Home

Maxamuud Cali Beenaleey

                                                                             Gabayo isu jawaab ah

Ceelis Kaalaya
Baxnaano
Indha-Badane
Baho
Halgabay
Naagyahay
Uurkutaalo
Kaa Waayey
Nafyahay
Samir
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Camanje, Geelle, Beenaleey, Maax, Cali-dhuux:[1]

 

Sida la wariyey, niman Isaaq ah ayaa Xuseen Yogol Furre oo ku magac dheeraa Camanje ku eedeeyey inuu neef geel ah ka dhacay.  Camanje eedayntaa kama garaabin.  Noo dhaaro in aadan arag ayey nimankii Isaaq ku dacwiyeen.  Camanje oo aad ula yaabban nimankii ayaa yidhi waan idiin dhaaranayaa ee ii imaadda.  Way u yimaaddeen si uu kitaab Jaamac ah baallaha u jaro.  Iyagoo gole fadhiya oo ka sugaya inuu dhaarto ayuu gabay aan ka hayno halalkan hoose u tiriyey.  Wuxuu yidhi:

 

  • Nimanyahow hashiinii ma arag, waana la hubaaye

  • Waa taan hudheelaha galaa, hogoga Iidoore

  • Waa taan hariirsade gubaa, dhuxuli hoos taale

  • Waa taan makhaayado hurshaa, halow i leefaaye

  • Haweenkaygu waateey midgaha, hilib ka iibshaane

 

Gabaygaa ayaa carro Isaaq la geeyey, hase yeeshee sidii Camanje jeclaa oo ahayd in ay durba niman gabyaayi kasoo jawaabaan ma dhicin.  Muddo kolkuu sugay ayuu Camanje is hayn waayey oo uu gabay kii hore la sar ah ka daba diray.  Isagoo Jigjiga jooga ayuu gabay sidii gantaalkii tuuray.  Wuxuu ku rusheeyey Hargaysa oo uu ku tuhmayey rag door ah oo gabya.  Wuxuu yidhi inta nasoo gaadhay:

 

  • Gabay haw yidhaadoo ku dhaca, Cadan hagaageeda

  • Oo hammug yidhaa oo Isaaq, daartii  wada heensha

  • Oo halaha kii raaci jiray, kaga hayaay siiya

  • Oo kii hudheellada lahaa, ka handaraafsiiya

  • Oo kii hargaha iibsan jiray, haaro ugu yeela

  • Oo kii hablaha dooni jiray, horay usii tuura

  • Oo hilibka kii qaadi jiray, kaga habaaseeya

  • Oo dhariga kii heemin jiray, heenka kaga daadsha…

  • Haabhaaban maayee anuu, hilinka ii yaalo...

  • Hadduu aar hal dilo oo dhurwaa, hilib usoo doonto

  • Hungurina ka geyn waa kalyana, kuma hagaajaane

  • Huuhdooda unbaan maqliye lay, hor iman maayo

 

Cali Geele[2] nin la odhan jiray ayaa haddaba isagoo laabta ku haya haybta ay wadaagaan Abasguul iyo Ogaadeen tiriyey gabay uu Abasguul ku quudhsaday Ogaadeena leeyahay aanada u dhinta.  Duurjoogta kala duwan kalana darajada roon, geela, maraakiibta, ganacsiga makhaayadaha iwm ayuu hordhaca gabaygiisa tusaale ahaan usoo qaatay isagoo ciddii aan isaga ahayn, Ogaadeen iyo Isaaqba, ee gabaydaa inay gef ku tahay ku faanay.  Intaa ka dibna ujeedadii gabaygiisa oo ahayd inuu Ogaadeen weeraro ayuu u gondodegay.  Xoolaha agoonta oo ay dhacaan xalaalaysteenna iyo caydhnimo badan oo ku kaliftay midhaysi iyo ugaadhsiba ayuu ku sheegay.  Hartiga oo ay isku abtir yihiin, Mareexaan oo ay ka guursadaan, iyo Majeerteenka xeebta Eyl ku dhaqan oo ay inan ka doontaan ayuu ku duray.  Wuxuu yidhi: 

 

  • Abasguul Isaaq inaan la simo, igama eegtaane

  • Aanada rag kale ha u dhintee, eray yar baan baanay

 

  • Hadday ayra geel kuu dhashood, waaya badan eegto

  • Uumiga kaliileed hadday, aammineey curato

  • Oo ibaha naasaha la jaro, waa af-kala-qaade

 

  • Markabkuba  alleyl dhacay hadduu, shooladda afuufo

  • England iyo Wales  buu maraa, toban ayaamoodee

  • Kol haddii Injiinku u fakado, waa af-kala-qaade

 

  • Nin maqaaxi iibsadey haddii, loogu iman waayo

  • Goortii albaabada la xidho, waa af-kala-qaade

 

  • Afar boqol ka badan maansadaan, uurka ku hayaaye

  • Isaaq iyo Ogaadeen haddii, laysu soo urursho

  • Ninka aniga ma ahee gabyaa, waa af-kala-qaade

 

