Home

Dood Waayeel

                                                 Yuusuf Colaad

Sagooti
Saadaal
Gaal La Joog
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Yuusuf gabaygan iyo midka kale ee isna la baxay Sagooti wuxuu ugu jawaabay nin la yidhaahdo Cali Banfis oo SNM ahaa oo gabayo dhawr ah oo uu Soomaali oo dhan gaar ahaan Daarood wax kaga sheegayo tiriyey.  Sida magaciisa ka muuqata gabaygu waa dood heer sare ah oo aan wax turxaan ah lahayn, nimankii gabayga qumushqaamushka ah billaabay ee uu Cali Banfis ku jirayna daasadihii ayuu ka jajabiyey.   Wuxuu yidhi: 

  • Da'da gabayga waayadan ma rabin, inaan ku daalaaye
  • Dahrigayga waataan ka xidhay, toban diraacoode
  • Hadba aniga oo daayey baa, la i danqaabaaye
  • Daandaansigaan nacebnahee, dad uma sheegeene
  • Aan daleeyo caawana ragbaa, diiday nabadiiye
  • Caliyoow danbigaad gashiyo, gabayadaad duubtay
  • Soomaalidaad damacsan tahay, kala dareerkeeda
  • Dabkaad hurisay dogobkaad shiddiyo, damaladaad oogtay
  • Daabkaad mindida haysatiyo, dibin qaniinkaaga
  • Inaad dano ku gaadhiyo inay, kaaga dari doonto
  • Dib uga fiirso xaajada badhbaa, dowyo kaa rida e
  • Afartaa da'da iyo woowga iyo, deel ma ka higaadshay
  • Ragbaa ararta kala daadiyee, ma idin deeqsiiyey
  • Doodii abwaanadii horriyo, darajo waayeel dheh
  • Diin iyo qur'aan waxaan ahayn, mid ugu duug roon dheh
  • Daayayee tu kaloo ka daran, bal aan idiin duubo
  • Soomali oo wada dagta, ooy dani walaalaysay
  • Oo calanka daawaysatoo, dow kuwada joogta
  • Oo aan dagaal iyo dhac iyo, dil iyo qaad joogin
  • Oo dalalka qaarkii maqnaa, wadar u doonaysa
  • Ninka diidanoow waa layaab, taa damaaciday e
  • Isticmaarku siduu doonayey, yaad dabada haysaane
  • Nin gumaysi soo diray Illaah, darajadayn waaye
  • Dulli buu ku riddi Eebahay, labada daaroode
  • Dawladnimadu say tahay kolley, waa mid kaa dadane
  • Degmadiina waaguu kufrigu, ducaducaynaayey
  • Dacaskiyo dulliga aad qabtiyo, diifta kugu tiilay
  • Iyo dabaqadaad saaran tahay, darajadaad gaadhay
  • Durba waad illowdaye nabsigu, waa kusoo dayiye
  • Danta iyo haddaan nolosha guud, dib ugu soo laabto
  • Dadku waa ogyahay gobol kastaba, suu u doogsadaye
  • Danbarkeeda maandeeq adaa, maalay darartiiye
  • Dibjirna waa ilaashaa ku qada, dibadihiisaaye
  • Dabeey iyo Sucuudiga intaad, dollarka eryeysay
  • Waagii dillaacaba ragbaa, cadowgu dooxaaye
  • Dalkana xoolihiisii adaaba, dayn ku dhoofsada e
  • Dukaamada iyo baabuurta iyo, daarihiyo fooqa
  • Siisoowga kuusoo dagaba, dowladaan helina
  • Dubad Hiirad gabayguu ku yidhi, boqorkii deelqaafay
  • Hadduu doobke buuxsamo inuu, daato wow halise
  • Maantana sidaad damacsan tahay, yaa kasii daran e
  • Wiilyahoow ducaysoo nimcada, hayska kala daadin
  • Dadkana haysku kicin yaan iblays, dowyo kaa ridine
  • Afartaa da'da iyo woowga iyo, deel ma ka higaadshay
  • Ragbaa ararta kala daadiyee, ma idin deeqsiiyey
  • Doodii abwaanadii horiyo, darajo waayeel dheh
  • Diin iyo qur'aan waxaan ahayn, mid ugu duug roon dheh
  • Daayayee tu kaloo ka daran, bal aan idiin duubo
  • Waagii dad-weynuhu kacay, iyo doonistii calanka
  • Afartii kacaan ee dalka, ee is dabajoogay
  • Dadkii lumay wixii duni burburay, amase dhiig daatay
  • Dubkay adag haddaadan u hadlayn, ama is daaxuurin
  • Dagaalada halkaad kaga jirteen, maad dadka u sheegtid?
