Home

Cabdullaahi Macallin Dhoodaan

                                                             

Qoraal (A-Z)

Alla-tuug
Aweeti  
Callaamo
Daba la'a
Dalxiis
Dhab ka Hadal
Dhugasho
Digasho
Duraaqsi
Falaadkii
Feedho Dhagax Saar
Furdaamis
Gardaro
Garnaqsi
Gocasho
Ha Midowdo
Ha u Liicinaay
Haddii Amxaarooy
Halgaad
Higlo
Isweydiin
Jag iyo Luuf
Jilbo Riiq
Jeeraaro
Likaaco
Mardabaaloow
Maxaa iigu Jira
Mujaahid
Ogaysiis
Qalbi Karbaash
Qarjac-Muudle
Qaydaraan Shudhad
Qodob
Saleelo
Shaamareer
Takartii Maroodiga...
Toosoo Kacaay
Tusaale
Uguma Maadayn
Uneexo
Uusduugad
Waa la Mulkiyey
Xaajadii
Xaawo iyo Aadan
Xulub Socod
Xuuraa Baf
Yaa Dirsaday
Yaa Kasbaday
More to come...
 
 
 
 
 
 
 
 
 

     Tix gammuuran oo gaaban oo caynka lagu giijay

     Waxaan arar gadaanka ugu sudhi amaan u guud saari

     Suubaan galgalineed kolkuu marayo geeleenu

     Waa say awrtu ugu guuxdo ooy halo u goojaane
 

“Dhoodaan waa adiib weyn, waa nin naqdiya waxa jira, gabaygiisuna ma laha waxa loo yaqaan ‘laqsiga’ sida naago ammaanka iyo jacaylka.  Waa nin ka hadla dhibaatada jirta sida khiyaamada, axdi ka baxa, caddaalad la aanta, is gumaysiga, iwm.  Wuxuu gabaygiisa ku muujiyaa in axdi ama ballanqaad la galay laga baxay.  Waa abwaan weyn oo adeegsada qaabka balaaqiga… Ma qabo inuu jiray abwaan aragtidiisa oo kale lahaa oo maanso ku cabbiray naqdigiisa, mid hore iyo mid hadda noolba.  Waxaase ku dhaw dhaw Sayid Maxamed Cabdille Xasan.”[1]  Sidaa waxaa yidhi Professor Faarax Dhaameel.

 

“Miisaanka gabayga Dhoodaan, iyo lafta iyo luddiisa waxaan ku tilmaami karaa inuu yahay kan ugu sarreeya ee gabayga Soomaalida. Intaa waxaa dheer waddaniyad uu ka daacad yahay” [2]  Sidaa waxaa yidhi Halabuur Cabdullaahi Baddal Cabdi Qamaan.

 

 “When dealing with weighty social and historical circumstances, Abdillahi Dhodan’s command of Somali language and poetic insight is in the same league as the legendary poets, such as Ragge Ugas and Qamaan Bulhan.”[3]  Sidaa waxaa yidhi Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi.)  Hadalkaa waxaa si aan rasmi ahayn loogu tarjumi karaa "marka laga hadlayo waayaha bulshada iyo kuwa taariikhiga ah ee miisaanka leh, Cabdullaahi Dhoodaan kartidiisa xagga luuqadda iyo xirib-dheeridiisa xagga gabayga ahi waxay la heer tahay midda gabayaagii hore sida Raage Ugaas iyo Qamaan Bulxan."  

 

“Dhoodaan ma aha dadka gabayga laga keeno ee waa ilhaan markii uu wax tabo ama dareen ku dhasho gabya”[4]  Sidaa waxaa yidhi Muxumed Baaruud Guraase.

 

“Gabayga Dhoodaan tolkay wuu ku ciil baxaa ee wax kuma qaato”[5]  Sidaa waxaa yidhi halabuur Cabdi Sheekh Biixi.

