Home

Maxamed Cumar Dage

                                                             Ogaadeen

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Gabayadii Maxamed Cumar Dage ee Guba 2:

XI

Gabaygii 1aad

  • Waayahanba dacniyay maansaduu, dahabku saaraaye
  • Dudunkaan u rogoy dhowr zabaan, yuu ku daayimaye
  • Xalunbaa dabuubta iyo himsigu, wax igu daareene
  • Abtirsiimo waa dacar jinnoo, waan danqanayaaye
  • Dalkii nimanka tagayoo fariin, dowga qabadsiiya
  • Dadka kale ha joogee warkaa, Cali dareensiiya
  • Deelqaafku waa ba’an yahee, daacad ugu sheega
  • Doqonkii laguubaabin jiray, dib u guhaadow dhe
  • Ogaadeen Danood iyo Dig iyo, durugsay ceelkii dhe
  • Iidoor dalaalsimo kawaa, Doolo iyo Ciid dhe
  • Daratoole iyo Faafan baa, daakhilkii yahay dhe
  • Deegaanta Iligeedne waa, dagal Makaahiil dhe
  • Deris nimaan kujooginina waa, daaqi Xodayood dhe
  • Daahyaale loo aar colkaad, nagu dankayseen dhe
  • Dagaagoodu waa kuu tubnaa, daarihii Herer dhe
  • Haddaan gaalku noo dilin lsaaq, Deleb ma maaleen dhe
  • Majeerteen dagaalkii dhawayd, duni u siigee dhe
  • Daandaansigii Reer-Islaan, Sacad u daaduun due
  • Nin dakano ka haystooy arkaan, Sadde ma daayaan dhe
  • Daaroodka kale waa hayaa, ficil dagaalkiiye
  • Dacashii Garaad Faarax baa, daad kasoo galaye
  • Darxurmoode nimankii fadhiyay, darar Nugaaleed e
  • Demeni iyo baqdini waa miday, dir u lahaayeene
  • Duligaad Dhulbahantoow qabtaan, doyna laga sheeg dhe
  • Goortay shamsadu duuganto eey, dan u madoobaato
  • Dam haday tidhaahd goroyadaan, daaq u noqonayne
  • Wax Ia da’ah dunjiga Aadan Hagar, duq iyo waayeelba
  • Kobtii Xaajigii lagu dag dhabay, kama danbeeyaane
  • Arliguu dangiigo u ahaa, laga dabayloowye
  • Siddii xoon laxdiisii dunteey, ugu dul meeraane
  • Isagu Aakhiruu dagay Ilaah, deeqii how furo e
  • Maxilaha dumaasha u hadhay, dacari haysaaye
  • Danqan maayo reer Faarixii, damaca waalaaye
  • Axmed Cigana duugow haddaan, lagu danbaabayne
  • Daynkoodu Habaryoonis waa, lagama doontaane
  • Dabcigii xumaa iyo lawaa, daalunimadiiye
  • Qoomkii Ilaah dooriyaa, diiranaan malehe
  • Ararsarne dagaal kumajiroo, daacad dhiib noqoye
  • Cali-Gerina ka duugow dil, iyo laayaan dheh
  • Kuwii danabyadoodii lajaray, dakhar ma gaystaane
  • Doolaabta naagaha xidhiyo, duub caddiyo weerka
  • Agoomaha ilmada duugayiyo, dumarka booyaaya
  • Kama diilalyoodaan kuway, duray wadaageene
  • Dabka iyo Magliga waa hayaan, Ia isku dooxaaye
  • Hadday faro wax daawayn, duul dhan baa hadhaye
  • Ma dad yare e Eebow xukmiyay, in ay duloobaane
  • Allaa dilay nimaan diin lahayn, oo dariiqo ahe
  • Door soocadkii Muusayoow, yuu ku daayimaye
  • Ku dikada dilkii ina Cameey, Daayin baa jira e
  • Dilka kama jalaadeen haday, dirir ku quustaane
  • Dulligeey ka raaliga noqdeen, ileen lalama doonayn e
  • Niman aarahoodii qabiyo qabiil, dagan ma waayeene
  • Odayaal mushaar loo dalbiyo, kheyrki baa dihine
  • Dab ninka oo shida miyaa, duulka laga waayey.

