Home

Bogga Halqabsiga

 
 

Cabdullaahi Dhoodaan                                                        Maxamed Cumar Dage

                 

- Nabi Muxamed baa loo jeclaa, jaah mar la arkaaye (csw)

- Isagana waxaa lagu jirabay, inuu jihaadaaye

- Idinkuna xornimo saa jirtaad, jiif ka damacdeene

 

- Darxurmoode nimankii fadhiyay, darar Nugaaleed e

- Demeni iyo baqdini waa miday, dir u lahaayeene

- Dulligaad Dhulbahantoow qabtaan, Doyna laga sheegye

 

-  Dogob iyo gidaar kugu dummiyo, daad ku jiidanaya

-  Naftu waxa dardarayoo dhan bay, dhaax ka durugtaaye

- Ka huleeshe Howdkii sarriyo, haatan Caynaba e

- Nimaan Habar Jecliyo Muusayoow, uga hagaagaynin

- Inuu dhoodi hoos ugu dhacoo, haniyo weeyaane

 

- Naftu inay maqnaatiyo inay, mahad ku noolaato

- Maaweelis  weeyaan haddii, mid u dhexeeyaaye

 

 

- Nafta hura iyadoo hadheey, hibasho reebtaaye

- Haddii kale huluulaha ku jira, habi la'aantiine

 

- Wallee in ayna laakiin ahayn, laydha socotaaye

- Libin baa dhow ruuxii jihaad, laabta ku hayoowe

- Doolaabta naagaha xidhiyo, duubcadiyo weerka

- Agoomaha ilamada duugagyiyo, dumarka booyaaya

- Kama diilalyoodaan kuway, duray wadaageene

- Allaa dilay nin aan diin lahayn, oo dariiqo ahe

 

- War duudkaaga ceeb saaran iyo, diilintiyo jaaha

- Waxaaba kaaga duug roon adoo, meyd dafuufanahe

- Inkasta ood difaacdo oo warmaha, lagu daaduunsho

- Siday kuu damqaan nabaradaa, diifta kugu reebay

- Isagab dilkaagaa u dhibiyo, dakaharadaadiiye

- Baqaa door ah hay odhan Cabdiyoow, waa dameernimo e

 

 

- Shaybiyo haddaan la layn, Ina Shiraha Jaamac

- Haddaan shaqabka Col-ujoog ka tagay, loogu shalow siinin

- Aararsame shafkii ma aha iyo, shaanki reer boqore

- Hanna sheegannina waxaydin dhalay, baliyo shaydaane

 

- Halgan dhaawac loogama hakado, dhimasho yeelkeede

 

- Dab nin kaliya oo shida miyaa, duulka laga waayey?

- Faan iyo bilaash kuma lug go'o, fulayna yeelkiiye

 

- Raas weyn Ilaahow ka yeel, raacday foolxumo e

- Warankaagu ruuxuusan mudin, weedh la marin waaye

 

 

- Dhulka laguma soo koobi karo, socod dharaareede

- Nin afkayga dhawrow adaa, dhibay naftaadiiye

 

- Soomaalina macnaa lagu yaqaan, meel ay joogtaba e

- Oo waa hiddaha noo macaan, malab siddiisiiye

- Mar kastana ma moogaano ee, wuu naga dhex muuqdaaye

 

- Warsangali u mari yaan Hartiga, gabalkii moogaane

- Majeerteen u sheeg xaajadaa, waa mashaqo weyne

- Maxamuud Saleebaan u mari, madaxyo weyntiisa

- Bal inay dhagliga meeriyaan, aad u maqashiiya

 

- Waraabaha ku ruugaaya iyo, aar ku raamsanaya

- Sidday kuugu kala roon yihiin, maad u kala reebtid

- Ninkii rodolna miisaama ee, kiilo raajiciya

- Ee raasamaalkuu helaa, rubuc ka hooseeyo

- Xisaabtaa inuu dib u rogrogo, sow ra'yigu ma aha

- Jilaal abaaraad hadduu, adhigu kaa liico

- Ama khoof diraaceed haddii, lagugu aaheeyo

- Ogaadaay ayaamaha gu’ baa la irkan doonaaye

 

---------------------------------------------------

- Aabiga markay ula tageen, ururta Caynaanshe

- Anshigay Gunbuur u edbiyeen, ma u ekaysiiyey

 

- Waxaa murugo iyo qoomamiyo, maanqashiyo ciil leh

- Maskax iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liita

- Markuu adiga sharaftaad mudnayd, kaa maroorsado e

 

- Allay lehe bagaa laysu dilay, Daahiroow sabanka

- Xidid loo daryeeliyo bagaa, darajo loo waayey

- Dagaal aan qarsoonayn bagaa, loogu kala duugay

- Bagaa Dir iyo Daroodba, qiiqu uga duulay

 

- Fadhato u shaqaysaye maxaad, adigu faa'iiday (ama)

- Hooyadii figeeyoow maxaad, adigu faa'iiday

 

- Ooftuu dhigay Ciida Gale, sidii ugaadheede

- Siddii aaran geeloo dideey, ooda jabiyeene

- Mar hadday indhaha jeediyaan, orod ma daayaane

- Mataankaagii ood xaasidaa, murugaday keento

- Carabtii midowdaa og iyo, kii macooda ahe

- Masarba waa wixii lagu qabsaday, gacal la moohaaye

 

- Askar amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale

- Uubuu galaa inan-gumeed, ururta laa caaye

- Aflagaado waa loo dhintaa, eeqo duul gob ehe

 

- Nimankaa siddii dibi lix jir ah, luquntu waynaatay

- Laanjaha markay fuulayaan, lugo ku rooroora

- Barwaaqada intay leefayaan, luusa garawgiina

- Intay labanka daaranahayaan, lebi ku gaajooda

- Iyagaa sariir leexsadee, luumiyaha seexda

- Lafta dhabar siday uga jabaan, laaca waligiinba

- Libaaxdaa koraysaan nahaye, hayna loogina e

- Waagaad laxaadaysataan, lowga kala fiiqa

- War ha u liicinaay Xabashi, waan lagatamaynaaye

 

- Ingiriis ka soo carar hadduu, Cadan ku fiicnaaye

- Cishriin lag baa laga dilloo calankii, soo duubye

- Wuxuu ciidan iyo xoog lahaa, ceejiyaa helaye

- London kuma caweeyaan kobtay, cudud u yiileene

------------------------------------------------------------ - Ciqaabna ha kayaabina haddii, Diinta la cusleeyo

-----------------------------------------------------------

- Bal muxuu asiib baa wadee, Arabna doonaayey?

- Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid is daba yaacay

- Danbas iyo wax nool kay yihiin, daa'imaan garane

- Dab iyo qiiqna waan kala aqaan, saa duqbaan ahaye

 

- War waa laysku soo raran yahee, hoos ha ii ridine

- Inta reerka lay isugu imaan, haygu rogin Faafan

 

- Makaahiilna jeerbaan ahaa, mini Abraahiine

- Ina Macallin baa la i yidhaa, nin u muraad loo

 

- Rabboo caynsha mooyee ninkaa, saanad lagu ciirye

 

- Daaqiyo dulaha ceelashiyo, doogga iyo rayska

- Wax kuu diidan oo durug leh, oo dibadda kuu saari

- Waxa kaaga daran eed ogtahay, eed la dirirayso

 

Xarbi Ismaaciil Samatar

- Kolkii curaddadiisii la jaray, ees cidla istaagay

- Cali Dhuuxba daya eega wuu, soo calaacalaye

- Cabdi Gaab caruurtaadii laa, cududna kaa roone

- Maxay caydu kuu qaban kartaa, waad calyocalyeyne?

 

- Qof walaalkii gaday meel shishaa, laga ganaaxaaye

- Gacal uu xigaalkood hagraday, gocosho dayn waaye

 

Maxamuud Cali Beenaleey

- Doqontiyo intuu ruux damani, noo qabsado daalac     

- Danbigooda yey nagu dacweyn, garasho deelqaafe

 

- Dadba haybso mooyee ayaan, sii hundo ogaanin

- Hebaloow ma nabadbaa ayaan, horay u weydaaran

 

- Dhay baan lisaayee haddaan, dhoobo qodayaaye

- Dhalinyaradii rooraysay baan, dhaca odhan geele

- Labadii is dhuun goyn lahayd, waa isugu dhiibe

 

- Luqmo dheerahaan helay hadday, laqanyo kaa hayso

- Anigguba markaan kaa lalmaday, iima loodsamine

- Lubigii walaalnimo ninkii, laalay baad tahaye

- Gablan lexo-jecloy waa wiixii, lumiyey Ayjeexe

 

- Ku danqaday mid kibir diidsanaa, wuu la diriraaye

 

- Nin i xooray maantaan xumaa, aniga oo xaas ah

- Ku xiltiray xanaano iyo wanaag, aniga oo xoog leh

 

- Dadkayagu kadaab uma badniyo, reer ma kaadsade e

- Cilmi korodhsadkiisiyo xikmadi, naguma koobnayne

- Maskaxdu kaamil inay noo tahay, kumaan hayeen qaare

 

- Uma baran bahdey iyo inaan, bi'iyo Daaroode

- Shisheeyaha kolkaan baratanaan, badin aqaanaaye

- Marsada uu cadaawuhu degee, lagu malaynaayo

- Ilaalada ku meermeeriya oo, ha iska miriqshaanto

- Shanqadhooda goortii mugdi ah, maala dhagihiina

- Maalintiina muuq iyo bidhaan, milicsadoo eega

- Mutux yuu ahaan kiinuye, waa inaad magoogtaane

- Ragna maqaalufaa toosisee, mihindis foolaada

- Ismaan raaca towfiiqdu waa, lagama maarmaane

 

- Laba' caanaheed iyo anoo, labanka fuudaaya

- Wiilal baa i looyaamiyoo, ii lalabay fiide

- Libinna yaana geyninee haaddaan, kaa lug baxo maanta

- Walee aniga oo ladan Buslooy, kuguma soo laabto

- Qamaan iyo siday sheegayaan, qodobadii Raage

- Qofka cune qadaadkiyo la raba, gawrac luquntiisa

- Mindiduu qoobka kula soo baxaan, qoorta kaga goyne

 

- Indha-badane nimankii lahaa, ududsan maayaane

- Waxaa geela aanaysan jiray, ubaxa Daarood e

- Kolkii horeba kuma aaddanayn, adhi-fadh Iidoore

- Ri isnuugtay meel uga ekaa, nin is amaanaaye

 

- Afloow nimuu jidhxaayiyo nimuu, ubadkii weer laayey

- Iyo nimuu aboor xaganayaa, uurkutaalo lehe

- Damiin macalinkiisiyo isagii, ha is dacweeyeene

- Ninba dawgu leeyahay kolkii, dooda aan u dhawro

- Ardaygii da' loo yeedhiyee, diminta miim saaray

- Kol hadduu tacliin doonayayoo, deel xafidi waayey

- Garta haddaan la daahayn isaga, saw danbigu ma aha

 

- Nafyahay baxaysaay intaan, adiga kuu booyi

- Baasahaa dhacaayiyo haddaan, baajin karo mowdka

- Teydaan bilaad laga koriyo, gelin lahaa buure

- Daabaana qaadka ay matali, dowlada Af-weyne

- Ogaadeen damiin kama dhigtee, yow dirsaday howsha

 

- Beentiyo runtuba waa dhaw bay, kala baxaayaane

- Aan baxnaansho xaajada halkii, badhida loo saaro

- Tukashada iblays kaa duwiyo, toobadkeenimadu

- Ma taqaanid mooyee ileen, kheyr ma tabantaabsho

 

Sayid Maxamed Cabdille Xasan

- Heeryada ninkii kugu raree, hoygii kaa bixiyey

- Iyo kii ku hoosaasiyaa, waa isla halkiiye

- War how kala habaynina dagaal, haayirkiyo tuuga

 

- Allahayoow Ferenjigii muxuu, nacas fariideeyey

- Faa'iido laawiyo muxuu nin ragga, feyl ka wada yeedhshay

- Nimaan aabihiis fuuli jirin, faras muxuu saaray 

 

- Duunyada ragii kaa dhacaye, dowrshay xeradaada

- Ogoow daalinkaad aamintay baa, kaaga sii darane

 

- Naakhuudayaal iyo kufraad, nabiyo moodeene

- Nacaluhu kuwuu fuulay baad, daba nashlaysaane

- Nasab haddii aad tihiin gaaladaad, nici lahaydeene

 

- Soomalidu ma kala daah adkayn, deyro iyo deeq

- Diif hadduu badh qabo reer ma jiro, darayo beelaaye

- Inta qaar la daayacay miyaa, gobol la baardaajay

 

- Ninkaad dilli, ninkaad dagi, ninkaad dabin u qoolaysid

- Waa laysu kala daadiyaa, yuunu kaa didine

- Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo hadhaciisa

- Hiyigiisu daaq buu jeclaa, taana hidin waaye

- Hanqaloocsay oo gaadhi waa, xiid haraadanuye

- Kaasaay Hangaralihii dhulkiyo, Habasna laaceene

 

