Home

Bogga Halqabsiga

 
 

Cabdullaahi Dhoodaan                                                        Maxamed Cumar Dage

                 

- Nabi Muxamed baa loo jeclaa, jaah mar la arkaaye (csw)

- Isagana waxaa lagu jirabay, inuu jihaadaaye

- Idinkuna xornimo saa jirtaad, jiif ka damacdeene

 

- Darxurmoode nimankii fadhiyay, darar Nugaaleed e

- Demeni iyo baqdini waa miday, dir u lahaayeene

- Dulligaad Dhulbahantoow qabtaan, Doyna laga sheegye

 

-  Dogob iyo gidaar kugu dummiyo, daad ku jiidanaya

-  Naftu waxa dardarayoo dhan bay, dhaax ka durugtaaye

- Ka huleeshe Howdkii sarriyo, haatan Caynaba e

- Nimaan Habar Jecliyo Muusayoow, uga hagaagaynin

- Inuu dhoodi hoos ugu dhacoo, haniyo weeyaane

 

- Naftu inay maqnaatiyo inay, mahad ku noolaato

- Maaweelis  weeyaan haddii, mid u dhexeeyaaye

 

 

- Nafta hura iyadoo hadheey, hibasho reebtaaye

- Haddii kale huluulaha ku jira, habi la'aantiine

 

- Wallee in ayna laakiin ahayn, laydha socotaaye

- Libin baa dhow ruuxii jihaad, laabta ku hayoowe

- Doolaabta naagaha xidhiyo, duubcadiyo weerka

- Agoomaha ilamada duugagyiyo, dumarka booyaaya

- Kama diilalyoodaan kuway, duray wadaageene

- Allaa dilay nin aan diin lahayn, oo dariiqo ahe

 

- War duudkaaga ceeb saaran iyo, diilintiyo jaaha

- Waxaaba kaaga duug roon adoo, meyd dafuufanahe

- Inkasta ood difaacdo oo warmaha, lagu daaduunsho

- Siday kuu damqaan nabaradaa, diifta kugu reebay

- Isagab dilkaagaa u dhibiyo, dakaharadaadiiye

- Baqaa door ah hay odhan Cabdiyoow, waa dameernimo e

 

 

- Shaybiyo haddaan la layn, Ina Shiraha Jaamac

- Haddaan shaqabka Col-ujoog ka tagay, loogu shalow siinin

- Aararsame shafkii ma aha iyo, shaanki reer boqore

- Hanna sheegannina waxaydin dhalay, baliyo shaydaane

 

- Halgan dhaawac loogama hakado, dhimasho yeelkeede

 

- Dab nin kaliya oo shida miyaa, duulka laga waayey?

- Faan iyo bilaash kuma lug go'o, fulayna yeelkiiye

 

- Raas weyn Ilaahow ka yeel, raacday foolxumo e

- Warankaagu ruuxuusan mudin, weedh la marin waaye

 

 

- Dhulka laguma soo koobi karo, socod dharaareede

- Nin afkayga dhawrow adaa, dhibay naftaadiiye

 

- Soomaalina macnaa lagu yaqaan, meel ay joogtaba e

- Oo waa hiddaha noo macaan, malab siddiisiiye

- Mar kastana ma moogaano ee, wuu naga dhex muuqdaaye

 

- Warsangali u mari yaan Hartiga, gabalkii moogaane

- Majeerteen u sheeg xaajadaa, waa mashaqo weyne

- Maxamuud Saleebaan u mari, madaxyo weyntiisa

- Bal inay dhagliga meeriyaan, aad u maqashiiya

 

- Waraabaha ku ruugaaya iyo, aar ku raamsanaya

- Sidday kuugu kala roon yihiin, maad u kala reebtid

- Ninkii rodolna miisaama ee, kiilo raajiciya

- Ee raasamaalkuu helaa, rubuc ka hooseeyo

- Xisaabtaa inuu dib u rogrogo, sow ra'yigu ma aha

- Jilaal abaaraad hadduu, adhigu kaa liico

- Ama khoof diraaceed haddii, lagugu aaheeyo

- Ogaadaay ayaamaha gu’ baa la irkan doonaaye

 