XII

Gabaygii 2aad:

 

  • Ha’da maanso hooyaale gabay, halalka geeraar ah
  • In dhawayd Habane Faaraxoow, iguma howlayne
  • Huqdi wax igu reebaan arkoo, waan hinganayaaye
  • Haaraanka Cali Aadankii, nagu hifaateeyay
  • Halaagii ku dhacay Reer Barwaaq, holacii loogaystay
  • Kuwa hilinka bari qaadayoow, hal iga gaadhsiiya
  • Ragaad hurisay hiidii madayn, haatan ka horow dheh
  • Isaaq waxaan ladaba heetinaa, hiija godobeed ba
  • Anigoo hamuun qaba waxaan, halowda dhowrtaa ba
  • La hubsaday hogaankii nabsigu, hiil usoo waday dhe
  • Ogaadeen xaqii laga hayiyo, saa'id buu helay dhe
  • Hurre wuxuu ganbiyey hayb dhanoon, hali u foofayn dheh
  • Togga Hulan Hundaha Ceeliseed, Harada Gaaroodi
  • Haaruun Maxaadaar kobtuu, halab ku maalaayey
  •  Hogga Dibuxul huusada Bankiyo, Halelle3 meeshiisa
  • Heeshiga Wardheer iyo Danood, Harasan guudkeeda
  • Gabogabo kobaan lagu hantiyin, heelki laga waaye
  • Hootiyo waxaa lagu hanbaday, dhagixii Haaroode
  • Kuwii dalagga lagu hiifayaa, heema saanyadaye
  • Hiyigii ku beenow intay, ugu hawoodeene dheh
  • Waatay Barbara haybsadeen, habaqlahoodiiye
  • Idinkaa dalkiinii u huray, Habar Xabuusheede
  • Hanba raacin mooyee horaad, uga hagaagteene
  • Hollin weyde wayde heelkii Badweyn, Haradii Ceel Dhaabe
  • Ka huleeshe howdkii sariyo, haatan Caynaba’e
  • Ninaan Habarjecliyo Muusayoow, ugu hoyaadaynin
  • Inuu dhoodi hoos ugu dhacaa, haniyo weeyaane
  • Garaad Faarax goortay haseen, haatan ma ahayne
  • Nimaankii Nugaalba hantiyey, ee horinna loo waayey
  • lyagoon u howl karin kuwii, habacsadee qaatay
  • Maanteey halqooqii dileen, Hagar u noolaaye
  • Hab wanaagasanow Ina-Cameey, halanqihii moode
  • Haad iyo waraabaa calfaday, halaskii dheeraaye
  • Waxaa haanka loo jaray inaan, hali u diidayne
  • Raggu kala hanaan quruxsan oo, haybad kala roone
  • Haldhaa kacay lamoodyoow markuu, hab u taxaashaayo
  • Haashaarka laafyaha markuu, hagac kasiinaayo
  • Hanqalkiyo hareedkiyo gadhkiyo, qodanka hoomaalka
  • Iyo horin karoonoow ninkaan, giimo lagu haysan
  • Haq waxaan idhaahdaa markay, igu hanqaaraane
  • Hab hadday martidu soo tidhaa, heelka gurigiisa
  • Hilbo loo qalyaa iyo xumbada, halab la siiyaaba
  • Anfacda markii loo hogbado, huri ogaantiisa
  • Had iyo jeer fagaaraha markii, la hindisoonaayo
  • Halka geed fagaaraha markii, loo hogbado baane