  • Awr badan waraabuhu hadduu, waa ajale laayo

  • Ma uu aamusnaado ee kolkuu, uubatada qaado

  • Kolka aarka weyni u yimaad, waa af-kala-qaade

 

  • Waa taan Ogaadeen noqdaa, aharta diidaaye

  • Waa taan agoon xooleheed, ku intifaacaaye

  • Waa taan adduunkoon la dhicin, ka aradnaadaaye

  • Waa taan irbado iibsadaa, sida Ugaas Nuure

  • Waa taan aroortii kacaa, arah u guuraaye

  • Waa taan sidii yey anbaday, ilo ka yeedhaaye

  • Waa taan awaaraha miskaha, dib ugu aastaaye

  • Waa taan in goon ah iyo habaas, kala afuufaaye

  • Anigoon adduunyaba lahayn, adhi iyo geel toona

  • Waa taan bir wada aad ah iyo, gudun afaystaaye

  • Waa taan ib dhuunyaale iyo, dhiraha eegaaye

  • Waa taan abqada meeriyaa, idil dharaareede

  • Waa taan Absame Kuumadiyo, ehelkii sheegtaaye

  • Abtirsiimo waa taan Hartiga, uga ekaadaaye

  • Ubadkayga waa tay siddaa, arad Mareexaane

  • Waa taan Majeerteenka Eyl, inan ka doonaaye

 

Cali Geele markii uu Ogaadeen oo aan sheekadaba lug ku lahayn gabaygiisii ku xusay ayaa Camanje fariin soo faray.  Wuxuu yidhi “Ogaadeenow nimankii Isaaq way iga baqeen ama way i balfeene bal isku daya idinku?” 

 

Maxamuud Cali Beenaleey[3] ayaa u jawaabay Cali Geele.  Khaa’in iyo saanac midna in uusan ahayn, Muslimiinta iyo dadka ay macrifada yihiin inuu waajibkooda mariyo ogyahayna inuu barri mudan doono ka maanta isaga mutay, gardaro inuusan cid waligii ku maagin, wacad iyo dhaar laysu maray in aanu ka bixin, isaga oo ujeedadiisu tahay sida Cali Geelle iyo talkii, ayuu hordhac ka dhigtay Maxamuud.  Wuxuu dabadeed u dhaadhacay ujeedadiisii oo uu Cali Geelle tolkii ku sifeeyey hilible, hilibka xaabkiisa uun ku nool, caydh ah, oo kalluunka kuwa fara madow ee aan bar xoolaad ka nixin mooyee aan cid kale isku lurin ku nool ah.  Waxaa kale oo ku dhalliilay inay gabdhahooda iibiyaan oo ay ammaan iyo magacyo kala duwan huwiyaan si ay ugu daraan nin aan wax damac ahi ka haynin.  Wuxuu ku xidhay dhaliilihii uu ujeedinayey Cali Geelle iyo Isaaqba tii ugu xumayd oo wuxuu ku sheegay in nimankaa gaalku ka muraadsado.  Wuxuu yidhi: 

 

  • Marna in aanan maakhado ahayn, maanac iyo saanac

  • Muslinkaba in aanaan u darrayn, laysna mudan doono

  • Dadka nimaan manaabo[4] iga qabin, in aanan maagaynin

  • Oo aanan musheekhdiyo nebcayn, nimaan macruufownay

  • Oo aanan kitaab laysu maray, meersan wacadkiisa

 

  • Waa taan makhnuud iyo noqdaa, mukhawad[5] Iidoore

  • Waa taan magaalada tagaa, macanjileystaaye[6]

  • Waa taan hashaan maali jiray, gowrac mariyaaye

 

  • Waa taan maqaamkii hunguri, ugu madiixaaye[7]

  • Mandharaari waa taan futiyo, madaxa goostaaye[8]

  • Waa taan mindiyo uus leh iyo, malafsadaa dhiig e

  • Waa taan miscilil baas dhigtaa, aan marimo ootaaye[9]

  • Waa taan mallooliga cayilay, macasha jiidaaye

  • Waa taan muluca kala soo baxaa, moolka badahiiye

 

  • Waa taan min weyn iyo go' iyo, mohorod qaataaye

  • Margiyada iyo waa taan garbaha, malax ku yeeshaaye

  • Waa taad i mooddaa dhurwaa, maraya dow dheere

 

  • Miskaha iyo waa tay futada, wax i malaahaane

  • Waa  taan middaan dhalay idhaa, maydhan yaa gadane

  • Waa taan nin aan maagganayn, maro u saaraaye

  • Waa taan Maryamo-luuli iyo, magacyo sheegaaye

  • Waa taan mushtaro baayacaa, suuqa mariyaaye

 

  • Waa taan mar naageed xidhaa, maaliyaha suun e

  • Waa tii saliid la i marshaa, maalin iyo leylee

  • Waa tii Maxooliga Kufrigu, igu maraacshaaye

 

Waxaa soo galay Maax Dhagoole.[10]  Maax wuxuu ahaa reer Dhagaxbuur, xilligii uu noolaa wuxuu ku jiray ragga qabyaaladda ka gabya kuwooda ugu afdheer.  Sida dadka qaarkii wariyey, wuxuu soo gaadhay qarnigii tagay billowgiisii ilaa badhtamihiisiiba,. 