- Mustaqiimnimaa loo hadlaa, muranku waa ceebe

- Nin waliba maroor iyo qasiyo, muran haduu keeno

- Goortii markhaatigu dhacaa, mowdku ka adeegi

Muxumed Yuusuf Xasan

(Gabay Howle)

- Wax walba wow huraayaa ninkii, ii walaal noqone

 

- Wax badan baan hoggaankiyo jeclayn, inuu 

    hagaagaaye

- Waynaan helaynine Xirsuu, kaga habboonaaye

- Hayin nimuu ka jiifsaday wax uun, hilayga saarsaarye

- Faratoon aan haaramannee, inaga heeryeeya

 

- Danbiguu falaayaa Uweys, loogu dowgalaye

- Candho dogoble goortaan dillaa, roobku noo da’aye

----------------------------------------------------

 

- Rabboo ku caynshiyo anoo ku cafa mooyaane

- Walee caafimaad uma fadhidid, Caliyoow Buuhoodle

- Oo caadhkii weynaa gabdhihii, ku catiraynmaysid

 

Raage Ugaas Warfaa

- Cidlaa laga kaxaystaye miyaa, cudud la ii sheegtay

 

- Aboodigu ma lalo garab hadduu, iin ku leeyahaye

- Orod uma holodo ooglihii, adhaxda beelaaye

- Sargaalka iyo Hindiga waa dilaan, uma sujuudaane

- Surkana waa ka gooyaan dadkii, saaxirka ahaaye

- Soomaalidii uma turaan, saaruqa ahayde

 

- Bus xagaa ah jiilaal baryaday, qaranka oo biifay

- Barqin doog leh nayluhu gugay, banana rooraane

- Lag baruur leh bowdiyo shanshiyo, badhi hadduu waayo

- Baraar habartii loog kama furtoo, gowrac kama baajo

 

- Ha lays dilo dagaal waxaan ahayn, daawo lagu waaye

---------------------------------------------------

- Haddaan lays jikaarayn dunida, jeex anaa rogaye

- Baajiri jarkeed waa bukurin, laba bikuuroode

- Binjaday lahayd saan hadday, ugu bilkaynayso

- Buluskii biyaha ceel ma sido, mana baqool daayo

 

- Odayaal gaboobaa marbay, gaban ahaayeene

- Guxushaaga aan kicin marbuu, gaananaan jiraye

- Nimaan guuyo abid yeelan baa, geelal foofsada e

 

- Geeluba ugaasoow hadduu, ayda miranaayo

- Abeerkiisa naaxiyo hadduu, aaranku is waayo

- Isaguba ma kala aamusee, waysu ololaaye

- Haddaan ina adeereey ku idhi, sowma urugootid

 

- Cudud ma leh col kula weerar gala, ciidan iyo xooge

- Inkastey cid kuu soo diraan, waa cidloo kale

- Caloosha iyo madaxay sidii, dumar cantuugaane

- Maandhoow cayaayirka iga daa, Carabi waa naage

 

- Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin, talo lagaa reebay

- Meel aan lagaa rabin indhaha, lalama sii raaco

- Layskuma ridaan rido haddaan, ruuxu ku arkaynin

 

- Haddii madal la waco uunku, waa nin iyo maankiiye

- Nin waliba waxaan madarta qaban, meel is kala taagye

- Mid baa ma aha odhan oo runtaa, mowdku ka adeegi!

 

- Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil, qaran ku waydaaye 
- Qaabiilba Haabiil intuu, qoonsaduu dilaye
- Qar ha dumo qiyaamana ha dhaco, qoysna yuu hadhine 
- Qacda waaga labadeena qolo, ha isu qaateene
- Walee Faarax qooqaan ku dilay, qoomamayn mahayo!
 

- Ma cirkaa la gayn oo dhulkaa, laga gawdiidsan

- Geydhooy maraakiib miyaa, gurada loo saari

- Aakhiro raggii tagay haddaan, Eebe ka aqoodo
- Ina adhi jireed iyo nimaan, habartii awr goynin
- Sow waxaan iloobaba nin xumi, ima ogeysiiyo

- Ninka yidhi wax baan gani anoo, Gol iyo Cayn jooga

- Ee yidhi badii Garacad baan, gudub u weydaarin

- Godka lagu cadaabyow muxuu, go'uhu been sheegay

 

Qamaan Bulxan Yuusuf

- Waxaad aadamoow maagan tahay, adiyo maankaagu

- Iyo meel Ilaahay ku marin, kala mid weeyaane

 

- Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeynaynin

- Ama aan aniga lay odhan karayn, tanu ahaan mayso

- Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubeysta

 

- Cawl baa midgaan soo gasbaday, jeer gabraar tagaye

- Isagoon wax lagu gowraciyo, gowdhisaba haysan

- Golxobtiyo lawaa tooriday, Gurey ku noolayde

- Jeenay gabsiisoo markaa, qodatay garaaye

- Adiguna gaddii baa tahoo, ways gunaanadiye

 

Kumaa yidhi intanna?

- Lacagtaan maqdarad geynayee, magac ku doonaayo

- Alla magane maan hooyaday, maro u soo siiyo

 

- Waxaad adigu miihaalatiyo, malaba waa beene

- Waxaad mooday mowd baa sokada, kaaga soo maraye

 

Maxamuud  Axmed Cali (Bidhiidh)

- Baadida ninbaa kula daydaya, daalna kaa badane

- Oon doonihayn inaad heshana, daa’in abidkaaye

- Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne

- Dala malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayeye

 

- Haddaan dhimano geeridu kolbay, nolosha dhaantaaye

- Dhaqashiyo marbay kaa yihiin, dharagtu xaaraane

- Rag dharbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayadeed maalye

- Dhashaadeey sugtaa xaajadaad, dhawrataa abide

- Fara waa Daraawiish waxay, falina waa khayre

- Kun fuusha oo dab lihi waa qabiil, laga fogaadaaye

- Sayidkoon fasixin geel ninkii, foofiyaa dagane
 

- Tar qabaale duulkii qaldamay, kugu qasaarowye

- Wixii jeer ku qaabilay gadaal, kuu qadarin waaye

- Muslinow bal maqal xaajadaas, layku malaq siiyay

-------------------------------------------------------------

- Sune kama ansaxo nimuu, tagay faralkii saaraaye

- Isku qayrna ma ahayn dadkuyu, gaal qasaa yimide

- Kolkuu inan-gumeedkii qoslaa, gobi qamuunyoone

- Quwaddiyo markii uu dhisnaa, xoogga qarankaygu

- Qormo nalama soo yeelin jirin, duul qayuucsanuye

- Qaskaan hilibka kaa siin jiriyo, qalanbi xaabxaabe

 

- Waxaan heli waxaan haaban karo, iyo waxaan haysto

- Hiyiguba wuxuu doonayaa, inaan hibeeyaaye

- Iyagaa intay hilib qashaan, heesi dabataale

- Oo ku hilbo qaybsada waxay, hor Alla gaysteene

- Ma Hartaynu nahay soorta, maad hadal la'aan dhiibtid?