  • Nin xun baa wax hamayaaqiyoo, haadiyoo dile e
  • Arinkii qabiilku u hugmaan, heli ogaantiisa
  • Hindisaha kabdhoodka ah markii, la hanjaboonaayo
  • Meeshii jalbeeb lagu hayeen, had iyo khoof joogin
  • Majliskuu ka haasaawi jiray, hadal macaankiisa
  • Halakada colaadeed markii, la is hujuumaayo
  • Hayaay iyo hayaay maalintii, la isku harareento
  • Fulay baa habaarane naftii, hibadda loo yeelay
  • Nin xigaalkii soo haybiyoo, gacalkii hoomaayaayey
  • Heensaha gamaan lagu heliyo, hal iyo awrkeeda
  • Bakhayl lagama haagee ninkii, hagar la’aantiisa
  • Intaasoo dhan halyeygii lahaa, hadiba maayaane
  • Annunbow hiloobee tolkii, kuma hadaaqaane
  • Hinqanmaayo Hagar Aadanoow, waa hundhudhayaaye
  • Allaa hibay habaarbaa ku dhacay, hebeladoodiiye
  • Shirshoore iyo waa habacsan yahay, Khaalid Habarwaaye
  • Allay lehe hanaankay gobi lahayd, hurre wanaagiiye
  • Is-hoogaamis mooyee arrini, waa ka hurudaaye
  • Waa laysku huguguuliyaa, haybta guudnimo e
  • Jifaa lagu hirtaa maalintay, hadi timaadaaye
  • Hanbaduu katagay Xaaji Cumar, hogosho weeyaane
  • Heellada duleedkuu yaqaan, inuu ka heesaaye
  • Maxilaan habaas iyo galayn, hoori dirireede
  • Hurgun kuma hanaan jiro, innu qolo u heelaaye
  • Caydiid nimuu waran lahelo, lagu hankaagaaye
  • Halaakada kutaal Xiis mahado, had iyo jeer noole’e
  • Cabdullaahi Xaajuu ku hadhay, hadalkii ceebeede
  • Laga howlbax reer Faarax Hagar, hubanti weeyaane
  • Haasaasahoodaan kagaran, inay hongoobeene
  • Inay aarahoodii helaan, waa ka habartoode
  • Bah Ugaadh hilow kuma jiriyo, nimay haleelaane
  • Hiyigoodu reer Maxaned, waa geel hawadintiiye
  • Hadhow bay nimaan horor ahayn, hebel ku sheegaane
  • Hafri maayo oo ina Sii’arag, habas ka liiteeye
  • Hala raacis mooyee wax kale, looma haybsade
  • Hankii Cali Duraan baaqay, iyo hadaladiisiiye
  • Wuxuu Ina-Baxnaan haybsadaa, malaha Hiiraane
  • Hadduu higiro leeyahay arlada, wuu ka haajiriye
  • Haasaawihii Aadan Carab, heli aqoon waaye
  • Ileen horin dhan lama koobiyoo, gabay halkoodiiye
  • Hadaa qabiil niman ahoon, habar wax yeelaynin
  • Oo hanadadoodii la jaray, hiil ugali waayey
  • Ogoobeey haween iyo caruur, ma hawo dhaamaane
  • Hatay uga dhasheen ficil rag, waw kala hamuumaaye
  • Hilbo waxay wadaagaana waa, higilka Daaroode
  • Hanti lagaga qaan baxo kufriga, ma heli waayeene
  • Waxay lahabradaan wayla yaab, hiil Allaa jira e

