Home

Maxamed Nuur Fadal

                                                                             Abaal Dhac

Waa lagu dhintaa geel...
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Ladnaantiyo nimcadu uunka way wada luggoyaane
Lixdan anigoo jira tashiga laydha iga raacye
Iminkaan ladhkiisii hurdada led iska waayaaye

Nimankaan lo'daydii casayd laanta ugu duugey
Nimankaan dukaamada lukiyan laba laba u siiyey
Wax la liqiyo xoolaba ragaan uga laxaad yeelay

Ee lacagta jeebka ugu guray lohonlohii caydha
Hadday aniga leebkiyo warmaha ii lisanayaane
Ma liibaanihii Diiriyaa loox u daabacaye

Waxba nimaan lilleyneynin bay luuqadi raaceene
Waatay laciinkii maqleen laababka lahaaye
Lafayariyo Caaraan wixii ku lumiyey i deyneyne

Kal laxiina baan leeyihiyo laabta xuunshadae
Laxawsiga xigtada lay geshiyo limibsigaan eegay
Waa waxu rag igu laacayaa laxam dhaqaaqaaye

Markuu sidii lubiga qaawanaa ee leylka soconaayey
Eed luqufka qoodhaha dameer lulaya moodeysey
Haddii aan lingaxo oon qalbiga lahashada u diido
Oo aanan luunkaba ka rogin lur ima gaadheene
Inkastooy ladaadyada baruur laqanyo daacayso
Leg ninkii siiyey bay dishaa liidda doqoneede

Wax Laasima nin liitiyo haween laaxinkood badaye
Libgad iyo abaalxumona waa 'law' u gooniyahe
Afar, labo, lix goor buu sidaa iiga loogsadaye

Mar uun igama liibansannee way ladaabsadaye
Haddaan maalintii hore lurriyo lur ima gaadheene
Alla labiyo-toban jeer miyay liidnimo i raacday
 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.