Home

Ciil ka keen (August 26, 2007)

                                                    Xuseen Cabdi Xalane

 

 

 

Gabaygani wuxuu soo baxay 26kii Agoosto 2007dii, waa Khartuum, Suudaan.  Wuxuu la mid yahay gabayadii badnaa ee Abwaan Xuseen Cabdi Xalane sida kii Geeska Afrika, Oogan iyo Qaaradaha, kuwaas  oo uu gabayaagu ku xabbadqaado siyaasadda caalamka gaar ahaan  nabadgelyo xumada ku habsatay Geeska Afrika, Soomaali idilkeedna saamaysay.  Wuxuu moogan si gaar ah u astaysay tolkii, Absame, wuxuuna si guubaabo iyo wax sheeg ku dheehan tahay u dhaliilayaa jawiga guud ee degaankooda ku sugan yahay.  Tolalkii Absame ayuu mid mid u taxay, mid walba dhalliil ama dhallilo ayuu usoo jeediyey isagoo qasdigiisu yahay kicin iyo abaabul shacabka dani ugu jirto. 

Wixii talo, tusaale, falcelis iwm ah ee ku saabsan gabaygan ee aad soo jeedinayso kusoo hagaaji mail@doollo.com , waxaanuna balanqaadaynaa inaan abwaanka gaadhsiino.

Wuxuu yidhi: 

  1. Dabka ololi duurkaa gubtiyo dunida qiiqeysa

  2. Qubuuraha dibbiray geeridaa daan walbaba gaadhay

  3. Mayd aaski loo diidey iyo jiidh dilkiyo ciilka

  4. Gabdhahaa daldalan ee ilmadu labada daan qoysey

  5. Dulligaa la baday reer tolkey daawashiyo ceebta

  6. Heerkii dulqaadkiyo la dhaaf dan iyo aashaaye

 

  1. Waa duni guntii dawlad tahay gobina duuflaale

  2. Daa’imiyo cadaw aan duq iyo dumar xushmeynin

  3. Waa dameera fuulkiyo Tigirihi daadufka ahaaye

  4. Duruufaha isrogey waa waqtiga dacatigiisiye

  5. Maandhow didmadu waa gartay danise waa meele

  6. Daan aan u ciirsado haddaan garan ma daaheene

  7. Ogaadeenkii waa door ahaa waa daleel madhane

  8. Dibnahayga ciilkaa dibiray wuu ku daa’imiye

 

  1. Cawlyahan dagaal kuma jiroo dagan dhankiisiye

  2. Kama diiro diiftaa tolkii daanka loo sudhaye

  3. Inay diilalyoodaan la waa hiilna diriraane

  4. Duunyo raacis mooyeen wax kale looma doorbido

  5. Doqonimada waa waxa ku xidhay Dul iyo Laaleyse

 

  1. Dabkuu huriyey waa kaa Subeer gubay degaankiiye

  2. Colaan loo diyaar noqonba way nagu dillaacsheene

  3. Maatada dam tiri reerahaan dalaw u foofeenin

  4. Iyagoon difaaceynin bay dab u hulaaqsheene

  5. Markay qaar dagaaalamada shacbiga deggan ku uugaamin

  6. Dabaqoodhi qaar baa kufriga diiradow sida e

  7. Inay doc isku raacaan la waa daa’in abidkoode

  8. Intay labada daamood jiraan dawlad naga dheere

 

  1. Cabdallahii digtoonaani jirey maanta didi waaye

  2. Duhurbaa Miraad lagala baxay daar agtooda ahe

  3. Oon deero deero u hardiyin aarsi kala daaye

  4. Waafatiyo Warfaa bawga daran cadaw dul joogaan

  5. Nin walaalkii diidaa marnaba gaal ma daafaco

  6. Dudadiyo intay dariska ximin daawo laga waaye

 

  1. Damqanmaayo reer Maxamedkii damaca waallaaye

  2. Dulligiyo dubbaha gaalka waw dabacsanaadeene

  3. Dadka nin u xiguu dili yaqaan cadaw ma doontaana

 

  1. Deegaankan Cawdaaqda taal malaha door weyne

  2. Dabadaalis iyo bay noqodeen dacasle luudaaye

  3. Waxaad ugu dugaashaaba waa dumar u dhaanteyne

 

  1. Damug weeye waa taa Bahgari duunka loo rogaye

  2. Darwiishkii gadaashii la waa door ka soo baxo e

  3. Diginihiyo reer Baarahey muran doceystaane

  4. Xaquuq dubasho mooyee xil kale loo dirsani waaye

 

  1. Damdamtii Makaahiil qaar noo durbaan tumayey

  2. Markii laysku daadsaday rag bay dabamaryeeyeene

  3. Waa kaa duqoodii ka degey Adari duudkeede

  4. Dawlad loo gurguurtiyo xanbaa loogu dawgalaye

 

  1. Waa deyro Reer Sacad hadduu diirranaan jirey

  2. Darkaba kuma jiraan waayadeer dirir warkeed daaye

  3. Ha ku daalin waa duul dhanoo duudsi qaayibaye

 

  1. Daawo male Jidwaaq waa quruun daaha loo rogaye

  2. Daandansigii iyo ka guur damacii Wiilwaale

  3. Daafiyo waxaan qaad ahayn kuma dugaalaane

  4. Inay xumo ka diiraan ha sugin waa dadkaa rogane

 

  1. Dirgan mayo Weyteen wataa daacdey xagashiiye

  2. Iska daa coluu dumi kariyo guuto danantaaye

  3. Ducadiyo wakaa diintii gabay uu dir u lahaaye

 

  1. Da’daan ahay ma arag Baalcad oo xumo ka diiqoone

  2. Inay maanta doorsamayaan dib u abuurkooda

  3. Ninka wali dugsiga moodayow dan iyo aashaada

 

  1. Danwaagta Awgaan ahayn kuu dirnixi waaye

  2. Waaba digasho qaarkood waxay kuugu darayaane

  3. Duuduubka Soomaali kale Dir iyo Daaroodba

  4. Dabo-dhilif Axmaarey noqdeen duulkii soo hadhaye

  5. Ha dir go’ Ogaadeen Rabbaa dayradaa badaye

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.