 

Maax wuxuu gabaygu aad ugu bixi jiray kolka ay laba qoys maansada isku hardido.  Wuxuu seeftiisa galka kala bixi jiray, gaar ahaan, marka Isaaq gabay laga keeno oo isla xilliga uu maqlaba jawaab ka celin jiray.  Wuxuu odhan jiray Absame aniga faraha ha iiga qaado nimankaa Isaaq oo yaan cid aan ani ahayniba u gabyin.  Saddexdii gabay ee Camanje, Cali Geele, iyo Maxamuud Cali isdhaafsadeen ayaa loo geeyay Maax.  Wuxuu ku darsaday gabay aan ka hayno: 

 

  • Abtiyaashay anigaa aqaan, nimanka Iidoore

  • Ha ka aamusnaadeen Absame, waan abhinayaaye

 

  • Aroortay yimaadeen iyagoo, awr faruun xidhane

  • Irriduu yaxoobaa sidii, ood fadhiisin ahee

  • Uurtuu ka reemaa sidii, igadh cayuumeede

 

  • Cirka oo unkadi buu yidhaa, adhiga ii looge

  • Aqal aad ah buul ooraluu, ka ag samaystaaye

  • Aagaamuhuu kala yaqaan, ta u iniin roone

 

  • Aboodaan ka gubi buu yidhaa, ubad fayoobaaye

  • Istalaab xun buu kaga dhigaa, meeshan oofta ahe

  • Ilmahana galabtuu iman, aabbihii dhalaye

  • Afcastuna markaasaay dishaa, kabadhe Iidoore

  •  ...

 

Cali Geelle gabaygiisii wuxuu ku xusay magaca Harti isagoo Ogaadeen ku leh isku abtir ayaad nimankaa tihiin.  Wuxuu kaloo tixraacay qisadii Halac Dheere/Haameey oo uu gabayga mariyey Majeerteenka Eyl.  Cali-dhuux Aadan Goroyo ayaa labadaa arimood ka faa’iidaystay oo tiriyey meerisyadan hoose.  Hunguri xumo, xishood darro, qorqodenimo iyo cadadka hilibka ee ay Soomaalidu ka faanto inay ka laacaan ayuu ku ceebiyey nimankii ay ishayeen ee Cali Geelle uun aan gabaygiisa ka soo xusnay.  Inta aanu hellay Cali-dhuux wuxuu yidhi:

 

  • Waa taan wan weyn dhinacii iyo, dhabarkii tuujaaye

  • Waa taan intaan kala dhigdhigo, dheriga heenshaaye

  • Waa taan middii ii dhexdayoo, dhowri kariyaaye

 

  • Waa taan in soo dhibicsadaa, dhaahiyaha fuud e

  • Waa taan fartaa dhuuban iyo, dhuraha leefaaye

  • Dhab calool ah waa taan wadniyo, dhabano iibshaaye

  • Waa taan dharkaygii xarago, dharas ku laabtaaye

 

Silsiladan oo isu rogtay mid ay gabayaagii Daarood iyo Isaaq ku loolameen waxaa ka qayb qaatay rag kale oo waheliyey shantaa nin ee kore.  Tixaha aanu halkan ku xusnay qudhooda waxaa la arkaa inaysan dhammayn.  Soo raadi waxa maqan. 


 


[1] Laba cajaladood oo midna Cabdullaahi Dhoodaan duubay midda kalena Yuusuf Colaad duubay ayaan ka saxay.  (2003 iyo 2004)

[2] Arab, Isaaq

[3] Ogaadeen, Reer Isaaq, Reer Cali

[4] Manaabo waa dakano, waa tii Maxamed Cumar Dage isna gabayga ku lahaa; gabaygaan manaabada lahaa, maqan ku raadcayso

[5] Mukhawad: eray asalkiisu Af-Carabi yahay oo la macno ah khaniis

[6] Macanjilaysi: shaxaadka ama baryada reer magaalka

[7] Madiix: eray asalkiisu Af-Carabi yahay oo la macna ah ammaan

[8] Xubno hilibka ka mid ah oo ragga Soomaalidu ka faano calfashadooda, ninkii lagu arko ama lagu tuhmo quudashadoodana lagu ceebiyo.  Sharci ahaan xubnahaasi hilibka kale waxba kagama duwana oo waa xalaal

[9] Dabato ama ugaadhsiga duurjoogta ayuu ula jeedaa beydkaa

[10] Ogaadeen, Reer Isaaq, Reer Cali.  Cabdullaahi Dhoodaan cajalad uu duubay ayaan ka saxay. (2004)

 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
Dhoodaan|  Sayidka|  M.C.Dage|  Qamaan|  M.C. Beenaleey|  Raage Ugaas|  Kaadheeri|  Guba|  Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry. All rights reserved.