 

- Qeylyahow haddana qeylku dhalay, ee qurjiga dheer leh

- Addunbaa noo qeyshadaye, waan ku quudhsadaye

- Ingiriis markaan quusinaan, qoorta kaa xidhiye

- Qisaas maalintaan kuu dabrado, qabasho waa duufe

- Sidii maganta jeerkii Qardhood, yaad qanbiyi dhaaxe

- Awalbaad qaraabana gabtiyo, Reer Qandhicileeye

- Qunyar kaadso oo dhawr sidaan, kuu qabiran doona

 

- Daabaca ninkii kugu dhuftee, daabna kuu celiyey

- Iyo kii duleedshaay ku yidhi, wax isma doorshaane

 

- Qudhaanjaa u yaroo meel hadday, kugu qaniinayso

- Qaarkeed ayaantaa hurdada, kaaba qadiyaaye

- Kolkolbaa qaniinyada duqsiga, lala qayuucaaye

 

- Sad u dhigo Isaaqow nabsigu, kaama soomana e

- Soofkana badh celi waan arkaa, saad u gaal laliye

Maxamed Macallin

- Nin indhala' mid kale oo indhala', oon waxba arkaynin

- Ileen oodda kama leexiyoo, hilin ma aadsiiyo

______________________________________________

- Haddii timaha Daarood wax uun, igu tabiineeyo

- Amay tuugooda uun iga dhacshaan, toobinka i saaray

- Wallee tuuryo kaagama hadheen, daba tuxaalow e

- Tollaahaan ku dhaartaye inaad, tagi lahayd Xeebe

 

- Hadii aad inaad taajir tahay, tuhunto uurkaaga

- Toodowga xoolaha ninbaa, tulud ku sii dheere

- Walee inna raggow talo aduun, taada uun ma aha

 

Maax Dhagoole 

- Ummul daahatoo meel daycan, daba fadhiistooyin

- Jeerey mandheeraha dubtaan, kama dareerooyiin

 

- Nimay qaaxo feedhaha gashoo, malaxi gaashaysay

- Gux hadii u dhaho maydhaqaan, gocosho daynaynaye

- Wad gudoonsay saadkana ninkaa, guraya weeyaane

- Aniguna gaddii baan ahee, gogosha hay gaynin

Ducaale Dheere

- Siddeeddii cishaba waa intii, sahanku laalnaaye

- Waa soo sidnaa xeedhyihii, saabka loo tolaye

- Iidoor sal fududaa wuxuu, sugayo muu dhawro

 

- Naagtii ganbada taabatee, gacanta loo maydhay

- Ee galisay meeshii haddana, gabaygu sow ma aha?

Ismaaciil Xayd Xirsi

- Eeboow geyiga Aakhariyo, dunida guudkeeda

- Mid unbay galladi noo ahayd, inaad na geysaaye

- Goodaaddo dhexe waa halkaan, galabta joogaaye
 

 

Cali Odey

Kuluc Cali Wacays

- Gadhka xiira gaashaandhig bay, gobi u aydaaye

- Geerida ha diidina ninkii, go’ana yeelkiisa

- Girigirada naaguhuna yey, idin galiilyeynin

- War guntada Ilaahbow garnaqa, gaal iyo Islaane

- Warmihiina ganna goor dhaw bay, gooshii soo celine 

 

- Nin kuu xigga naxliga kuu galaa, nudiga kaa gooye

- Mar haddaanan naaskii walaal, idinla nuugaynin

- Nuugaalna aan u kacee Reer Xirsow, nacay agtiiniiy

 

- Lix meeshaad ku joogtaan dagaal, laabta ka ogaada

- Haddii luqunta kore laydin jaro, lugaha meermeersha

- Luxdanaanta kama soo hadhee, laliya duulaanka

- Lalabaha sidaad ugu waddaan, laba jibaar geeya

 

- Kismaayo iyo Luuq waxay jiraan, laba kabaal qaade

- Kalyo nimaan lahaynbaan u kicin, kalligii meel dheere

- Allahayow kacaamaye lugaha, hayga kala reebin

 

Khaliif Aw-Axmed

- Ogaadeen dal dheer iyo wuxuu, wabiga daanshoodo

- Hadduu dirir xigaalkii og yahay, igama daaheene

- Damta iyo dinnaaqada horruu, kaa dul dhacayaaye

- Haddii dalandal kaa fiigo, waa dooxanahayaaye

 

Faarax Muxumed Xirsi

- Haddaan marada dacalkeeda iyo, deysto gacantayda

- Oo anan la degin Reer Ugaas, kama duwnaadeene

- Dabadaalis laygama dhigteen, waan u daadsadaye

-Waryaadhaay billaa laguma degin, dabinkan saynsaaban

- Oo yaa aniga dabadey ku dhicin, webi duraabaaye

- Dadba yaa u noolaan Xaashi oo, la isuku soo daayey

Cabdullaahi Badel Cabdi

 

Xuseen Hudle

- Shanta qaaradood waxaa ka riday, qayladiyo buuqa

- Waxaa qamarka guudiyo hawada, qaraxa loo saaray

- Waa quud nin haystiyo mid raba, inuu ka qaataaye

- Ama qaab uu gumaytuhu bartiyo, waa qoqoba riixe

 

- Haddaadse ciil ka bixi Xaajigii, kama cadhooteene

- Ciyaar sow shalay looma dilin, curaddadiinii dheh

- Laba Axad wax kala gaadhay, bow kala ufootaane

- Kamana uur gubyootaan wixii, geesi iil galaye

- Aqligiyo Soomaaliyeey, waaya-arageenu

- Aqoontiyo garaadkeenu, sow eber ma soo dhaafo

 

Cali Dhuux Aadan

- Gunbaan ahay ganbo-cad baygu xidhan, iyo gar naagoode

- Gaashaantimaha sidoodoo kalaan, guur u sugayaaye

- Aniga iyo hablaha loo galmoodo, waan gudboonahaye

- Jeer oon ganboolka iska rido, guudka iga saaran

- Ogaadeenka noo soo gabyoow, waa gar xaajaduye

 

