Home

Qodob

                                                                              Dhoodaan

 

 

 
  • Qarnigaa badalay maansadii qaliga ahayde

  • Qaaraamiga iyo heesay wakhtiga uga qushuucaane

  • Ka qulquliya geeraarka aad looma qaayibo e

  • Inta gabay qofkii marin lahaa qiimo jabinaayo

  • Quful inaan ku gooyaaba roon qoomamuu taraye

  • Inkastoon sidaa uga qashdhacay oo qalbigu diiday

  • Oo gabay qallayf saa u yahay amuu qadhaadhaaday

  • Aan iskaga qutubo haatan way igu qodeeyeene

  • Dhawr qodon anoon kaa qarin kuuna wada qeexin

  • Qurqurkaa duleed xubin intaan sidii quraar faago

  • Middeedii aan qaataba haddaan laba usii qaybsho

  • Qabya-tiridda faaladu siddeed way u qalantaaye

  • Qudduuc fiina guuguulihiyo qodoto dhawdhawley

  • Qudha fuusha guumaysta iyo qaar kaloo jiraba

  • Shinbiraha badh qoodaar leh baan qumay ku sheegnaaye

  • Waxay qaalibkooduna ciyaan goor qaboono ahe

  • Baalaleey codkeed qalisay baad qoof ka dhigataane

  • Qarfa-duusha yeedhaba sidaa loo qaddarinaayo

  • Waa quduro inaan loo quweyn qawlka aadmiga e

  • Tan qufay ee tu kale hoo qudhqudhi qodobna waa kaase

  • Dadkanaga markii ay qashaye qaarba dhan u goysay

  • Kuwanaga qaldamay baan ku idhi qodob intaan sheegay

  • Haddii nacab walaalkaa qabtoo qaylo kaga yeedhsho

  • Qool weyn haddii lala dhacoo qaarta lagu boobo

  • Qablankiyo catowgiyo haddaad qawda sii maqasho

  • War quud raadso mooyee haddaad qamandhacoon weydo

  • Markii ay qudh-goyso ee dishee qawrac ugu jiiddo

  • Qormadii uu taagnaa hadday bawd qalaal noqoto

  • Qudhaadu kolkii ay soo hadho oo madi ahoo qaawan

  • Qunyar buu awoodaa inuu qoorta kaa jaro e

  • Tan qufay ee tu kale hoo qudhqudhi qodobna waa kaas

  • Qorrofyada markii lagu jiriyo qarandi buulkeeda

  • Qunbe subag ah waan heli karriyo qaab dhite ahaaye

  • Qabaal xuukiyaan buuxsannoo taa qarka u yaale

  • Qalwaan ramadkana u seexiniyo qaadhkii naylaha e

  • Qadhoon baan dudada tiirsaniyo geed quwaax adage

  • Qansax lama mar ahaan degniyo hawd qar oodan ahe

  • War qooq iyo hurdada dheer intaan qaalmo rogonaynay

  • Gaajadii qunkeed xoogsatay ee qirada weynaatay

  • Dhulkeenii qoslaayey liqdiyo quruxda waagaase

  • Qanjidh iyo qanjaafuro liqdiyo seed qawaawir ahe

  • Badhkeen qanac hayeeshee dadaan quusan baa jira e

  • War quruxdeena kii daydayuu qaxar ka haystaaye

  • Tan qufay ee tu kale hoo qudhqudhi qodobna waa kaas

  • Soomaaliya iyaba waa u qaraac qoloba teediiye

  • Dad ma quusato ah baa yidhaa quud ka daydaya e

  • Ragse hadduu qulqulad kaa badshoo quudhsi kugu raago

  • Qardabiyo xumaatiyo haddii qadaf laguu gaysto

  • Qandhuufada yaryari boogahay qolofta kuu yeeshay

  • Kuma wada qalaadeen haddaad mar is qaniintaane

  • Qiyaastaa anoo kuu maray oo qodobna kuu sheegay

  • Qofkii raba wanaagoow waxaad qabato aan dhawro

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.