---------------------------------------------------

- Aabiga markay ula tageen, ururta Caynaanshe

- Anshigay Gunbuur u edbiyeen, ma u ekaysiiyey

 

- Waxaa murugo iyo qoomamiyo, maanqashiyo ciil leh

- Maskax iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liita

- Markuu adiga sharaftaad mudnayd, kaa maroorsado e

 

- Allay lehe bagaa laysu dilay, Daahiroow sabanka

- Xidid loo daryeeliyo bagaa, darajo loo waayey

- Dagaal aan qarsoonayn bagaa, loogu kala duugay

- Bagaa Dir iyo Daroodba, qiiqu uga duulay

 

- Fadhato u shaqaysaye maxaad, adigu faa'iiday (ama)

- Hooyadii figeeyoow maxaad, adigu faa'iiday

 

- Ooftuu dhigay Ciida Gale, sidii ugaadheede

- Siddii aaran geeloo dideey, ooda jabiyeene

- Mar hadday indhaha jeediyaan, orod ma daayaane

- Mataankaagii ood xaasidaa, murugaday keento

- Carabtii midowdaa og iyo, kii macooda ahe

- Masarba waa wixii lagu qabsaday, gacal la moohaaye

 

- Askar amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale

- Uubuu galaa inan-gumeed, ururta laa caaye

- Aflagaado waa loo dhintaa, eeqo duul gob ehe

 

- Nimankaa siddii dibi lix jir ah, luquntu waynaatay

- Laanjaha markay fuulayaan, lugo ku rooroora

- Barwaaqada intay leefayaan, luusa garawgiina

- Intay labanka daaranahayaan, lebi ku gaajooda

- Iyagaa sariir leexsadee, luumiyaha seexda

- Lafta dhabar siday uga jabaan, laaca waligiinba

- Libaaxdaa koraysaan nahaye, hayna loogina e

- Waagaad laxaadaysataan, lowga kala fiiqa

- War ha u liicinaay Xabashi, waan lagatamaynaaye

 

- Ingiriis ka soo carar hadduu, Cadan ku fiicnaaye

- Cishriin lag baa laga dilloo calankii, soo duubye

- Wuxuu ciidan iyo xoog lahaa, ceejiyaa helaye

- London kuma caweeyaan kobtay, cudud u yiileene

------------------------------------------------------------ - Ciqaabna ha kayaabina haddii, Diinta la cusleeyo

-----------------------------------------------------------

- Bal muxuu asiib baa wadee, Arabna doonaayey?

- Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid is daba yaacay

- Danbas iyo wax nool kay yihiin, daa'imaan garane

- Dab iyo qiiqna waan kala aqaan, saa duqbaan ahaye

 

- War waa laysku soo raran yahee, hoos ha ii ridine

- Inta reerka lay isugu imaan, haygu rogin Faafan

 

- Makaahiilna jeerbaan ahaa, mini Abraahiine

- Ina Macallin baa la i yidhaa, nin u muraad loo

 

- Rabboo caynsha mooyee ninkaa, saanad lagu ciirye

 

- Daaqiyo dulaha ceelashiyo, doogga iyo rayska

- Wax kuu diidan oo durug leh, oo dibadda kuu saari

- Waxa kaaga daran eed ogtahay, eed la dirirayso

 

Xarbi Ismaaciil Samatar

- Kolkii curaddadiisii la jaray, ees cidla istaagay

- Cali Dhuuxba daya eega wuu, soo calaacalaye

- Cabdi Gaab caruurtaadii laa, cududna kaa roone

- Maxay caydu kuu qaban kartaa, waad calyocalyeyne?

