Home

Isma Oga

                                                                              Ismaaciil Mire

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
  • Isma oga Ismiir iyo ninkii, ayro foofsadaye

  • Isma oga arbaha weerka iyo, adhiga goosmaaye

  • Isma oga waraabaha amliyo, awr la laayacaye

  • Isma oga atoor qadow bartiyo, uubta loo qodaye

  • Isma oga nin urugaysan iyo, iilka kii dhigaye

  • Isma oga dhillida uunsatiyo, awga taa'ibiye

  • Isma oga aqoon xume dhergiyo, Meleg Arsaa'iile

  • Isma oga agoon iyo ninkii, aabaheed dilaye

  • Isma oga askari qooqan iyo, nimaan afbuux siine

  • Isma oga abeer qalableh iyo, inanka doonaaye

  • Isma oga ugaadh iyo libaax, adamiyaystaaye

  • Waxba gabaygu yuu ila ordine, waxaan ku soo ooday

  • La illow nin Aakhiro tegoo, iilka hoos maraye

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Email Us|Dhoodaan|Sayid Maxamed|M.C. Dage|Qamaan|M.C. Beenaleey| Raage Ugaas|Kaadheeri|Guba|Singub|Contact Us
Copyright © 2002-2003Doollo.com. All rights reserved.