Murriya Cali Ibraahim

- Waa karaahi Cali Aadan oo, waayay laba koobe

- Kalwin maayo haasaawahoo, ways kanbalayaaye

- Kurka intuusan seef igaga jarin, aan u kululeeyo 

-------------------------------------------------------------Maxamuud Tanaade

- Waligey gadhoodh adhi ma dhamin, umana gaajoone

- Caanaha Gobbaad baan aqaan, inaan gobsheystaaye

- Kac u geeya wixii gaaden jirey, wayga garanuuge

-------------------------------------------------------------

Maxamuud Cabdullahi Ciise (Singub)

- Madaxdii Afrikaay,  Mabda'a gumeysigu
- Magacood be' wuxuu yahay, Wanka macasha ii qabo
- Adigu gawrac ii mari,
  Dhiiggana aan muudsado
  

 

- Aniguba gankaasaan ahoo, way gablamiyeene

- Gadhcaddiyo Casayrow maxaa, reer la guban waayey

- Giddigood Ogaadeen maxaa loo, gondoli waayey

- Gaar ahaan Abraahiin maxaa, loo ganbiyi waayey

------------------------------------------------------------

- Anigaba cidlaa looga tagay, curadadaydiiye

- Ragga cudduda weyn liyo, haddaan Caliyo soo waayey

- Cabdi Gaabku iigama dareen, Cumar Abraahiine

------------------------------------------------------------

- Cad hadduu carada kaaga dhaco, amase ciidoobo

- Caqli nimuu ku weyn yahay ma cuno, calafka qaarkiise

- Anigana caruuraha yaryari, waa iga caynkaase

- Maxaan Aadan Carab kala hadlaa, caaqil baan ahaye

Ismaaciil Mire

- Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado

 

Aw-Yuusuf Barre

- Isu gaadhay gabadhaad tidhaa, meel unbaa go'ane

- Anagu Gaaniyow gacalka dhacan, waaka gubanaaye

- Gankaa naga xanuunsada wixii, gaadha Reer Hagare

- Gadhka iyo wadnaha buu nagaga yaal, gabiga Daaroode'e

- Uma gabayno maantii Islaam, gaalku weeraro'e

 

- Nin cirro leh cadaabkiiba waa, lagala ceesaaye

- Rag caddaaday baa nagu jiree, geela noo celiya

 
Saahid Qamaan Xuseen Dhiqle

- Af qashuushle goortuu dhintuu sii qataabsadaye

- Qambaruursi iyo oohinbuu, qoon dunuunucaye

- Masalaha ninkaan ii dhigayn, midig masaaraayo

- Ninkii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho

- Muska Ina Afeey galo arlada, kama miciin moodo

 

- Labadii qofee igaga hadhay, qaafadii dumarka

- Tii qurux badnaydiba haday, Cali la qooqayso

- Tana qaado Naadaba ragbay, qaac u shidataaye

- Nin mud-muday dharkayn hoosna maray, mudhuxyay

   shaaleeye

- Mugii weel ma dhaafee Allow, mooska yaan jabinin

 

Oomaar Faarax Carab

- Qaraf baa horeysay iyo wixii, jeer la ii qoraye

- Anunbaa qudhayda u dhintee, qaybsan xooluhuye

Cabdi Saahid

- Afar sano iyo dheeraad ardadii, looxa dhiganaysay

- Abjad dhaafi weydaye maxaa, ubadka loo laayey?

Dhoonyacab

- Aqal labadii daah baan nahoo, kala danbayn mayno

- Anigana i dila idina way, daba galaysaane

- Dan ha looga baxo reer Cilmaa, doonay aakharo e

 

- Sirta iyo siyaasadda haddaan, saa u garanayno

- Wallee anigan Ina-Saahid ahaan, sidan ku noolaanin (ama)

- Wallee Ina-Siyaadoow anagu, kuuma sacabayno

 

Maxaamuud Ararsame

- Waxaadan  lahayn wiilkayoow, laguma waynaado

- Waxaad waaayo maashabaa nin laa, weel isugu gaystay

- Waa meheradiinii haddaad, quule mirataane

- Raggii maali jiray baa qabsaday, sidigtii may ley'e

- Tubaakadiina muudsada waxaad, moodaysaan dhimaye

 

Yuusuf Maxamed Sugaal (Yuusuf Dheere)

- Ninna gabay ayey kama dhaxlee, odoyo mow sheegtay

- Ogaadeenku waa mowd hadday, niman is maagaane

 

- Ragna Aadan maantuu dhashiyo, aminkiyo haatan

- Ka umuliya mooyee ma jiro, waxaa asaabayne

 

- Guuguulihii iyo intaan, galow la haasaaway

- Garanuugta yaacdiyo waxaan, goodirka u raacay

- Ileen maba gu’weyniye cirradan, madaxa gaashaysay

- Waa nasiibkan iga gaagixiyo, gocosho owgeed e

 

Cali Muxumed Gaas

- Nin saboola iyo awrba way, sahal dhaqaaqaane

- Labadaba haddaan seeto celin, socod ma daayaane

- Muslinkoo israaca iyo haddii, codowga la is maago

- Murtadka iyo ninkii macatab leh, bay midigta siiyaane

- Maslaxada Islaamka iyo sharciga, ma ogolaadaane

-------------------------------------------------------------

 

- Inagana dadkeenii dhintaa, dhaama saan nahaye

- I dhegeysta caawana halkii, dhaan wadaan ridane

 

 Yuusuf Colaad

- Heshiiskuu Amxaarada la galay, hoog ma laga qaaday

-------------------------------------------------------------

- Idinkaa dabaasha oon afxumo, deynin waligiine

- Dibnahayga uma quudhi karo, cay dadweynaha e

- Dul badnaanta waa lagu yaqaan, qolada Daaroode

- Duud iyo cag dheerow intaad, igu duqaynayso

- Haddaan Dabacayuun odhan lahaa, anigu kaa daayey

 

Maxamed Cali Good

 

- Haa kaale maantaba haddii, haraga loo tuuray

- Salaaad iyo maxaa iiga dan ah, subax is qoyn-qoynta

- Sako iyo maxaa iiga dan ah, geel nin kale siinta

- Soon iyo maxaa iiga dan ah, caana subax diidka

- Gobonimada waad neceb tahay, oo waad ka gubataaye

- Geestaad ka joogtaa kufrigu, guul ka dhaliyaaye

- Kol haddaan gumaysiga aqaan, gacan inaad siiso

- Wallee gaal-la-joog yahoow anaan, garab ku waydiisan

 

- Ninkii sahalo guur moodiyow, waa sun naaguhuye

- Sac bal waayey weeyiyo libaax, saabka ka higoone

 