 

- Qof walaalkii gaday meel shishaa, laga ganaaxaaye

- Gacal uu xigaalkood hagraday, gocosho dayn waaye

 

Maxamuud Cali Beenaleey

- Doqontiyo intuu ruux damani, noo qabsado daalac     

- Danbigooda yey nagu dacweyn, garasho deelqaafe

 

- Dadba haybso mooyee ayaan, sii hundo ogaanin

- Hebaloow ma nabadbaa ayaan, horay u weydaaran

 

- Dhay baan lisaayee haddaan, dhoobo qodayaaye

- Dhalinyaradii rooraysay baan, dhaca odhan geele

- Labadii is dhuun goyn lahayd, waa isugu dhiibe

 

- Luqmo dheerahaan helay hadday, laqanyo kaa hayso

- Anigguba markaan kaa lalmaday, iima loodsamine

- Lubigii walaalnimo ninkii, laalay baad tahaye

- Gablan lexo-jecloy waa wiixii, lumiyey Ayjeexe

 

- Ku danqaday mid kibir diidsanaa, wuu la diriraaye

 

- Nin i xooray maantaan xumaa, aniga oo xaas ah

- Ku xiltiray xanaano iyo wanaag, aniga oo xoog leh

 

- Dadkayagu kadaab uma badniyo, reer ma kaadsade e

- Cilmi korodhsadkiisiyo xikmadi, naguma koobnayne

- Maskaxdu kaamil inay noo tahay, kumaan hayeen qaare

 

- Uma baran bahdey iyo inaan, bi'iyo Daaroode

- Shisheeyaha kolkaan baratanaan, badin aqaanaaye

- Marsada uu cadaawuhu degee, lagu malaynaayo

- Ilaalada ku meermeeriya oo, ha iska miriqshaanto

- Shanqadhooda goortii mugdi ah, maala dhagihiina

- Maalintiina muuq iyo bidhaan, milicsadoo eega

- Mutux yuu ahaan kiinuye, waa inaad magoogtaane

- Ragna maqaalufaa toosisee, mihindis foolaada

- Ismaan raaca towfiiqdu waa, lagama maarmaane

 

- Laba' caanaheed iyo anoo, labanka fuudaaya

- Wiilal baa i looyaamiyoo, ii lalabay fiide

- Libinna yaana geyninee haaddaan, kaa lug baxo maanta

- Walee aniga oo ladan Buslooy, kuguma soo laabto

- Qamaan iyo siday sheegayaan, qodobadii Raage

- Qofka cune qadaadkiyo la raba, gawrac luquntiisa

- Mindiduu qoobka kula soo baxaan, qoorta kaga goyne

 

- Indha-badane nimankii lahaa, ududsan maayaane

- Waxaa geela aanaysan jiray, ubaxa Daarood e

- Kolkii horeba kuma aaddanayn, adhi-fadh Iidoore

- Ri isnuugtay meel uga ekaa, nin is amaanaaye

 

- Afloow nimuu jidhxaayiyo nimuu, ubadkii weer laayey

- Iyo nimuu aboor xaganayaa, uurkutaalo lehe

- Damiin macalinkiisiyo isagii, ha is dacweeyeene

- Ninba dawgu leeyahay kolkii, dooda aan u dhawro

- Ardaygii da' loo yeedhiyee, diminta miim saaray

- Kol hadduu tacliin doonayayoo, deel xafidi waayey

- Garta haddaan la daahayn isaga, saw danbigu ma aha

 

- Nafyahay baxaysaay intaan, adiga kuu booyi

- Baasahaa dhacaayiyo haddaan, baajin karo mowdka

- Teydaan bilaad laga koriyo, gelin lahaa buure

- Daabaana qaadka ay matali, dowlada Af-weyne

- Ogaadeen damiin kama dhigtee, yow dirsaday howsha

 

- Beentiyo runtuba waa dhaw bay, kala baxaayaane

- Aan baxnaansho xaajada halkii, badhida loo saaro

- Tukashada iblays kaa duwiyo, toobadkeenimadu

- Ma taqaanid mooyee ileen, kheyr ma tabantaabsho

 