  • Inta kalaba daayoo halkaanaad, dad ugu faanayso
  • Adigoo Riseef baa la dagay, dunida gaadhsiiyey
  • Doolaab cad adigoo xidhiyo, dun iyo weerkeeda
  • Nimanbaa Illaahay u diray, dawladihii Yurub e
  • Dagta calanka Biixigii ku siday, waad la dirirteene
  • Shirkii dooxan lagu qaatay, ee la is difaacaayey
  • Yeydiin dirsaday waadigii, dooda ku lahaaye
  • Lixdan sano dib noo dhiga kuwii, doonayaad tahaye
  • Maantana diyaar waxaw tihiin, saad u dumisaane
  • Allaaba waa difaac aad gashiyo, dirirtii maandeeqe
  • Dabar iyo luggooyaad ku tahay, daa'inkaa abide
  • Wiilyahoow ducaysoo nimcada, hayska kala daadin
  • Dadkana haysku kicin yaan iblays, dowyo kaa ridine
  • Daayayee tu kaloo ka daran, bal aan idiin duubo
  • Daleel lagama faano iyo af aan, daacad ku hadlayne
  • Ma duugoowdo taariikhdu way, kala dambaysaaye
  • Dagaaladii sokeeyaha baryahaay, dooxatadu joogtay
  • Dakanadayda way wada qabeen, kaama diidaniye
  • Daarood anaa bari lahaa, waa danbiyo been e
  • Dilaal iyo malaal baa ku tagay, kuuma diidaniye
  • Ingiriis adoo daba socdoo, diriray mooyaane
  • Duulaankii Mudug baan ku galay, waa danbiyo been e
  • Daaqado dharaan iibi jiray, kuuma diidaniye
  • Annaase duunyo soo qaadi jiray, waa danbiyo been e
  • Kolkii dalawadiinii sanguhu, duca-ducaynaayey
  • Gebogebada deyrka leh markay, deex ka ololaydsay
  • Lafa Ruug raggii kugu dirqiyey, how durbaan tumin e
  • Da'adii uu ku rimay inuu ku dhalay, taa ma diidanide
  • Daaduunka waadigii ku tagay, dowladihii Yurub e
  • Dibadihiyo niman baa ku baday, duud xamaalkaba e
  • Waarhooy  ducaysoo nimcada, hayska kala daadin
  • Dadkana haysku kicin yaan ibleys, dowyo kaa ridine
  • Indha Badane deeq looma bixin, doolna ma ahayne
  • Dablaydii iyo faraskii la tegay, waa dulkii waliye
  • Digadiisa geedaha ka baxay, waa degaan idile
  • Dudadiina geel laguma arag, waagii dabadeede
  • Waxaad dibiga beerta ugu qodi, duunyo li'ideede
  • Waarhooy  ducaysoo nimcada, hayska kala daadin
  • Dadkana haysku kicin yaan iblays, dowyo kaa ridine
  • Afartaa da'da iyo woowga iyo deel, ma ka higaadshay
  • Ragbaa ararta kala daadiyee, ma idin deeqsiiyey
  • Doodii abwaanadii horiyo, darajo waayeel dheh
  • Diin iyo qur'aan waxaan ahayn, mid ugu duug roon dheh
  • Daayayee tu kaloo ka daran, bal aan idiin duubo
  • Taariikhda kaa dedan haddaan, daaqad ka iftiinsho
  • Mareexaan dad wow talin jiriyee, da'imaad tahaye
  • Waa dacar khadhaadh nimankanaad, dooro lee dahaye
  • Nina kuma degdego uumiyaha, Dir iyo Daaroode
  • Diricii ka kacay yuu nafluhu, daba galaayaaye
  • Axmed-guray dagaaladuu dhigiyo, dakharaduu gaystay
  • Ninkii Adari gaalada ka diray, idinka diimoone
  • Ugaasnimada Diinaa taxnayd, tan Daaroode
  • Dumarkaa hinaasee nin rag ah, docosho wow ceebe
  • Haddii hadalku kaa daarran yahay, madaxnimaan dooni
  • Ninba maalinbaa lagu dayaa, laguna daayaaye
  • Waadigii dillaalyahoow ka gaday, janankii Diigoole
  • Dibna inaan laguu aaminayn, gali dubaaqaaqa
  • Dhoodaan duquu la hadlayey iyo, wuxuu dareemaayey
  • Dana sheegadkoodii adoon, lagu dubaaqaynin
  • Bal inaad Doxore waalan tahay, waxaa daliilkeed ah
  • Meel aan laguu diranin baad, soo dafleedahaye
  • Daayayee tu kaloo ka daran, bal aan idiin duubo
  • Duqaa iyo dadkaad cayday baan, dood yar kaa odhanne
  • Dal ma helo hoggaan dabacsanoo, jecel dadkiisiiye
  • Duulse hadduu habaar qabo xaqaa, laga daboolaaye
  • Dariiqii iblaysku u qorray yaa, dow ka dhaadhicine
  • Daryeelkiyo wanaagaba xumahay, kaga dawoobaane