- Ninkan Xayle soo daba socdoow, dan iyo aashaada

Af-Dur Dur

- Wax la xiisoo maalaba markay, xaganto laabteedu

- Ee gabadha xaluskii ka baxay, xaydhu ka idlaato

- Iyadaa xadhaadhaan sidii, xabag dhunkaaleede

Maxamuud Dalab

- Qaruumaha waxaad uga hadheen, qooshka daafida e

- Qudhunkiina nacallaa ku yaal, qurux ma haysaane

 

- War ninowna duq iyo reeruu dhalay, haysu kala daadin

Maxamuud Cabdi Kaadheeri

- Anna waranka aan liiliyaa, in uusan soo laaban

- Looxa dunida taariikhda waa, layga helayaaye

 

- Dib baa xaajo loo dhagaxguraa, tay u dhaadhiciye

- Dhiiqay miskaha kuugu ridi, dheregta qaarkeede

- Ragow hays dhabaan dhabin, adoon xeradu kuu dhoobmin 

- Gabdho iyo rag way siman yihiin, guul aan siday weeye

- Gacan saydhka culimadii la timid, iyo gumaadkeeda

- Godad loo qarqooriyo markuu, iilka wada geeyey

- Cuqubada galshada buuxisee, gayiga saamaysay

- Guulaamadii soo kacdiyo, galowgii eedaamay

- Mar uunbay gadoodkeedu, iman guluf colaadeede

 

Aadan Faarax Bari (Aadan Waal)

- Mar haddaan Axmed Dhoof iyo, Dhawr caruura ka reebay

 

- Haween waa dhirta Faafoo, Habeen loo dhixi maayee

 

- Aniga Dhool ha i dhaafto

- Layliga ma qayrsado aan baran, laaxinkii galaye

- Lufad kii lalaba caytamee, laashinna ismooda

- Waxaan kala lalaa toban lag oon, liimbiyaa halise

- Luquntiyo afwayntaan jabshaa, sidda libaaxiiye

 

Aw Magan

- Aduunyadan sidii luqunta diin, laabatiyo hooya

- Goortii an laacaba haddii, layga lalinaayo

- Oo ayan lugi lug ii raacahayn, ma aniggaa laylyi

 

- Haddaad idinku wada dhuuqsateen, naago dhex xidhkoodii

- Dhabahoodii idinkaa maroo, dhaclihii qaba e

- Dhaddiggiinu dhinacay u kici, waabad dhaxasheene?

 

Cali Cilmi Afyare

- Car-i-kari Casiisow maxaa, Cadan ka soo dhoofshay

- Kolay Cali Jibraa’iil ku tahay, uunku wada caye


 

- Guuldarooyinkaa rimani marbay, geli shinkoodiiye

- Girgirahan istaamayi marbuu, gaadhi qarixiiye

- Geedada balaadhani marbay, golongol dhuubnaane

- Guryo dabaq ah kii lihi marbuu, geed dugaashaniye

- Ninkii godob lahaan jiray marbay, goosan aanaduye

Faarax Nadiif

- Dad abaal ma gudo waxaadse tahay, Dagayow Iidoore

- Waxaad dooni een daar ahayn, duga e yaa sheega?

 

Kumaa yidhi intanna?

- Nafta waxad u yaabtaa markaad, naago mudataaye!

 

- Gardarada cadaanka ah haddii, guudka loo fidhayo

- Geesigii itaal daran haddaan, garab la siinaynin

- Isaguna hubkiisii gurtoo, gummuca soofaysto

- Oo kii xaqiisii ganbiyey, gawrac ugu jiido

- Ooy nabadii geed sare kortooy, gaabatooy orodo

- Gorgorkii habaynimo kacee, guuray saw maaha

 

Kala-Rogan

- Abidkaa tog iyo webi unbaad, kala dhextaagnayde

- Ma tufbaad qabtaa maad maryaha, teydh iskaga maydhid

- Dhaddig iyo labbood baa tihiin, wax u dhexeeyaaye

Mursal Kaahin

- Ragguna geedka ways tirinhayaa, goor iyo ayaane

- Galmada uun la dhaca reer tolkay, gaabiskow darane

Cabdullahi Suldaan Tima-Cade

- Nin qalbi la’ qur’aanka u akhriye, qaaf dheh ku haraadye

Shariif Laate

- Halkii aar libaax uu fadhiyey, dawac ka uugaanye

- Atoor waliba geesaha u fidhay, amar ku taagleyne

- Garbaduub haddii loo xidhood, gaadhna ka ahaato

- Gacantii nin lihi goynayaa, waa gumudantaaye

- Nin walaalkii geed ugu jiraa, geesi noqon waaye

 

- Nin shisheeya raacoo dhan baa, qaba rafaadkaase

- Waxaa ani la ii reebayaa, reer kalaad tahaye

- Siddii wuxuu dirays wada sitoo, danabka eegaayo

- Markuu duudka simo geelu waa, duunyo gooni ahe

 

 Ina Xassan Dari

- Badda jeexayaa iyo bariga, jaanta mariyaaba

- Walee geel jacaylkaan u qabo, waw jirabi ruuxa

Xuseen Qoys

- Waxaan ahay nin gob ah ooy nin guna, gacal wadaagaane

- Geed geed ku maran baan ahoon, ciddina goynayne

 

Cabdullahi Sagal Magan

- Cirka meel dushaada ah ileen, dooxid lama gaadhid

- Ileen laguma doogdhabo hadhuudh, roobaan kugu daadan

- Ileen meel aan dani kaa wadayn, kama dalxiisootid

Axmed Dirir Nuur Adaan (Ina Talaabo-Nijaasle)

- Nin ambaday halkuu aaday waa, ula ekoonayde

- Amarkii Ilaah iyo wakhtigu, waa wax kaa adage

- Anigoo arkaayaan wadada, eyrigoo xulayee

 

Cumar Cigaal

- Sagalkii guduutaba miyaan, sarar hayaa buuran

- Soomaali rubuceed miyaan, siin karaa hilib wan

 

Aadan Faarax Jaamac (Daba-ka-eri)

- Danaakiraba waa laga helaa, naag la daawado e

- Allahayoow dad lama caasiyee, dumar xumaa Ciise

 

Lama yaqaan ninkii yidhi

- Rag haddaad colaad leedihiin, ciidanse u weydo

- Hadba waxaad ku ciil bixi kartaa, kuu cawo adduuna

 

Xirsi Diihaal Xalane 

- Saddex neef kollay ku tahay, wuxuun sacabka ii saara

- Mise waa samaraa waa adduun, suu ahaan jiraye

 

Salaan Carabeey

- Hanas iyo abaar kulul adoo, habaqle soo guurey

- Caynaba hadhuub kama dartaan, hoga kaliileede

- Ka hulleele Hagar Aadankii, hoobalayn jiraye

- Adunbaa hayaayda u guntane, heeryo lagu saarye

 