Sayid Maxamed Cabdille Xasan

- Heeryada ninkii kugu raree, hoygii kaa bixiyey

- Iyo kii ku hoosaasiyaa, waa isla halkiiye

- War how kala habaynina dagaal, haayirkiyo tuuga

 

- Allahayoow Ferenjigii muxuu, nacas fariideeyey

- Faa'iido laawiyo muxuu nin ragga, feyl ka wada yeedhshay

- Nimaan aabihiis fuuli jirin, faras muxuu saaray 

 

- Duunyada ragii kaa dhacaye, dowrshay xeradaada

- Ogoow daalinkaad aamintay baa, kaaga sii darane

 

- Naakhuudayaal iyo kufraad, nabiyo moodeene

- Nacaluhu kuwuu fuulay baad, daba nashlaysaane

- Nasab haddii aad tihiin gaaladaad, nici lahaydeene

 

- Soomalidu ma kala daah adkayn, deyro iyo deeq

- Diif hadduu badh qabo reer ma jiro, darayo beelaaye

- Inta qaar la daayacay miyaa, gobol la baardaajay

 

- Ninkaad dilli, ninkaad dagi, ninkaad dabin u qoolaysid

- Waa laysu kala daadiyaa, yuunu kaa didine

- Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo hadhaciisa

- Hiyigiisu daaq buu jeclaa, taana hidin waaye

- Hanqaloocsay oo gaadhi waa, xiid haraadanuye

- Kaasaay Hangaralihii dhulkiyo, Habasna laaceene

 

- Mustaqiimnimaa loo hadlaa, muranku waa ceebe

- Nin waliba maroor iyo qasiyo, muran haduu keeno

- Goortii markhaatigu dhacaa, mowdku ka adeegi

Muxumed Yuusuf Xasan

(Gabay Howle)

- Wax walba wow huraayaa ninkii, ii walaal noqone

 

- Wax badan baan hoggaankiyo jeclayn, inuu 

    hagaagaaye

- Waynaan helaynine Xirsuu, kaga habboonaaye

- Hayin nimuu ka jiifsaday wax uun, hilayga saarsaarye

- Faratoon aan haaramannee, inaga heeryeeya

 

- Danbiguu falaayaa Uweys, loogu dowgalaye

- Candho dogoble goortaan dillaa, roobku noo da’aye

----------------------------------------------------

 

- Rabboo ku caynshiyo anoo ku cafa mooyaane

- Walee caafimaad uma fadhidid, Caliyoow Buuhoodle

- Oo caadhkii weynaa gabdhihii, ku catiraynmaysid

 

Raage Ugaas Warfaa

- Cidlaa laga kaxaystaye miyaa, cudud la ii sheegtay

 

- Aboodigu ma lalo garab hadduu, iin ku leeyahaye

- Orod uma holodo ooglihii, adhaxda beelaaye

- Sargaalka iyo Hindiga waa dilaan, uma sujuudaane

- Surkana waa ka gooyaan dadkii, saaxirka ahaaye

- Soomaalidii uma turaan, saaruqa ahayde

 

- Bus xagaa ah jiilaal baryaday, qaranka oo biifay

- Barqin doog leh nayluhu gugay, banana rooraane

- Lag baruur leh bowdiyo shanshiyo, badhi hadduu waayo

- Baraar habartii loog kama furtoo, gowrac kama baajo

 

- Ha lays dilo dagaal waxaan ahayn, daawo lagu waaye

---------------------------------------------------

- Haddaan lays jikaarayn dunida, jeex anaa rogaye

- Baajiri jarkeed waa bukurin, laba bikuuroode

- Binjaday lahayd saan hadday, ugu bilkaynayso

- Buluskii biyaha ceel ma sido, mana baqool daayo

 