 

Yuusuf-dheere Maxamed Sugaal oo ah gabayaa caan ah ayaa gabay mariyey: Faylasuuf ka weyn ma dhalan, faxalkii Dhoodaan e Gabay kale Yuusuf-dheere waa kii ku lahaa kadib markii uu taxay magacyada  ragga gabayadooda Soomaalidu ugu jeceshahay:  sano nool abwaan baa murtida laga ishaartaaye, eeggana waxaa laga tabshaa adiyo Dhoodaane (adi wuxuu ujeedaa Hal-abuur Cabdi Sheekh Biixi)

 

Maxamuud Cabdi Kaadheeri waa kii lahaa isagoo u digaya nin isku dhereriyey Macallinka asii Kaadheeri ugu muuqday nimaan Cabdullaahi Dhoodaan la heer ahayn:   

 

Boqorkaan dhacaynee murtida baarqabkii gabayga

Billaddeeda wiilkii hantiyey barrihii suugaanta

Haddaad beer adaygaaga tidhi waan u bixi maanta

Naf aad birqooshaad siddaa ood budkaw qodiyee

Is biimaynta qaarkeedna waa kuu baraarnimo e

Ma gaadhaayo bayd aad furtaa Boqorka Dhoodaane

Anaan baratamaynaa haddaad wax is bidaysaaye

Billaawuhu markuu kugu dhaciyo baaska daba jooga

Barkad-naxa barriiqada siddii bilista how yeedhin?

 

Isaguba, waa Dhoodaane, waa kii lahaa:

 

     Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhane

     Gocorkiyo ardaa-niijiyoow hooy gabaan idhiye

     Halkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baare

     Af gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaaye

 

Annaguna waxaanu leeyahay, Cabdullaahi Macallin Dhoodaan wuxuu ugu horreeyaa halabuurka Soomaaliyeed kuwii tegay iyo kuwa casrigan ahba.   Aragtidayda, Sayid Maxamed Cabdille Xasan ma ahee, ilama aha inuu jirro hal-abuur la miisaan ah Cabdullaahi Dhoodaan.  Waxaa la odhan karaa wuxuu gaadhay fidha ugu sarreysa ee halbeegga gabayga.  Sidoo kale wuxuu yahay xeeldheere dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed, taariikhda iyo sooyaalka ummaddeena iyo Geeska Afrikaba.  Waxaa intaa waheliya waddaniyad niyad ka ah iyo gumaysi iyo gardarro nacayb dhalamad ah.  Wuxuu ka mid ahaa dhalintii u guntatay aasaaskii iyo abaabulkii xisbigii Nasru-Laahi.  Xisbigani wuxuu ahaa dhaqdhaqaaq madax banaani doon ah oo ka unkamay gobolka Soomaali Galbeed.  Xawliga iyo xarbahu haba kala duwanaado e, nus-qarnigii tegay wuxuu si aan kala hadh lahayn ugu hawlanaa halgankaa. 

 

Gabayada Cabdullaahi Dhoodaan mid walba kaligii ayaa buugag laga qorri karaa. Gabay walba oo uu tiriyo abwaanku waxaa si gaar ah uga dhexmuuqda  xeeldheeri, murti wacni, eray xulasho, xariifnimo, macno iyo tarkiib yaab leh oo cid lala simaa aysan jirin.  Carroqaadkiisu waa ugub, murtidiisuna waa agan,  sida uu isba sheegay: gabay aan abuuraa hadduu aniga ii muuqdo, waxaan dooni meel ugub ahayd inaan abbaaraaye.   

 

Markasta oo aad gabay uu tiriyey dhagaysato ama akhriso, waxaad is leedahay gabay kan u dhigma waligii cid tirisay lama sheegin.  Haddiise aad isla fadhigaa ku dhagaysato gabayga kaa xiga ee ay isku cajalka ku duuban yihiin, waxaad si dhib yar markiiba u iloobaysaa kii aad dhagaysatay daqiiqado ka hor oo aad kan dambe u qiraysaa inuu yahay gabaygii ugu cuslaa ee aad waligaa maqasho.  Sababtu ma aha in adiga, dhagaystooy, ay xulashadaadu liidato amaba aadan aqoon hoose u lahayn kala sooca maansada.  Sababta arintaa keentayi waxay hubaashii tahay gabayada Dhoodaan oo uu midba midka kale ka khatarsan yahay kana cibaaro iyo cilmi qodan yahay, in la kala hormariyona ay adag tahay. Kolka ninba dookhii iyo danta gaarka ah ee uu ka leeyahay gabayga ayaa kala jeclaysiisa. 

