The largest
online collection of Somali poetry

Deyl Yogol ayaa gabay aan tixahan hoose ka hayno
tiriyey isagoo ku diganaya Isaaq oo dagaalo is daba joog ahaa Absame
ku jabiyey. Wuxuu gabayga si gooni ah u maqashiinayey Ismaaxiil
Xayd Af-law. Wuxuu yidhi Deyl:
-
Ismaaciil Xayoow laba hal oon,
xalay ku taawooday
-
Waagaad xaggiinnaa u kici,
xaraf aan kuu sheego
-
Xubbina iiga qaad taydu waa,
sida xariireede
-
Sow kama xog-haysaan kuwii,
xuurta la cunsiiyey
-
Sow kama xog haysaan kuwii,
Xaraf u daaduumay
-
Sow kama xog haysaan kuwii,
faras xabbaadhaayey
-
Seeddoow haddaan lays xasteyn,
xoon gobbaan nahaye
-
Anagaase libintii xignee,
xuuxda naga daaya
-
...
Ismaaciil Xayd Af-law way la
ahaan weyday inuu is dharriijiyo oo uu mindi-mindi ku taag meesha
lasoo istaago. Wuxuu door biday inuu qirto jabka tolkii soo
gaadhay una garaabo Deyl. Wuxuu yidhi:
-
Deyloow wanaagsane haddaan, weedh yar kuu celiyo
-
Inta gabayga waadhoolisaan, waaridkeed ahaye
-
Waxoogaa yar lama laaqiyee, waan warwariyaaye
-
-
Anigu weedha waan daalacdaa, sida wadaadaaye
-
War biyo leh sideed dadkuba, uga wiyeertaaye
-
Waanjuu haddii Ceel la daro, wiig ma madhiyeene
-
-
Waraabuu hadduu neef la dhaco, waa winjiiriyiye
-
Waxna ma taro dharaartay xabbadi, daba warraaqdaaye
-
Wadartii la jaray Ciidagale, laguma weydiinne
-
-
Halihii wadeecada ku galay, laguma weydiinne
-
Nimankii Amxaaruhu wanjalay, laguma weydiinne
-
Habrahaydun waajuuciseen, laguma weydiinne
-
-
Kolkii Reer Wacays lagu wab yidhi, waaga berigiisa
-
Iyaba waa walaalkiin haddaad, u welweleysaane
-
Waasaca Bullaale iyo halkiyo, waraqa Hooyaale
-
-
Weelkooda reerihi la qubay, Alla miyaa weertay
-
Wedkiinuba qariib inuu yahaann kuu warramayaaye
-
Wadaadadan gaboobiyo hablahan, waa walbaba ooyi
-
-
Haddaan wariiddadoodii la layn, ma aanay weerteene
-
Waab-Cawska naagaha gala, ma iyagaa waalan
-
Mise idinka wiilkii la dilo, waxar yar baa dhaama
-
-
Waleensina u guura oo ritiga, weelka lagu qaadye
-
Waabayda kuu qooshan iyo, waxa laguu doonay
-
Waxyar i dhawr waraaqbaa la diri, wiiggan dabadeede
|