Lama yaqaano ninkii yidhi

- Sidda harag wan weyn laga baxshoo, waafi noqon waayey

- Waayeelka xaajadu mar bay, weyd ka noqotaa

- Shansho adhiba shirixaa dambaa, shuuqa abidkiise

- Shahwo oday ka qaaliban abtiga, shaashadii xumiye

 

Maxamed Ismaaciil

- Haddii adhi qamaamoo qatimay, helo qabaal buuxa

- Qaraabiyo wuxuu ehel lahaa, waa ka qabar dare

- Qoortoo la jiidiyo dhagtoo, la qabto mooyaane

- Nina qeylo kuma yaacin karo, doon qabowsadaye

- Inkastoo habkay gobi lahayd, haddiyad loo daadsho

- Huunbaaqsigu uma ekeyn, Habar Majeerteene

- Hubsa dhaha Hartigu waa og yahay, haarihii Muduge

 

Faarax Gabay

- Naftu waa maqnoow amase waa, mahad ku noolow e

- Waa maanta saan ahay haddii, mid u dhexeeyaaye

(Sayidka tiisii ayuu garab dhigay)

- Inkastoo habkay gobi lahayd, haddiyad loo daadsho

- Huunbaaqsigu uma ekeyn, Habar Majeerteene

- Hubsa dhaha Hartigu waa og yahay, haarihii Muduge

 

Weerar Cali

- Timir iyo raggiisii miyaa, Toomo lagu laayey

- Ma intaan qaxwaha tuugayaa, Teeyo la xaabaray

- Tobankii Abraahiin miyaa, naga tol roonaaday

 

- Kol unbuu hilawluhu u tumay, heello iyo jiibe

- Dadka kale tashiga waa hojaa, kay hadhaw noqone

- Waxaanu hubsan reer Cali Geraa, haa dhawaan jiraye

 

Jaamac Dayuurad

- Heeryada isaarani tolkay, hagartii weeyaane

- Ninba howshu kali bay ku noqon, haatan dabadeede

- Nin walaalkii ii hiili yidhi, hoog Allaa badaye

- Intii lay hogaan bari lahaa, waan harjadayaaye

 

- Waxba yaanu xeerkay i marin, xoolona i siine

- Xaashee nin libin kaa xistiyey, xumihi waa yaabe

----------------------------------------------------

 - Dumarkuba xublada foosha way, xanaf wareeraane

-  Balse inay xusuus daran yihiin, xaylka kale mooge

 

Guuleed Dhoola-yare

- Waqti bay hayee tadamiyoow, kuma wareersheene

- Walaal kuma idhaahdeen intaan, wiiqa soo dhigo e

- Walaayo iyo baadi is radi ah, ciirsan kari waaye

- Nin wanaag ku waaraba marbuu, waayir xidhayaaye

 

- Afku wuxu la xoog yahay magliga, xawda kaa jara'e

-------------------------------------------------------------

- Lammaanan xadhig loo tidcay, lugi ka doogtaaye

- Lufanbaa ka hadha dawliskii, liilsamaan jiraye

 

Jawaabtii Tadami

- Hadduu qiray ninkii geela qabay, inuu ku qaamoobay

- Asuu qoray ismiidaan qoday, waa qar soo dumaye

- Halkeen hiilka kaga soo qabtaa, waa qisiyo yaabe

 

 - Lafta dhabar laxaadka i debciyo, laafyihii gacanta

- Lubbigeygu leyl xalay ma ledin, laadadyiyo taahe

- Waa taas lanleemada indhaha, aragu liitaaye

- Liiqliiqad baan ahay sidii, lulo dabayleede

- Haddaan luqunta beri taagi jirey, liicday adhaxdiiye

Yuusuf Caalim Nuur

- Rodoloow nin rabid maalay, waa raaxada adduune

- Raganimiyo geelii haddii, la isu kay raacshay

- Sow haatan waxaan raadiyaa, raanta boqor ma aha

 

- Dahabooy waxaad iigu dudi, waan ku duungaranne

- Dabro oday ma laasimo hadduu, dooxanaa rido'e

- Dedaalkiisu waa kol iyo laba, inuu kuu dukhuulaaye

Maxamuud Cabdi Shoorshoor

- Ilaahyadu hadday dhowr yihiin, lama dhaqnaadeene

- Dhiif iyo collaad iyo kolkay, dhiilo kala gaadho

- Dhawaaqooda kaliyey nafluhu, dhiman lahaayeene

- Gabadh waliba waa hooyadeed, tay u gurataaye

- Goonbaartu waxay caasidaa, midaanay gaadhayne

- Ma gudboona gaarida sariyo, gibirta naaxdaaye

 

- Qarbadkuba haddii la aslo wuu, qurux badnaadaaye

- Alla qiimo daranaa fartuu, qori yaqaanaaye

 

- Sacba waxa gunnada loogu dhigay, yuu gardiiddamine

- Haddii aan gandaal lagu sabayn, gocay ma buuxsheene

- Nin gargaari jirey naagahaa, gaba abiidkoode

----------------------------------------------------

 

- Gaardiga sarkaalkuba ma ledo, gaadh habeennimo'e

- Nin Isaaqa godobtii bartaan, gaadhka ka hayaaye

- Gujiskii baddaan uga dhignahay, gebiga Daaroode

Faarax Nuur

- Qadhabo iyo lucaaf iyo xeelad, laysku qabanaayo

- Quruf oodan shabaq laysu qubay, qoolad iyo xeelad

- Qosol been ah   qoor wada qayaxan, qiiq aan garanaayo

- Qoodaan afkii laga qabilay, qarafna hooseeyo

- Doqonbaa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane

- Ma anaa mindiyo lay qarshaa, laygu qali doono

 

- Caddad maleh rijaal ladan intay, calal ku duubeene

- Oo ay meel cabbaar loo qodqoday, kaga carraabeene

- Oon camalka mooyee qabriga, cid uga yeedhayne

Ina Xasan Dari

- Hadday dunidu tiir leedahoo, lagu tanaadaayo

- Oo niman ku taajirahayaan, taaladan aan joogno

- Toolmoonihii Maxamed baan, laga taxaabeene

- Maxaan tobon riyo ah uga welweli, tay u weel li’iye

 

Abokor Cawad

- Geel iyo ninkii adhi dhaqday, gaajo qabataaye

- Jiilaalku wuxuu gaadayaa, gaban haagaasleeye

- Geediga ha looyaamiyeen, sidda gabraartiiye

- Girir kuma qadeeyeene, haddan guriga noo oole

- Nirig horteed daarcad bay, gogoshu ii taale

- Gadhka waxaan u feedhaa siddii, goodharka Cadmeede

 