 

Waxaa lagu doodi karaa 100% gabayada Dhoodaan inay wadani yihiin.  Waxaa la arkaa in la helo qof Macallinka ku khilaafsan mowqif siyaasi ah oo uu qaatay ama sida uu u cabbiray xaalad siyaasadeed oo xillli gooni ah jirtay.  Waxaanse marna la arag ama la maqal qof dhaliila awoodiisa aan dhigga lahayn, aan gunteedu muuqan, awoodiisa la odhan karo waa awood caqli-ka-fooq ah ee gabayaanimo.  Ma arkaysid meeris Cabdullaahi Dhoodaan ka sugnaaday oo aad isleedahay allow yaa kaa baddala ama muxuu saa u yidhi oo uu sidaa kale u odhan waayey.

 

Intaa waxaa dheer inuu leeyahay codad iyo naaxiyado kala jaad jaad ah goonina isaga u ah oo dhagaysigooda Soomaalidu aad ugu xasisho.  Sida uu ugu luuqeeyo iyo siiqada gabayadiisa ayaa waxay tahay si aan laga xigan karin oo isaga oo kaliya ahi uu awoodo inuu sidaa keeno. Bal dhagayso:  Yaa dirsaday, Salleelo, Garnaqsi, Salleelo, Gardarro, Xaajadii, ikk.  Ku luuqaynta gabaygu,  gaar ahaan kolkii ay sida ta Dhoodaan u hufan tahay, waxay leedahay qiime iyo muhiimmad gaar ah maxaa yeelay marar badan ayaa waxaa la arkaa nin gabay fiican oo haddii gabaygiisa la qorro murti laga dhadhansan karro.  Laakiin markii uu ku luuqeeyo aanu sidaa dhadhan u lahayn.    

    

     Gogol-dhigadka maamaahdu waa gabayadaydaase

     Gucunkeeda maansadu halkay gacan-togaalaysay

     War guulaanti xididaysatiyo guurti laga yaabay

     Goljeex iyo madaba way helaan inay ku goobaane

     Ma gartaan gibbaankoo dhan iyo jaale goray-ciile

    

Dhoodaan waxaa kale oo uu yahay aabihii iyo abuurihii nooca maansada ka midka noqday ee loo yaqaano Jacburka.  Lama sheegin Dhoodaan ka hor cid gabay jacbur ah oo sida gabayga caadiga ah u macno badan danaheeda ku gudatay.  Jacburku waa xikmad, maad iyo madadaalo yuururta oo ay  Soomaalidu aad ugu qoslaan uguna raaxaystaan.  Waxaa xusid mudan inay jiraan hal-abuur badan oo Cabdullaahi Dhoodaan kaga dayday samaynta jacburka sida Cabdi Saahid, Yamyam, Hadraawi iyo Shube, ikk. 

 

Badda riinjiyee baa u daran hawlaad qabataaye

Xisaabtana dabayshood qortaa kuugu fara weyne

Nin sigaar cabbaa wuxuu yidhaa anigu waan dayne

Kolkuu dhammaystuu haddana laba midh doontaaye

 

Gabadh aad jeclayd oo haddana gaadhi kula fuushay

Oo dhinacan kaa soo fadhiyo ruuxay garanayso

Ama aad guri kusoo booqatay lana ciyaarayso

Hooyadeedna ay joogto oo waliba soo jeedo

Adiga iyo inantaasi waad kala xishootaane

 

Yaabbaa adduunkii ka dhacay wiiga maanta ah

Dhulkii lagaba guuryoo cirkaa loo tartamayaaye

Xiddigaha dushoodaa dhawaan la isku haystyaaye

Aboole kow iyo toban baa kharibay dad aan la koobayne

Suuqaa markii aad u degtaba buuq haddaad maqasho

Dayaxay tageen iyo ma tagin muranku weeyaane

Wadaadadii jiboodiyo casrigu way is dilayaane

Ilkihii rag laga daadiyeey galabta sheegeene

 