  • Madaxweyne daacad ah haddii, Daayin idin siiyey
  • Af-lagaado inaad soo dirtaan, ma aha dow giine
  • Wadanigu ma diidiyo, ninkii diinta aaminaye
  • Dabadhilifka raaciyo Amxaar, yuu la diriraaye
  • Waxay dab iyo baasiin yihiin, Doora Weynaha e
  • Dalka sidduu u galay waa og yahay, ruux damiir lihuye
  • Dabaabadiyo wuxuu ciidan dhigay, Ruushba dayi waaye
  • Bangidii deyrka loo xidhay haddaa, dahab ka buuxaaye
  • Dugsiyadu halkay marahayaan, hoos u maad dayinne
  • Dariiq iyo wuxuu laami furay, waa mid kaa dadane
  • Dalxiis baaba loo tagahayaa, buulashii dumaye
  • Danlaydiyo shaqalihii yaraa, dabaqaduu gaadhay
  • Dayaaxaaba lagu sii socdiyo, degitinkiisiiye
  • Doc wereenka adigaa dhigaye, lagama daaheene
  • Dakadaha iyo beeraha maxaa, dabaqa kaa saaray
  • Dam hadday indhuhu kaa yihiin, daawo maad gadatid
  • Dib u tiri warshadihii, cidlaa dagafsanaysaaye
  • Dadaal iyo kartiyo geesinimo, loo dawaangaliye
  • Muruq duuban gacan doobir leh, yey daawataa Yurube
  • Delefeeshinay soo sidaan, dowlado Carbeede
  • Way dabaaldegeen Washington, deeqna loo fidiye
  • Intuu dunnida saaxiib la yahay, SONA maad dalabtid?
  • Waxba hadalku yuu ila durkine, waxaan kusoo duubay
  • Kamaba diirin doodihii horiyo, diririgtaadiiye
  • Siyaad baa la dilayaa ayaad, dab u shidaysaaye
  • Dadku kuma maqline aniga, yaad iidan leedahaye
  • Daayin naguma keeno e haddii, xal dirir lagu duugo
  • Dadka intee ka noolaan lahaa, dunida maaxaaya?
  • Miyuu dumarku kuu dhali lahaa, daahir iyo faarax?
  • Duunyada miyaa rimi lahayd, duurka lagu foofsho?
  • Ma dayuurad baa kici lahayd, dibada loo raaco?
  • Dakadaha miyey iman lahayd, dooni qalabaysan?
  • Dhirtu doog miyey bixin lahayd, adhigu kuu daaqo?
  • Miyaa roobku kuu di'i lahaa, dunida maansheeya?
  • Allaaba waa darmaan iyo ratiga, dooh la leeyahaye
  • Ninkeebaa dameer raran lahaa, dumarka loo dhaansho?
  • Ninkii dunidda faanaba midbaa, darajo sii dheere 
  • Dayax haddii aad ismooday cadceed, baa dushaada ahe 
  • Digniinta aan ku siinaayo waa, kama dambaystiiye
  • Nin dayeysan baan kuu arkaaye, doori hadalkaaga
  • Dibna ha ugu noqon eray xun, waa laga dambeeyaaye
  • Gadabiirsay waad wada degtaan, waadna daristaane
  • Dow kama imaan Ruushan iyo, duul shisheeya ahe
  • Doc bay kaa ilaashaan intaad, dibida iib gayne
  • Dagaalyahanka Ciisiyo Hawiye, waa rag dowlad ahe
  • Waa niman midnimo doonayiyo, dan iyo maamuuse
  • Waa niman cadaawaha ku daya, dab iyo baruude
  • Iyagu hays dileen ama, hays darajadeeyeene
  • Daarood Ismaaciil ma noqon, dariska Iidoor e
  • Wiilyahow ducaysoo nimcada, hayska kala daadin
  • Dadkana haysku kicin yaan iblays, dowyo kaa ridine
  • Daayayee tu kale oo ka daran, bal aan idiin duubo
  • Qaxootiga haddii aad diidan tahay, dibadahaa jooga
  • Isha nimanka dabayoo dhan, waa dagaladiiniiye
  • Waa dadkii Wajaaliyo ka yimid, dacaladiisiiye
  • Dameerihii iyo lo'dii baa ka baxay, waagii Daba-dheere
  • Daarood haday beerayaan, adigu daawayso
  • Daayayee tu kale oo ka daran, bal aan idiin duubo
  • Idinkaa dabbaasha oon af-xumo, daynin waligiine
  • Dibnahayga uma quudhi karo, cay dadweynaha e
  • Dul badnaanta waa lagu og yahay, nimanka Daarood e
  • Duud iyo cag dheeroow intaad, igu duqaynayso
  • Haddaan Daba-cayuun odhan lahaa, anigu kaa daayey
  • Absame duunyo iyo kaama rabo, dad iyo xoogayne
  • Daaduuna kuuguma iman, daayinkaa abade
  • In kastoos dalkiisii ka yimid, oo daris ku soo mooday
  • Adaa dana ku qaba ways naqaan, labada daanoode
  • deg deg buu ahaa meeshiisiyo, nala dagtiisiiye?????