Faarax Daad

- Adduun gaban ah ubad wada habla ah, oori kululaatay

- Waa waxaan sidaa ula engagay, urugadoodiiye

- Ilma-adeeradaaa geela way, igu ag maalaane

- Ayaantii kastaba boostadaanm ku ag wareegaaye

- Haddaan aradka gaalada fadhiyo, kuma ilaaweene

- Haddaan aabahaa ahay maxaad, ii anfici weday

   

Cilmi Boodheri

- Sidda ay go’aygii tihiyo, macawis aan goostay

- Ama ay godkii aakhiriyo, geeri iga baajin

- Gardariyaa maxaa Hodan Cabdaay, kaaga go’i waayey

- Xamdi mahad Allaa igu xawilay, walad xalaaleede

- Xami mahad anoon xoogsan baan, xayn ka buuxsadaye

- Xamdi mahad xigaalo iyo tol iyo, xidid haddaan yeeshay

Cali Xamaali

- Goodiga ban cowl buu fakhrigu, geed ku leeyahaye

- Wax dhan baan ka gabangaabsadee, waa i galiyeene

- Gaajada hugeedii miyaa, galabta la i saaray

Fooleey Aadan Cali Hareeri

- Cirku waa daruuraynayaa, gooruu di’i yaa og

- Waa la ii dardaar warinayaa, darajaday yaa og

- Anigiyo daraawiish midkii, dhiig ka di’i yaa og

Cabdulle Raage

- Camuuduba halkii laga guro, waa ka godataaye

- Rabbiyoo gargaariyo naftoo, gudubta mooyaane

- Gacan taagan lama buuxin karo, goor iyo ayaane

Faarax Xuseen

- Daliil gabay ah diin iyo xikmad, daacad iyo waano

- Dorraad iyo midaan shalay lahaa, duug hadday noqotay

- Inaan dhagaba hadal deeqahayn, baan isaga daayey

   

Cabdi Khaliif Indhoole (Hurre Aadana badhbaa ku sheega)

- Micno maleh walaalkaa miyi iyo, naag magaalaba e

- Labaduba markay kaa madhshaan, moodka iyo noolka

- Lama moodo in aad maalin qudha, meel ku kulanteene

- Shinbir duulis badan oo dhulkii, dagi aqoon waayey

- Kol unbuu libaax labadii daan, dalaq yidhaahdaaye

- Inay edebtu shay door ah tahay, baan isaga daayey

 

Yuusuf Maradoon

- Wax yaqaan haddaad tahay asaan, ciddi ku waydiinin

- Nacas ,,,,,,,,lagu waabay waa, kaa wardheer yahaye

- Kaa wacan wadaadii la yidhi, ii wad Cowra le’e

Cabdi Gahaydh ama Qowdhan Ducaalana

- Haddii culimo maalkeed la dhaco, magan Ilaaheey ah

- Miinshaar wax goysiyo hadday, malaha xoog weydo

- Sow inay maqraha soo akhrido, lagu malayn mayo

 

Kumaa yidhi intanna?

- Inkastuu dhabcaal go'an yahuu, kuu dhadhamo diido

- Isagoo dharaar maqan koluu, dumar wax kuu dhiibo

- Dhan aad uga dhacdaba maal tolkaa, waad dhadhamisaaye

- Waa dhaawac kugu yaal bahdaa, dhaqasho weydaaye

- Marka horeba guur waa milkiyo, maaro kala waaye

- Haddaan lala mashaawirin tolkaa, adiga oo maal leh

- Oo lagama maarmee tashiga, odayo loo miirin

- Ninkii keligii maalootiyaa, meel xun waw halise

 

Axmed Busur

- Wax kuwaabiyaan lagu ogayn, wadarta Ceelgaabe

- Wax ma dhaaftid wiil iyo ciyaal, amase waayeele

- Waqtibay anfaco leedahaye, waadan garanayne

- Waji yeelo weeryohow midgaan, waalan baad tahaye

Lama yaqaan kii yidhi

 

- Cagtii joogsan weydaa marbay, ceeb la kulan taaye

- Carabkaan la waabinini xumuu, caasha geliyaaye

 

Nin xaraaro dishay baa yidhi, kee ahaa?

- Awal buu qaldamay shaah ninkii, koobabkow qoraye

- In qiyaamo loo sii ceshaa, ma ahan qaynuune

- Qalbiguu wax yeelaa markuu, qaar madow yahaye

- Qarka jooji maandhey hunguri, qaadan bay wada e

Lama yaqaan ninkii yidhi

- Ilaahoow waxaad nagu ganbiday, gali Ogaadeenka

- Oo waa ii godob haddaad, gabadh ka reebtaa

 

Cismaan Keenadiid

- Laan dheere gob ahaan jiroo, gocoshadii hayso

- Iyo kii ka gaabnaan jiroo, haatan garab taagan

- Geda kaasi yahay yaa kan kale, gaadh is leeyahaye

- Labaddaa garaad oo gudboon, yow garnaqi doona?

Ugaas Nuur Ugaas Rooble

- Allhayoow nin ii daran maxaan, daafta hore seexshay

- Nin ii daaqsanayaana maxaan, daafidow kariyey

- Jidhku nimaan doonayn maxaan, hadalka deeeqsiiye

- Ma degdego xaajada maxaan, rag u dulqaad yeeshay

- Markuu dabinka ii galana maxaan, kaga daryaansiiyey

 

Xassan Kharaab wuxuu ku jawaabay

- Anba deeble geel iyo marabo, lo' iyo deeq weyne

- Dantay waa waxaan labada daan, dalaq ku siiyaaye

- Duli buu ku dhacay nimay midgaan, soor ku diriraane

- Anse daayey deeqdii yaroo, qaylo daba joogto

Tarabi Xasan

 

- Safar iyo socdaal iyo Subeyr, saan isku helnaaba

- Walee Samatarow waxaanu nahay, laba adduun saaran

 

Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle)

- Duulaan aroornimo la baray, Doollo iyo Hawde

 

Xuseen Yogol Furre (Camanje)

- Hadduu aar hal dilo oo dhurwaa, hilib usoo doonto

- Hungurina ka geyn waa kalyana, kuma hagaajaane

- Huuhdooda unbaad maqliye, lay hor iman maayo

 

- Adduunkii nagaa idinka iyo, naagahaa rogaye

- Nasabkiinu meel buu ahaa, nuridu waa iine

- Nacallaa Majeerteen ku yaal, nolol ma haystaane

 

 

Kor u noqo

Iyo qaar kale oo badan oo iman doona

 

   

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.