Home

Digasho

                                                              Macallin Dhoodaan

 

 

 
Digasho wuxuu Macallinku tiriyey dabayaaqadii 1977kii.  Dawladii Soomaaliya markii ay si buuxda dagaalkii u dhexeeyey Soomaalida iyo Itoobiya usoo gashay isla markaa ay inkirtay inay dagaalka ku jirto ama ciidamadeedu si toos ah uga dagaalamayaan Gobolka Soomaali Galbeed (Ogaadeenya) ayuu wuxuu Dhoodaan is yidhi hadda ay dawladdii Xamar taladaadii qaadatay ugu yaraan sida ay muujinayso.  Kolkaa ayaa isaga aad ugu faraxsan sawirka Soomaaliya bixinayso Xabashidan ku diganaya wuxuu yidhi:
  • Wixii daalo dhaaf badan yaqaan, amase doolaalo

  • Kolkuu dabar go'aa way dhawdahay, ee la dumiyaaye

  • Isticmaarka geeridii dishaa, waa damaaciga e

  • Amxaaradii wax badan daanyada iyo, nabadda diidaysay

  • Darandoorigiyo weerarkaan, dhab u dabaalsiinay

  • Xabbadihii sidii roob ku da'ay, ugu darooraayey

  • Duloow hoose middaan ugu ridnay, ee ololka daacaysay

  • Dab markaan liqsiinay ee cadaab, daamanka u galinay

  • Uma daxandaxayno ee kolkaan, gowrac kala daallay

  • Ha la dooxo mooyee kolkay, diir u naxa weyday

  • Amxaaradii dabuurtiyo ahayd, gaalo dabaqleyda

  • Dafuufane wataa laga dhigay iyo, meyd dibiro weyne

  • Allay lehe nabsigay darariyeen, waw danbariyeene

  • Baggaa dhiig xun laga daadiyey, oo la dafirayaaye

  • Dab cadaab ah lagu jiifiyoo, shiil la daba qaadye

  • Dameeraha cidoodoo kale iyo, nolosha daanyeerka

  • Daqsi iyo haddii xoor duburi, eyna lagu daabo

  • Dabeecada ibleys waalan iyo, garasho daanyeera

  • Haddii shayba shay lagu daroo, laysku wada daabo

  • Intaasoo jid lagu daabacayoo, diin qalbigii taala

  • Xabashida dubaaqeedu saa, kama dunnaadeene

  • Waa waxaa Ilaahay dilay een, diintuna anficine

  • Een xeerka aadmiga dabriyo, qodob dabaalayne

  • Ummadaha waxay kaga durkeen, sidaa daraadeede

  • Afrikana duqay waanisa oo, diiran laga waaye

  • Oday xumaha daanyeyn kariyo, daacad baan jirine

  • Doqonta aan dulmiga baaji nidhi, wayba noo dudiye

  • Laba dirirtay waa duuf inay, kala daweeyaane

  • Daanyadooda waanu iska dayn, doofillada baase

  • Inaanse dayanno waa dacatiyee, diirmadoobidiye

  • Afrikadan dayacan kii la daga, ama la daaweysta

  • Ee daris walaalnimo ka suga, wuu dib-jirayaaye

  • Jabhadse loo diryaa iyo madfaca, lagu duqeeyaaba

  • Diintii Rasuulkiyo sharcigu, nala dabaalaaba (scw)

  • Diirdiiranaan loo dhashiyo, duca ku laynaaba

  • In kastooy durbaanka u tumaan, daalinkiyo tuuggu

  • Annagaa kasoo deldelan, waxay ku diiqaane

  • Allaba waa dawacii Kastaro iyo, Ruushka dawdaraye

  • Hadday dunida oo dhan u tidhaa, sharacalee daaya

  • Xaqaygii daboolaa anigoon, diirka ka cadaynin

  • Dagaal jooja waa nagu danbiye, ciddina yey daalin

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed |M.C. Dage |Qamaan |M.C. Beenaleey |Raage Ugaas |Kaadheeri |Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.