  •  

  • Ragse godobtii waa haybiyaa, heer ay gaadhabe e

  • Hadaad aarihiinii heshaan, haadu kala wayne
  • Haramacad weer iyo libaax, kala hagaag roone
  • Bahdii nimay u heedhaa qabiil, laga hawaystaaye
  • Cawad Khuurshe oon lala helayn, holoca baaruuda
  • Amaan Jamaac hilibkiisa wayn, haada la cunsiinin
  • Hogaduu fadhiyey Muruq-liqoon, heermay laga yeelin
  •  Ama aan Maxamed lagu haanjarayn, haalig la afeeyay

  • Faarax Suusle oon lala hormarin, gumac halaakeeya
  • Hadaydaan ragaa hidin karayn, haad in laga dhowrto
  • Ku hungowde Habar Yoonisood, Howd kadayataane
  • Huryo malaha xafiis nimaan, lagu halaakayne
  • Kuwa suuqa haashaarayiyo, hebelo raad gooya
  • Raggiinii kobtii lagu hantiyey, dhiig ku hagac siiya
  • Nafta hura iyadoo hadheey, hibasho reebtaaye
  • Haddii kale huluulaha ku jira, habi la’aantiina

 XV

Gabaygii 3aad:

  • Mudaakarada geeraar hadday mucurto kuu gayso
  • Marxalkaad u shegtiyo haddii marinkii loo diido
  • Kol haddaad masaladaad tidhaa loo miyirin waayo
  • Adoo maray Lilaahida haddii eexo lagu moodo
  • Miyirdiin hadduu kugu qabsado maansadaad tirisay
  • Murti iyo martabo loo xishiyo muuno laga waaye
  •  
  • Murdud Reebe gabaygaan kal horre uunka maqashiiyey
  • Een midhaha Daarood dhex dhigay mucurtiduu reebay
  • Gabaygii muunsanoowga iyo ahaa hiil u mara xoorka
  • Gabaygaan muqadimiintii la jaray ugu muraaqooday
  • Gabaygaan Hartiga maaxiyiyo Mudug raggii joogay
  • Gabaygaan u maakibay in loo mudo masaalkooda
  • Murtaan xidhanay Habar Yoonistii murunku noo yiilay
  • Niman madaxyo weyn ah oo muhindisoonaaya
  • Anigoo Macbuudka u hayoo malag la doonaaya
  • Gabaygaan magaalad lahaa mayd halaga qaado
  • Abtir lagama maydhiyo nimaad mini wadaagtaane
  • Ficil waa musiibee intaan gibil madoobaaday
  • Lagu maadsay goortaan lahaa waa la murugoone
  • Gabaygaan manaabada lahaa maqan ku raadcayso
  • Raggii aaro looguma maqnoo waaba loomarag e
  • Malahay khasaaryeey sidaan halkaa ugu muraad seegay
  •  
  • Inay midigta qaadaan lawaa miidha Habarwaaye
  • Milgihii Shirshooraan sugayn muuno duul gob ahe
  • Mulkigii Garaad Faaraxoow idinka maaroowye
  • Dadku magaca waw wada jiray midhaha Daarood e
  • Isagaase laga maagi jiray maydh la oloshaaye
  • Wax maqaanihii lgala baxay manta Reer Hagar e
  • In uu miilo gabay Reer Cameey maqal Ogaadeen e
  • Marwo jabbe markii lagu jarriyo murankii qoolabe
  • Milgo xumo Bah Dahabaan lahaa milicsan maayaane
  • Maxamuud Gureey iyo Bilow malihii beenoowye
  • Mara wenyta Reer Faraxoow deyse murankiiye
  • Miyil qabe ka dhimay reer cigaal meel uu joogaba e
  • Reer Maxamed muuniyo ka samir magic wanaagiiye
  • Haweenkuba martoo laga furaay mahad ku sheegtaane
  • Macbuudkii abuuriyo siddaa Maaligoow gale
  • Wax la mid ah qabiil mayey ahoo miidha qaayibaye
  • Laga maarsay laba Muuse iyo mohosho Reer Cawle
  • Warsangali u mari Hartiga yaan gabalkii moogaane
  • Majeerteen u sheeg xaajadaa waa mashaqo weyne
  • Kuwii ficilka maamuli ogaa wada muhiibsiiya
  • Maxamuud Saleebaan u mari madaxyo weyntiisa
  • Bal in ay dhagliga meeriyaan aad u maqashiiya

XVI

Gabaygii 4aad: 

(Taariikhdii gabaygan oo dhan ka eeg bogga abwaanka)

  • Rag hadaad dakano kala qabtaan dil iyo qaad gaadhay
  • Waa lagu digtaa maalintay xagashu daacdaaye
  • Doollo iyo warkii Bari waan ku diirsaday e
  • Waataan dabaaldagay markay soo dawariyeen e
  • Farxad baan la duubnaa intuu kheyrku soo dagaye
  • Iidoor duliga gaadhay waa roob gu’u oo da’aye
  • La durduuray doog iyo siddii daribta caanoode
  • Daarood Ismaaciil na waa u doogsin galabeede
  •  