- Odayaal gaboobaa marbay, gaban ahaayeene

- Guxushaaga aan kicin marbuu, gaananaan jiraye

- Nimaan guuyo abid yeelan baa, geelal foofsada e

 

- Geeluba ugaasoow hadduu, ayda miranaayo

- Abeerkiisa naaxiyo hadduu, aaranku is waayo

- Isaguba ma kala aamusee, waysu ololaaye

- Haddaan ina adeereey ku idhi, sowma urugootid

 

- Cudud ma leh col kula weerar gala, ciidan iyo xooge

- Inkastey cid kuu soo diraan, waa cidloo kale

- Caloosha iyo madaxay sidii, dumar cantuugaane

- Maandhoow cayaayirka iga daa, Carabi waa naage

 

- Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin, talo lagaa reebay

- Meel aan lagaa rabin indhaha, lalama sii raaco

- Layskuma ridaan rido haddaan, ruuxu ku arkaynin

 

- Haddii madal la waco uunku, waa nin iyo maankiiye

- Nin waliba waxaan madarta qaban, meel is kala taagye

- Mid baa ma aha odhan oo runtaa, mowdku ka adeegi!

 

- Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil, qaran ku waydaaye 
- Qaabiilba Haabiil intuu, qoonsaduu dilaye
- Qar ha dumo qiyaamana ha dhaco, qoysna yuu hadhine 
- Qacda waaga labadeena qolo, ha isu qaateene
- Walee Faarax qooqaan ku dilay, qoomamayn mahayo!
 

- Ma cirkaa la gayn oo dhulkaa, laga gawdiidsan

- Geydhooy maraakiib miyaa, gurada loo saari

- Aakhiro raggii tagay haddaan, Eebe ka aqoodo
- Ina adhi jireed iyo nimaan, habartii awr goynin
- Sow waxaan iloobaba nin xumi, ima ogeysiiyo

- Ninka yidhi wax baan gani anoo, Gol iyo Cayn jooga

- Ee yidhi badii Garacad baan, gudub u weydaarin

- Godka lagu cadaabyow muxuu, go'uhu been sheegay

 

Qamaan Bulxan Yuusuf

- Waxaad aadamoow maagan tahay, adiyo maankaagu

- Iyo meel Ilaahay ku marin, kala mid weeyaane

 

- Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeynaynin

- Ama aan aniga lay odhan karayn, tanu ahaan mayso

- Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubeysta

 

- Cawl baa midgaan soo gasbaday, jeer gabraar tagaye

- Isagoon wax lagu gowraciyo, gowdhisaba haysan

- Golxobtiyo lawaa tooriday, Gurey ku noolayde

- Jeenay gabsiisoo markaa, qodatay garaaye

- Adiguna gaddii baa tahoo, ways gunaanadiye

 

Kumaa yidhi intanna?

- Lacagtaan maqdarad geynayee, magac ku doonaayo

- Alla magane maan hooyaday, maro u soo siiyo

 

- Waxaad adigu miihaalatiyo, malaba waa beene

- Waxaad mooday mowd baa sokada, kaaga soo maraye

 

Maxamuud  Axmed Cali (Bidhiidh)

- Baadida ninbaa kula daydaya, daalna kaa badane

- Oon doonihayn inaad heshana, daa’in abidkaaye

- Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne

- Dala malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayeye

 

- Haddaan dhimano geeridu kolbay, nolosha dhaantaaye

- Dhaqashiyo marbay kaa yihiin, dharagtu xaaraane

- Rag dharbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayadeed maalye

- Dhashaadeey sugtaa xaajadaad, dhawrataa abide

- Fara waa Daraawiish waxay, falina waa khayre

- Kun fuusha oo dab lihi waa qabiil, laga fogaadaaye

- Sayidkoon fasixin geel ninkii, foofiyaa dagane
 

- Tar qabaale duulkii qaldamay, kugu qasaarowye

- Wixii jeer ku qaabilay gadaal, kuu qadarin waaye

- Muslinow bal maqal xaajadaas, layku malaq siiyay

-------------------------------------------------------------

- Sune kama ansaxo nimuu, tagay faralkii saaraaye

- Isku qayrna ma ahayn dadkuyu, gaal qasaa yimide

- Kolkuu inan-gumeedkii qoslaa, gobi qamuunyoone

- Quwaddiyo markii uu dhisnaa, xoogga qarankaygu

- Qormo nalama soo yeelin jirin, duul qayuucsanuye

- Qaskaan hilibka kaa siin jiriyo, qalanbi xaabxaabe

 