  • Waxaa dayinkiisba u khalqaday, dirirta gaalaade
  • Dunbukhay u jecel yihiin, wixii deeq la soo rogaye
  • Mid haddii aan ku sii darana, waa sidigta doollaabe
  • Inay daafacaan labada dhinac, diidi ma hayaane
  • Daaruhu waxay nala yihiin, duudahoo kale e
  • Dano sheegadkaagii haddaan, dacal kasii taabto
  • Dalka waxa kasoo baxa irsaaq, dalag leh weeyaane
  • Dibigiyo wankiyo goolku waa, sida dareentaase
  • Anigaaba duunyo iyo maal, kaa dammaan badane
  • Dabkaad sheegi iyo lacagahaad, deeqda igu siisay
  • Ma Qadaafi tuu soo diraan, kugula daawaysan?
  • Daayayee tu kaloo ka daran, bal aan idiin duubo
  • Daljirkiyo dadkaad cayday baan, dood yar kaa odhan e
  • Dagaalyahanku Gubadleey kolkuu, dunida ku heshiiyay
  • Iyagoo dabkoodii sitiyo, boobe dananaaya
  • Dagtana saaray kaaraha midkiii, lagu duqaynaayey
  • Duleedkii Godey labada mayl, waayagii dagaye
  • Durba Xabashigii waxaa u tegay, qaar uu soo diraye
  • Gaadiidka waa kii dalbaday, doorna soo kiciye
  • Danuunka iyo siigadii arkiyo, digigiftiisiiye
  • Iyaguna dhufays xero ka gale, jeexde dabadeede
  • Dukumdaakum waa kuwii ka dhigay, gaalo dabaq leeye
  • Dabkii laga furtaa geeljirkiyo, dumarkii qaateene
  • Daribtooda haadkiyo ka dharag, habar dugaagiiye
  • Adiguna dubkaad uga naxday, iyo diirka oogada e
  • Durina waw lahaydeen inaad, dacalka saartaane
  • Boqolkii degmo ees joogi jiray, looga dacareeye
  • Kolkii goboladdii lagu dirqiyey, qoday damuum dheere
  • Illaahay ha daayee Siyaad, baa war loo diraye
  • Isna ciidankii buu dalbaday, duhur dharaareed e
  • Danbaaburadiyo qiiqii ka kacay, yaabtay dunidiiye
  • Dalkii waan xoraynaye ragbaa, loogu dowgalaye
  • Daba-dhilif sidaadaa Caloow, waa dareemada e
  • Waxba hadalku yuu ila durkine, waxaan kusoo duubay
  • Saamaha dulkaa kaga gur yaan, dood yar kaa odhane
  • Deyrtii dhawayd ee Jigjiga, duulkii laga saaray
  • Sidii deyr dhal soo oomay, yaad deyrka jabiseene
  • Isagoo dagaalkii socdaad, dalaq tidhaahdaane
  • Dukaamiyo makhaayado dhigtiyo, dumaradiiniiye
  • Dalka lagaama xigo ee naftaad, dib u dhigaysaaye
  • Waxaad dooni waligaa rag uun, kuu dagaalamo e
  • Ood waliba dood iyo af-xumo, ugu daraysaane
  • In kastooy doorarkaygii lumeen, daanana i gaadhay
  • Gugii da'aba qaarbaa kacoon, dooya galinaaye
  • Dirqina way ku dhali qaalintii, dacasha dheerayde
  • Dawladdan madow inaan Hawaas, duhur ka taagayno
  • Dibna looga laabmayn ilaa ay, deeqa noo curato
  • Mid dicaayad soo fidiya iyo, doolar mid isiiya
  • Ninkan Xayle soo daba socdoow, dan iyo aashaada

 


 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 - 20093 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.