Home

Qamaan Bulxan

                                                                                 Ogaadeen

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Gabayadii Qamaan Bulxan ee Guba 2:

III

Gabaygii 1aad

  • Caliyoow dabuubtaadi gabay daayinkaa wadaye
  • Dabaylaha xagaagee dafliyo daafigaa sidaye
  • Noo dooji doogiyo sidii dararta xolaaye
  • Diirkiyo laftuu xulay hadduu hadal wax daaweyne
  • Dadkana uma sinnee reer tolkay dacar ku nooleeye
  • Anna waan ku diirsaday Ilaah derajo siiyoowe
  • Daaraan garbaha qoon hulaad damaqday Dhuuxoowe
  • Dibirrooti buu dhacay raggaad daabaqadiseene
  • Waa gobol dillaacid iyo ciil dibinta ruugaaya
  • Iyo gobol runduda oo fadhiya dagada weeyaane
  • Dib u joogso waan kula dacwiyi doodna waan odhane
  •  
  • Dab baad ololisaa kumano gubo daa'in abidkaaye
  • Intaad dogob shiddaa baad taqaan dirdirayn jaane
  • Daaskaad fadhido sow gubee degelkan qiiqaabi
  • Haddayse daacad xaajadu tahoon lagu denbaabaynin
  • Danbaaburada naareeed haddaan dhinacu doonaynin
  • Seeddoow maxaad noogu digan dakharku waa kiinne
  • Goormayse degmadu noo miyeen dawgalbaa jira e
  •  
  • Daldhahsiga danaasaca la mood dawr inaan ahaye
  • Is dalleemintaydaa ninkii dagani eedaaye
  • Dubihii ku dhacay Ina Barwaaq dagi ad maysaane
  • Daaduunka caydheed raggaa dibbadda meeraaya
  • Docmo iyo Hartaa lagu ogaa dalawadoodiiye
  • Cali Gerigaa daadhiib shalay naga durduurteene
  • Waa kaa darfiyey caanihii dagiyo heemaale
  • Anna waxan dibiray waa dagaag dayrar soo xulaye
  • Nimay gacantu daabulo tiqiin deri hadduu daayo
  • Uu yara dalleensado intii ducasan loo yeelo
  • Damban maayo waagay xubnuhu yara dubaaxshaane  
  • Inaad deysid beel dagan adoon dani ku seetaynin
  • Dabcigeedba yaa kugu yiqiin digasho mooyaane?
  •  
  • Hadday debecdo waw hiilisaa doqon walaalkeede
  • Diiftiyo ushay garan intaa dayada haysaane
  • Dunna hadaanad ii tarin maxaad iigu dana sheegan?
  • Duunyada fardood maalintaad deleb ku qaadaysey
  • sidii duul Amxaara ah markaad nagu dabraynaysey
  • Intaad haatan ii laba dublayn muu damqado jiidhku?
  • Daarood Ismaaciil ahaan hilibku muu diiro?
  •  
  • Daabaca ninkii kugu dhuftee daabka kuu celiya
  • Iyo kii duleeshaay ku yidhi wax isma doorshaane
  • Dakanadayda yaa kaa xigaad igu danayn haatan?
  •  
  • Aar soo dibjirey neef hadduu daacuftii geliyo
  • Uu kaga dig siiyuu ilkaha dhiigga kaga daadsho
  • Dugaaggaa yaryari sow ka cuna duugga hadhay maaha?
  • Aday dilaye goormaa Isaaq Doollo iga qaaday?
  • Maxaa libinta Daarood lahaa dabacayuun siiyey?
  •  
  • Hadday Dubaxul uga heesayaan dacarba waan siine
  • Miyey haatan daab iyo ul iyo kaga cabbaan dawlis?
  • Dusha daalis oo dibi dhaloon loo danbarinaynin
  • Oo kii lahaa diidey bay sidigtu  doontaaye
  • Kuwan derisnay dooxeer haddaan sebenka daduunsho
  • Waxa adiga duug kaaga noqon yayga degi waayey!
  • Gabdhaha doonnan dadabtan dhisniyo xidid dariiqaynta
  • Kuwaan dihannay diricay dhaleen waa dareeemada e
  • Muslinka hayga didin yaan ibleeys dawyo kaa ridine
  • Darka jabay dilaalkiyo dhulkuu dabadku meeraayo
  • Deeqii Illaahay halkuu xuliyey daadkiisa
  • Ii daa dugaagiyo Hartay igaga deyraanne
  •  
  • Iidoor Dir weeyee hadduu duulan soo kiciyo
  • Dunji Habar Magaadluhu hadduu dabarka soo gooyo
  • Dunbuq iyo rasaastana hadduu debecsanuhu siiyo
  • Horta yaa la da'a wayla yaab dawyadaad xuliye?
  •  
  • Ogaadeen ka daan iyo ka daan Doollo soo gudubye
  • Diinkaan akhriyey way imaan Dooy raggii jiraye
  • Dulli maalintaa waxaad qabtaan waan u daahirinne
  • Ma demmaniye deynkayga waan dabagelaayaaye
  •  
  • Idinkuba darkii Caynabaa deris ku taalliine
  • Dagaallama rag doorkii la laa duubcaddii Hagare
  • Ama na daaya waa wada qabnaa daawashiyo ceebe
  •  
  • Caliyoow da'daan ahay waqaa looma duurxuloe
  • Duq gaboobey iyo wiil yarbaa loo dedaa hadale
  • Diirkaan ka garan xaajadaad dabaqa saarteene
  • Ma dumaalo naaguhu ninkay nolol ku dayrshaane
  • Dayib uma yidhaahdaan jeeroo hawli daashado e
  • Nin walaalkii doorsaday ilaah derejo siin waaye
  • Dalkaad Ina-adeerkaa dhigtaad weli degeysaaye
  • Baadida ninbaa kula deydeya daalna kaa badine
  • Oon doonahayn inaad heshana daayin abidkaaye
  • Dadkuna moodi duul wada dhashoon wax u dahsoonayn
  • Dallo malaha aakhiro haddii loo kitaab dayoe
  • Dilaal iyo malaal wuxuba waa carabta deynkoode
  • Dibnihiinna uunbaan galoo way dudubiseene
  • Allay diliye Iidoor adaa iiga sii darane