- Waxaan heli waxaan haaban karo, iyo waxaan haysto

- Hiyiguba wuxuu doonayaa, inaan hibeeyaaye

- Iyagaa intay hilib qashaan, heesi dabataale

- Oo ku hilbo qaybsada waxay, hor Alla gaysteene

- Ma Hartaynu nahay soorta, maad hadal la'aan dhiibtid?

 

- Qeylyahow haddana qeylku dhalay, ee qurjiga dheer leh

- Addunbaa noo qeyshadaye, waan ku quudhsadaye

- Ingiriis markaan quusinaan, qoorta kaa xidhiye

- Qisaas maalintaan kuu dabrado, qabasho waa duufe

- Sidii maganta jeerkii Qardhood, yaad qanbiyi dhaaxe

- Awalbaad qaraabana gabtiyo, Reer Qandhicileeye

- Qunyar kaadso oo dhawr sidaan, kuu qabiran doona

 

- Daabaca ninkii kugu dhuftee, daabna kuu celiyey

- Iyo kii duleedshaay ku yidhi, wax isma doorshaane

 

- Qudhaanjaa u yaroo meel hadday, kugu qaniinayso

- Qaarkeed ayaantaa hurdada, kaaba qadiyaaye

- Kolkolbaa qaniinyada duqsiga, lala qayuucaaye

 

- Sad u dhigo Isaaqow nabsigu, kaama soomana e

- Soofkana badh celi waan arkaa, saad u gaal laliye

Maxamed Macallin

- Nin indhala' mid kale oo indhala', oon waxba arkaynin

- Ileen oodda kama leexiyoo, hilin ma aadsiiyo

______________________________________________

- Haddii timaha Daarood wax uun, igu tabiineeyo

- Amay tuugooda uun iga dhacshaan, toobinka i saaray

- Wallee tuuryo kaagama hadheen, daba tuxaalow e

- Tollaahaan ku dhaartaye inaad, tagi lahayd Xeebe

 

- Hadii aad inaad taajir tahay, tuhunto uurkaaga

- Toodowga xoolaha ninbaa, tulud ku sii dheere

- Walee inna raggow talo aduun, taada uun ma aha

 

Maax Dhagoole 

- Ummul daahatoo meel daycan, daba fadhiistooyin

- Jeerey mandheeraha dubtaan, kama dareerooyiin

 

- Nimay qaaxo feedhaha gashoo, malaxi gaashaysay

- Gux hadii u dhaho maydhaqaan, gocosho daynaynaye

- Wad gudoonsay saadkana ninkaa, guraya weeyaane

- Aniguna gaddii baan ahee, gogosha hay gaynin

Ducaale Dheere

- Siddeeddii cishaba waa intii, sahanku laalnaaye

- Waa soo sidnaa xeedhyihii, saabka loo tolaye

- Iidoor sal fududaa wuxuu, sugayo muu dhawro

 

- Naagtii ganbada taabatee, gacanta loo maydhay

- Ee galisay meeshii haddana, gabaygu sow ma aha?

