Home

Axmed Sheekh Jaamac

                                                  Qaali

Shirweynihii Xoolaha Soomaliyeed (I)
Shirweynihii Xoolaha Soomaliyeed (II)
Shirweynihii Xoolaha Soomaaliyeed (III)
More to come soon...
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 Hordhaca uu abwaanku gabaygan u sameeyey wuxuu ahaa sidan:

Gabaygan waxaan tiriyey 1979kii.  Anagoo dad gaadha ah ilaa 150 oo ka shaqeeya Xisbigii Urara Bulshada ayaa waxaa nala geeyey Qoryooley si aanu usoo tirino qaxootiga jooga ee Soomaali Aboo, Soomaali Galbeed iyo NFD.

Dhawr iyo labaatan guddi ayaa naloo qaybshay. Makhribkii oo ay qoraxdu sii liiqayso iyadoo shaqada badankeedii noo dhamaatay gudigayagii ayaa waxaa arkay gabadh aan is idhi waa ilaa 17 ilaa 19 jir inta u dhaxaysa, markeedii horena qurux u dhalatay laakiin markaa basaasaysan oo arad ka muuqdo, oo wakhtigaa maqribka ah lagu soo wado guddiga, oo qolyo Guulwade ahi dhabarka kasoo riixayaan, iyaduna ay cagajiid tahay.

Waxaan is idhi waxay ka gebangaabsanaysaa kaalay risaaqadaadaa la qorayaaye, hala tiriyee.  Markii habaynkii lasoo guuraynayey oo Xamar lagu soo socday oo basaska la fuushanaa yaa la yidhi Axmadow gabay.  Marka ilaa galabtii ayaan waxoogaa isku duduway.  Waxaan idhi waxaan la hadlayaa gabadhaa aan galabta arkay.  Anigu markaa gabadha magaceeda ma aqoonin laakiin Qaali baan isaga baxshay.  Waxaan idhi markaa gabadhii anoo la hadlaya:

  • Mar unbaad qaxootiga ka bixi, Qaaliyey bariye
  • Qiso iyo mar unbuu ahaan, qiiq ku soo maraye
  • Mar unbaad dhulkaad qaayibtoo, qowle tagaysaaye
  • Qabri Dahare mar unbaad xarago, qoorta lulaysaaye
  • Dhagaxbuur qabkaagiyo marbaad, qul u hagoognaane
  • Qardadii Shilaabood marbaad, qurux la laafyoone
  • Marbaad qooro doogliyo marmari, qadowgii Doolloode
  • Qabyo kabad ah iyo raar marbaad, maydhaxda u qoyne
  • Qaranriyo marbaad diiraysaa, Qudhac mulaaxdiiye
  • Qawdheere baarliyo marbaad, caws qansaxa goyne
  • Qolqoliyo marbaad dhigi qalwiyo, waxaro qoolkoode
  • Qar-rog iyo marbaad culanaysaa, qabayo caanoode
  • Qotan iyo karuuriyo marbaad, qabow shubaysaaye
  • Qabbiriyo marbaad rarayga dhacay, qoofal sudhaysaaye
  • Qalabdhabad marbay kugu ag mari, awro qooqaniye
  • Marbaad qaalimiyo soo celcelin, qaankey didiyeene
  • Qamuunyada marbaad daynaysaa, qoontay dibintiiye
  • Qalbiga iyo dhoolaha marbaad, ka qosli doontaaye
  • Qiiriyo marbay farax ilmadu, kaaga soo qubane
  • Quwadahaad hardamaysaan marbaa, danni qasbaysaaye
  • Qaran culus marbuu noqon tolkaa, qoraya taariikhe
  • Qoonkii ku iibshiyo marbuu, qaban dillaaliine
  • Qorshaa lagu magaalayn dhakhsaba, howd qorfo ahaaye
  • Qarri-juqood tareen qiiqayoo, qalalaxlaa mariye
  • Qalaafo iyo Iimeey warshado, yaa ka qow dhabiye
  • Qarash culus ayaa laammiyada, loo qarirayaaye
  • Qandaraasyo waaweyn ayey, qaadan gaaladuye
  • Buuraha qandoodey ku jabin, qac iyo baaruude
  • Qawyada mashiin cuna ayaa, lugu qodaayaaye
  • Qodban doostar leexshiyo jidbaa, qululsanaan meelle
  • Quustay libaaxyadu u didi, qararka Suudaane
  • Baabuur ayaa Nogob qulquli, qaarba cayn yahaye
  • Jet qaraaxadliyo power ayaa, qadhadhacleyn Faafe
  • Qunyar bay kusoo dagi bannaano, uga qaybnaaye
  • Qarqarada Bullaaley ka bixi, qariyo liimoone
  • Waxaa qamandi laga beerayaa, jeexa Qulunquule
  • Qaarado fog baa lagaga gadi, qiimo saa’id e
  • Qarbi iyo Baraa soo shixnadi, qalabkay saanteene
  • Qadar iyo Kuweyt waxaa ka iman, duul qamiisyo leh
  • Waxa warriye qalas laynayaad, yaab la quduroone
  • Adoo qooxan oo sabar yar, oo waxaan la quudhayn ah
  • Qiyaas socod talaabada adoo, qabac ka siinaaya
  • Qalqaaladiyo howlaha dhismaha, yaad ka qeyb galiye
  • Dowlado qalaad baad af-baran, waadna qalo goyne
  • Adigoo dalxiis u qasdayaad, Qaahira u kiciye
  • Quraacbaad ka cunaysaa Baraag, qadana Baariise (Prague iyo Paris)
  • Qumaneey quruumaa ku dumay, qaanta kaa maqane
  • Qubuuraha waxow galay dartaa, qoomam fara weyne
  • Ragbaa kuu qisaasane yaree, qurubka laabtaada
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.