V

Gabaygii 2aad

  • Nimanyahow rag geeri u batoo lagu gablaynaayo
  • Anaa ganiyo anigaa gembiyey goor kastaba joogta
  • Oo lagu gataatacahayoo gibil madoobaaday
  • Oo loo gashaday baal sidii gaalannimo roonta
  • Oo lagu garrami way la yaab gole ka yeeraaye
  • Oo guriga wada meeriyoo geela laga faani
  • Oo maanta geenyo iyo gabadh goosan kara qaanti
  • Gabaggabadii Daahyaale iyo gabaygi loo jeedshay
  • Sow inuu geddiyo haatan Cali lama gudboonaannin!
  •  
  • Hadalka waa gaftaye Maxamedow kuuma soo geline
  • Sow magani tii gaabsateen gabay lahayn ma aha?
  • Geeraarka iyo faanku sow Guba la xeer ma aha
  • Guntigii la furay waa fog sow lama garwaaxeedsan
  • Gablamoow Ogaadeen haddaa giirka loo dhigaye
  • Oon loo garaabeen wuxuu geystay duud samiye
  • Ha gacmeeyo qaankiisu waa waxaan gaboobayne
  • Alley lehe gu' baas bay jireen waana loo galaye
  • Dirkii horreba gowsaha haddaan gabadha soo qaadno
  • Oon gorofta caydheed ag dhigo giraagirtaan meersan
  • Oon goroyo guridaa qabsado godob ma yeesheene
  • Gashi nabsiyey oon geeri iyo gacan la qaadaynin
  • Oo kii lahaa kugu gilgili gaardin iyo qoolka
  • Gasabkeeda Eebboow bal yaa galin usii jooga
  •  
  • Gartood weeye maansada inay nagu garaacaane
  • Galtuu qaylyi oo had iyo jeer gamaska uun loolin
  • Oo gowrac kaa mudan asaas gacal walaalaysay
  • Oo gogosha kaa kicini waa sida Gunbuurkeere
  • Cowl baa midgaan soo gasbaday jeer gabraar tagaye
  • Isagoon wax lagu gowraciyo gowdhisaba haysan
  • Golxobtiyo lawaa tooriday Gurey ku noolayde
  • Jeenay gabsiisoo markaa qodatay garaaye
  • Adiguna gaddii baa tahoo ways gunaanadiye
  • Labadeenna gobol xaajadeer la isku guubaabshay
  • Haddaydaan guddiyin oo ciyow gunno la noo keennin
  • Wallee inaan tix laysugu go'oon gaagna hadhin sheegi
  •  
  • Gadistaye haddana meel kalaan kaga gadaal laabmay
  • Hadalka waad gaftaye Maxamadoow kuuma soo galine
  • Ma gu' yarida gee xaajadaa guudka Habar Yoonis
  • Ama iga gar mari xaal gob baa iigu kaa go'aye
  • Markii farasku kula gaabiyeen gegida kaa qaatay
  •  Gaadhkoon hayiyo hiiladaa aniga oo gaafan
  • Xaqa giigay feedhaha miyaad yara gufaacootay
  • Gam inaad tidhaahdaan damcoon Cali garaaxaaye
  • Naagtii ganbada taabatee gacanta loo maydhay
  • Ee galisay meeshii haddana gabaygu sow ma aha?
  •  
  • Gadistaye haddana meel kalaan kaga gadaal laabmay
  • Cidluu gagafsan Reer Dalal ninkii gacal tol moodaaye
  • Gugure iyo Gadabuursi iyo Gaanlahaa xigiye
  • Ganku iiguma yaal Ina-Barwaaq gibilka saameede
  • Lafahooda guumays xun bay ganac u siisteene
  • Ninkii gooya raayaha dhan bay gabadh u raacshaane
  • Iga gudhan kuwaasoon gam odhan gaasha libineede
  • Maad gowracdaan wiilka xune jooga gurigiina
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Email Us|Dhoodaan|Sayid Maxamed|M.C. Dage|Qamaan|M.C. Beenaleey| Raage Ugaas|Kaadheeri|Guba|Singub|Contact Us
Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.