Yurigaa Giriigbaa la yimid hawshan oo idile

Isagaa wareerkaaba baray dunidii fiicnayde

Awal waa la wada diidi jiray oo la beensadaye

Hadda unbay xaqiiqaynayaan waana la hubaaye

Armstaroonba waa kii dayaxa ciid ka soo raraye

Luna iyo Aboolaana dhigay calamadoodiiye

Haddaynaan ina guurin oo meel kasii dayanin

Afrikaanku baashuu lahaa waa la dagayaaye 

 

Haddaba talogalkeenu ma aha inaan taariikhdii Macallinka soo koobno,  sifayn badan oo kale oo uu u baahan yahayna ma jirto.  Waxaan kaliya doonaynaa in aan hordhac u samayno gabayada Cabdullaahi Dhoodaan ee hoos hadhsan doona boggan. Intaa yar ee gibinka ah ee aan kor kusoo qaadanay masoo koobi karto taariikhdiisa iyo gabayadiisa baahay ee nus qarniga socday.    

 

Mar walba oo aad soo booqato doollo.com waxaa la arkaa inaad ugu timaado gabayo abwaanku leeyahay oo ku cusub boggan.  Haddaba biyo sacabadaada ayaa laga dhargaaye joogtee inaad soo gaadho bogga Dhoodaan si aadan u gafin maansadiisa qaaliga ah ee aan uruurinay.  Wixii halkan ka maqan ee aad hayso fadlan noo soo tebi.  Dhagayso, akhri oo ku xasil, isku maaweeli, taariikhda iyo taxanihii ina soo maray ka baro maansada Cabdullaahi Dhoodaan ee mid loo dhigaana aanay jirin.

    

Haku guban dheh waa guluc shishiyo goobadaan xidhiye

Hana moodin goof laga bixiyo gaaman laasa ah dheh

Galalaati mool howgu dhicin gawyalaan faraye

Gammuunkaan cirka u riday halkuu dhigan gafuurkiisa

Ha arkeen gulaamadii batiyo uur-ma-gaaxsade e

Onkod galaw ka diday baa odhan geesinimo doone

Markaasay gabrada laacayaan saa gobbay koriye

Amay goosan xabag gawlaliyo maydhax gumareede


 


[1] Professor Faarax Dhaameel.  Garnaqsi, Maxamed Gurxan

[2] Cabdullaahi Baddal Cabdi Qamaan.  Garnaqsi, Maxamed Gurxan

[3] Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi) Interview by Dr. Ahmed I. Samatar, December 27, 2007. London.

[4] Muxumed Baaruud Guraase, Garnaqsi, Maxamed Gurxan

[5] Cabdi Sheekh Biixi, Garnaqsi, Maxamed Gurxan

  
Maqal (A-Z)
Alla Bari
Daba la'
Dalxiis Geyn
Dhalanteed
Dhugasho
Duraaqsi
Falaadkii
Furdaamis
Gardaro
Garnaqsi
Gocasho
Ha Midowdo
Halgaad
Higlo
Is Weydiin
Is weydiin II
JacburI 
Jacbur II
Jawaabtii Y. Dhere
Jeg iyo Luuf
Jeeraaro Booddo
Jilbo Riiq
Likaaco
Mindi Raacis
Mujaahid
Odoros
Ogaysiis
Qalbi Karbaash
Qaydaraan Sudhad
Qaydaraan Sudhad II
Qodob
Saleelo
Saleelo (luuq kale)
Shaamareer
Takartii Maroogiga...
Tantoomo
Toosooy Kacaay
Tusaale
Ukun Bururtay
Umu Sibyaan
Uneexo
Uusduugad
Walaalayn
Xaajadii
Xulub Socod
Xuuraa-Baf
Yaa Dirsaday
Yaa Kasbaday
Ya'ley
More to come...
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.