Ismaaciil Xayd Xirsi

- Eeboow geyiga Aakhariyo, dunida guudkeeda

- Mid unbay galladi noo ahayd, inaad na geysaaye

- Goodaaddo dhexe waa halkaan, galabta joogaaye
 

 

Cali Odey

Kuluc Cali Wacays

- Gadhka xiira gaashaandhig bay, gobi u aydaaye

- Geerida ha diidina ninkii, go’ana yeelkiisa

- Girigirada naaguhuna yey, idin galiilyeynin

- War guntada Ilaahbow garnaqa, gaal iyo Islaane

- Warmihiina ganna goor dhaw bay, gooshii soo celine 

 

- Nin kuu xigga naxliga kuu galaa, nudiga kaa gooye

- Mar haddaanan naaskii walaal, idinla nuugaynin

- Nuugaalna aan u kacee Reer Xirsow, nacay agtiiniiy

 

- Lix meeshaad ku joogtaan dagaal, laabta ka ogaada

- Haddii luqunta kore laydin jaro, lugaha meermeersha

- Luxdanaanta kama soo hadhee, laliya duulaanka

- Lalabaha sidaad ugu waddaan, laba jibaar geeya

 

- Kismaayo iyo Luuq waxay jiraan, laba kabaal qaade

- Kalyo nimaan lahaynbaan u kicin, kalligii meel dheere

- Allahayow kacaamaye lugaha, hayga kala reebin

 

Khaliif Aw-Axmed

- Ogaadeen dal dheer iyo wuxuu, wabiga daanshoodo

- Hadduu dirir xigaalkii og yahay, igama daaheene

- Damta iyo dinnaaqada horruu, kaa dul dhacayaaye

- Haddii dalandal kaa fiigo, waa dooxanahayaaye

 

Faarax Muxumed Xirsi

- Haddaan marada dacalkeeda iyo, deysto gacantayda

- Oo anan la degin Reer Ugaas, kama duwnaadeene

- Dabadaalis laygama dhigteen, waan u daadsadaye

-Waryaadhaay billaa laguma degin, dabinkan saynsaaban

- Oo yaa aniga dabadey ku dhicin, webi duraabaaye

- Dadba yaa u noolaan Xaashi oo, la isuku soo daayey

Cabdullaahi Badel Cabdi

 

Xuseen Hudle

- Shanta qaaradood waxaa ka riday, qayladiyo buuqa

- Waxaa qamarka guudiyo hawada, qaraxa loo saaray

- Waa quud nin haystiyo mid raba, inuu ka qaataaye

- Ama qaab uu gumaytuhu bartiyo, waa qoqoba riixe

 

- Haddaadse ciil ka bixi Xaajigii, kama cadhooteene

- Ciyaar sow shalay looma dilin, curaddadiinii dheh

- Laba Axad wax kala gaadhay, bow kala ufootaane

- Kamana uur gubyootaan wixii, geesi iil galaye

- Aqligiyo Soomaaliyeey, waaya-arageenu

- Aqoontiyo garaadkeenu, sow eber ma soo dhaafo

 

Cali Dhuux Aadan

- Gunbaan ahay ganbo-cad baygu xidhan, iyo gar naagoode

- Gaashaantimaha sidoodoo kalaan, guur u sugayaaye

- Aniga iyo hablaha loo galmoodo, waan gudboonahaye

- Jeer oon ganboolka iska rido, guudka iga saaran

- Ogaadeenka noo soo gabyoow, waa gar xaajaduye

 

Murriya Cali Ibraahim

- Waa karaahi Cali Aadan oo, waayay laba koobe

- Kalwin maayo haasaawahoo, ways kanbalayaaye

- Kurka intuusan seef igaga jarin, aan u kululeeyo 

-------------------------------------------------------------Maxamuud Tanaade

- Waligey gadhoodh adhi ma dhamin, umana gaajoone

- Caanaha Gobbaad baan aqaan, inaan gobsheystaaye

- Kac u geeya wixii gaaden jirey, wayga garanuuge

-------------------------------------------------------------

Maxamuud Cabdullahi Ciise (Singub)

- Madaxdii Afrikaay,  Mabda'a gumeysigu
- Magacood be' wuxuu yahay, Wanka macasha ii qabo
- Adigu gawrac ii mari,
  Dhiiggana aan muudsado