Home

Xarbi Ismaaciil Samatar

                                                                       Dhaqaaleeya geeliinnu way naga dhexeeyaaye

Cali-dhuux daya
Xarbi vs. Qawdhan
Dhurwaale
Rag Qabiilo Weyn...
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabayadii Xarbi Ismaaciil Samatar wixii aad hayso fadlan noo soo gudbi

mail@doollo.com


Mar kale ayaa niman Reer Cali ahi geel kasoo qaadeen dhaceen Ciidagale.  Geelii ayaa waxaa ka daba yimid ciidan Ingiriis iyo Xabashi isugu jira oo dhawrayey heshiis ay horay u kala sixiixdeen heshiiskaa oo ahaa in qabiilkii mid kale xoolo ka dhaca si wadajir ah looga soo celiyo.  Haddaba geelii markii uu dib ugu noqday Ciidagale ayaa waxaa geeraar mahad celin ah tiriyey geeraarshe reerkaas ah.  Xarbi ninkaa ayuu gabay ugu jawaabay isagoo xusuusinaya in aanay geela sidaa kaga hadhaynin.  Wuxuu si jeesjees ah uga codsaday nimankaa geela Ingiriis u celiyey inay birta, oonka, qaniinka, cadhada iyo dhugatadaba ka dhawraan inta uu gacantiisa kaga soo noqonayo. 

 

Gabaygan taariikhdiisa oo dhan iyo gabayo kale oo laga tiriyey dagaalkii Dhurwaale halkan ka eeg:  Taatiikh iyo Gabayo Wuxuu yidhi:     

  • Hadduu gaalku noo kiin dhiboo, maanta naga dheelmo

  • Dhala-uus dhabbaha qaaliyeed, dhinaca Buunshaale

  • Xeryahaan kaliil hore ku dhacay, dhaafin mahayaane

  • Intay dhagaxa hoos uga ridaan, dhuumin mahayaane

  • Dhoobada intay joojiyaan, dhoofin mahayaane

  • Nimankii seen isaga dhawnaa, dhaagi mahayaane??

  • Dhudhumada markaa inaanu qaban, dhawri mahayaane

  • Kolkii hore dhallaan baydin galay, dhuumashe ahaaye

  • Intaan dhudaha Guuleed maroon, col u dhabaalyeeyo

  • Annagoo dhan reeraha dhexdood, dhaaxa naga eega

  • Arladiina dheelkiyo intay, dhedada baas joogto

  • Dheeheey waxaan kaa maqnahay, dhibica deyreede

  • Meeshii dhinbiil badan leh iyo, dhaayin la ogaada

  • Dhogorteeda jeel baa rogee, dhanaha fuudsiiya

  • Kaa haatan dhays ihi intuu, dhalayo sii raaca

  • Dhiilka uun ha eegine nirgaha, dharaq u sii daaya

  • Cusbada dheegga yaan lagaga rarin, dhaamiyaha awrka

  • Goortay magaaladu dhashaad, dhadarbiyeysaane

  • Dhurwaayahay  ha iga siisanina, dhar iyo soor toona

  • Niriggaad ka sii dhaylyeysataan, dhagar u qoondeeya

  • Dhaqaaleeye geeliinnu way, naga dhexeeyaaye

Qab ayaa gabaygan ka muuqda maxaa yeelay mar niman uu horay u dhacay ayuu ku digtay, marna geelooda ayuu ka codsaday inay sii dhaqaaleeyaan inta uu xoog kula soo wareegayo. 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.