  • Afartaa digtaan odhan jiriyo digashadaydii dheh
  • Rag baa gabayga deelqaafiyee digasho wayeel dheh
  • Darib iyo dibaax iyo amaan diiran oo kulul dheh
  • Malab dibnaha gaadhiyo waxaan badanku diidayn dheh
  • Deeqii Ilaahay iyo raxmaad da’ay masaalkii dheh
  • Diin iyo quraan waxaan ahayn, hal ugu duug roon dheh
  • Damiin hadalka waa lagu dacshee, kaygu waa dahab dheh
  •  

  • Tixdaa daayey oo waan dabraye, dood kalaan celine
  • Gaaskii la soo dumay colkii, duman ka soo duulay
  • Dabka guutadii loo shidee, waayo lagu daalay
  • Dirka Sugule Caynaanshe Dalab, duuda Habar Yoonis
  • Dunji Habar Magaadlaba colkuu, soo diyaar gariyey
  • Wareegada haddii lagu dilay, halable daanteeda
  • Goortuu ducaystee la yidhi, daawo aan u yeelo
  • Rag ilaalo loo diray haddii, dibada loo saaray
  • Dal yaqaan la aaminay haddii, dowga lagu joojay
  • Degmo gibin ah beel dagan hadday, dooyaddii aragtay
  • Dib salaan hadday ugu cesheen, hadal la doonaayey
  • Dagdagsiinyo loo qabay haddii, duhur la yaanseeyay
  • Duqaydiyo ninkii culus haddii, laga dawaareeyay
  • Cirkoo dadan habaynkoo dam yidhi, curashadii deyrta
  • Duul nabad usoo galay hadduu, caddow dul gowriiray
  • Dil dilaaca waabari haddii, werar lagu daacshay
  • Oo laga dareersaday wareeg, dagalkii loo ooday
  • Darbigii iyo Idiin iyo hadday, Daawad ololaysay
  • Waa darajadeedee haddii, dumarku booyaayey
  • Dun carbeed la mood yeey cilaan, rag isu dayn waaye
  •  

  • Dab ayeey yaa lahaayeey markii, daawo laga yeeshay
  • Dabka qiiqa waxaa loo dhax galay, ololkii Dooyeyse
  • Ogaadeenku wuu durugsanaa, daayinkuu yahaye
  • Dalka kama dhawayn reer Subeer, laysku dilayaaye
  • Makaahiilna uma duul dhanayn, doodankii shalay e
  • Danwadaage iyo reer Cabdaa, dayro ku ahaaye
  • Dango lama amaanee Xirsoow, dirir Abraahiine
  • Nasab bay ka doorteen inay, dib uga laabtaane
  • Daliilkiyo waxaa loo cuskaday, diinta xoogga lehe
  • Dunbuqiyo markii laysku riday, danane dhowr qaad ah
  • Waa tay dulaameen kuwii, dabada aasnaaye
  • Nimankii adhxaha daacsanaa, damac ku beenoowye
  • Waa tuu waraabuhu dibxaday, daribtii Iidoor e
  • Dibjiraha dhurwaagii ahaa, Diiqa ka ibaadye
  • Dugaagii cunaan ugu jeclaa, dowladdii bahale
  • Danbaa marisay deyr oodan iyo, xagarkii Doolood e
  • Dariiqii qorraa iyo arliga, looga dacareeye
  • Habar Yoonis Howd inay dagaan, uma daymoodaane
  • Bari uma dabjeedaan haddii, dayr xumaad dhaca e
  • Dabra kale inay soo ceshaan, diiday rubadiiye
  • Ku didsade duleedada raggii, daadsanaa shalay e
  • Ku dareersha furihii Danood, dilla horweynkeeda
  • Ha durduriso deerooy kobtii, doogu uu u yiilay
  • Iidoorku inuu soo didshaa, loo dan lee yahaye
  • Dalka gaamay doolada baxdaye, dili ka dheeraatay
  • Haradaan diraacdiyo gudhaynin, duraha jiilaalka
  • Mar haddaan la daan daaninayn, dacarta doogeeda
  • Oo dabin iyo laguu rogay, digadii Oodweyne
  • Dubaax weeye geeridu haddaan, damug nidhaahnaaye
  • Alleelahay bagaa laysu dilay, Daahiroow sabanka
  • Xidid loo daryeeliyo bagaa, darajo loo waayey
  • Dagaal aan qarsoonayn bagaa, loogu kala duugay
  • Baggaa Dir iyo Daroodba, qiiqu uga duulay

