u qaatay inay u xalaalaynayso gumaysiga Soomaalida.  Ciidan uu kasoo uruuriyey qabiilooyinkaa oo uu u bixiyey Rayad ayuu iska xijin jiray xabbadda Daraawiish, kolkii Daraawiishi socotayna wuxuu qoysaskaa u adeegsaday kicin fidno qabali ah oo Soomaali dhexdeed ah.  

Burburkii Daraawiish ka dib ayey jilibyo Absame ahi geel kasoo qaadeen kuwo Isaaq ah.  Geelii ayaa waxaa raacdo ahaan uga daba yimid ciidan Isaaq iyo Ingiriis isagu jira.  Absamihii geela soo dhacay iyo ciidankii Isaaq iyo Ingiriis ayaa is helay, dabadeed waxaa geelii ku adkaaday nimankii soo dhacay.  Camanje oo ahaa gabayaa caan ah raggii geelaa u hawlgalayna ku jiray ayaa gabay ay ka muuqato xariifnimo mariyey.  Isagoo doonaya inuu eedda ka duwo Abasguul una duwo dhinaca Ogaadeen si Ingiriis wixii xaraash iyo ganaax ah ee dirirtan iyo geela lasoo qaadayba ka dhasha uu dusha uga saaro Ogaadeen ayuu mariyey tix ay naga soo gaadhay meerisyadan hoose oo qudha, aanse hubo inay intan ka dheerayd.  Wuxuu yidhi:

  • Nimanyahow Ogaadeen dhulkaad aaho galiseene
  • Afartii Absame dhalayna waad ugu adkaateene
  • Iidoora waa kaad jarteen odayadiisiiye
  • Askartiina waa kaad wadheen meel awaare ah
  • Asaxaabihii iyo kol ay awliyadu maali
  • Dagaal kalama ooshaan kobtaad geel ku aragtaane
  • ...

Gabayga inta maqan ma haysaa?

Sidaad gabayga ka arkaysid, rag odayaal ah oo magac ku lahaa degaankaa oo Isaaq ah ayaa dirirtaa lagu laayey.  Camanje hadafkiisii wuu ku guulaystay oo geelii uu dhacayna wuu la hoyday eedii Ingiriis iyo dhibaatadii ka dhalatayna Abasguul wuu ka badbaadiyey. 

Wixii daano halkaa ka dhacday Ingiriis wuxuu ku eedeeyey Ogaadeen, wuxuuna qabtay shirkii caanka ahaa ee la baxay Ashahaado Weyne ee Ogaadeen iyo Isaaq lagu kala saarayey ee ka dhacay ceelka Awaare.  Shirkan waxaa kasoo qeyb galay qabiil walba oo Soomaaliyeed oo degaanka Ingiriisku gumaysanayey ku noolaa si ay goobjoog uga noqdaan maslaxadana uga qayb qaataan.  Abwaanidii caanka ahaa ee shirka lagu casuumay waxaa ka mid ahaa Maxamed Cumar Dage.  Wuxuu Maxamed goobtii shirkaa ka tiriyey gabaygii la baxay Mashaqo Weyn.   Riix ishaardan haddii aad xiisaynayso inaad aragto gabaygaa.

Waxaa tixda gabayga ah iyo taariikhdaba ku deeqay Deeq Sayid Kaariye. 
 

 

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.