XVII

Gabaygii 5aad:

(Taariikhdii gabaygan waxaad ka heli kartaa bogga abwaanka)

  • Warkii xalay Awaariyo ka yimid, aradka Gaaroodi
  • Iidoor galbeed iyo warkii, idhan ka soo duulay
  • Eraygii xaqiiqoow hadaad, alalad moodeen e
  • Ooftuu dhigay Ciida Gale, sidii ugaadheede
  • Siddii aaran geel oo dideey, ooda jabiyeene
  • Mar hadday indhaha jeediyaan, orod ma daayaane
  • Afkii Ina Warsame Baashe iyo, amarkii beenoow ye
  • Ayaan iyo ayaan buu, sanguhu daba ulaysnaaye
  • Oon baa ku daayimay kuwii, daba aasnaaye
  • Abshir dhaha Isaaq iilay oo, aarsay Reer Caliye
  •  

  • Afartaa sidii alifka iyo aaayad, ma u sheegay
  • Ma anafacay ilama adeeraday, waa u abaal gudiye
  • In yar kalana waa iiladkii, uunka kala gaadhay
  • Irdaha Reer Mataan iyo Cabdoow, ururta reer Muuse
  • Siddii Orobadii   iyo ………. Haday eedi kala gaadhay???
  • Midkood ilanka qaataba haddii, dirir la eegaayey
  • Edeb xumo waxaa u soo hormaray, ey lasoo diraye
  • Umalkii waxay kula dhaceen, adhi salaaxdiiye
  • Ciidamaaladii baa go’iyo, uuskii Duulane
  •  

  • Asad iyo ubad dhurwaa haddii, la isku aaheeyay
  • Waraabuhu afmeer iyo hadduu, idhan kasoo qaylyey
  • Wuxuu uubateeyaba markii, la isu soo ururay
  • Arbihii madoobaa hadduu, uurka ka higooday
  • Orodka iyo boodababa hadduu, ayda kala jeexo
  • Onkod iyo siddii roob, loola amakaagye
  • Ma adkaysto adhi gaadka, oo aar ku duufsadaye
  • Goortuu intaa abasaxshaa, fiintu oloshaaye
  • Waxaa u aaraha lagu dilaa, uufanaha weer e
  •  

  • Araayaha maroodiga ninkii, agab usoo qaata
  • Ma anfaco atoor guuyo oo, soo agjoogsadaye
  • Gaaniga markuu ku ajaluu, ayaahiis bogane
  • Askar amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale
  • Uubuu galaa ina gumeed, ururta laa caaye
  • Aflagaado waa loo dhintaa, eeqo duul gob ehe
  • Asxaan ma laha amaan hadduu, aaladii hale e
  • Aji iyo midgaba waa dilaa, uustar buuxsamaye
  • Waxaa ololoy aawadii soomanaa, eegadii hore e?
  • Aabiga markay ula tageen, ururta Caynaanshe
  • Anshigay Gunbuur u edbiyeen, ma u ekaysiiyey
  • Damal Aadan iyo ha is arkeen, owrta Reer Caliya
  • Ugaasyadu ha geelgeetamaan, amarka seegtaaye
  • Bal muxuu asiib baa wadee, Arabna doonaayey

Gabaygii 6aad

  • Shaybiyo haddii aan la layn Ina Shiraha Jaamac
  • Haddaan shaqabka Col-ujoog ka tagay loogu shalow siinin
  • Aararsame shafkii ma aha iyo shaanki reer boqore
  • Hanna sheegannina waxaydin dhalay baliyo shaydaane

Gabaygan oo intan aad uga dheeraa waxaan ka haynaa oo kaliya afartaa beyd.  Gabayadii Maxamed  Cumar uu Guba kaga qayb qaatay ee uu Dhulbahante ku tirtirsinayey ayuu ka mid ahaa.  Soo raadi.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Email Us|Dhoodaan|Sayid Maxamed|M.C. Dage|Qamaan|M.C. Beenaleey| Raage Ugaas|Kaadheeri|Guba|Singub|Contact Us
Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.